Share this:

" />
14 February 2017 | News

Tagsiilayaal Gacanta Ku Dhigey Mid Kamid Ah Budhcad-Ka Habeenkii Gawaadhida Dhacda iyo Sixiroolayaasha Oo Halis Ku Haya Bulshada Hargeysa

Waxaana la sheegay in mid kamid ah darawalada tagaasidu uu gartay gaadhigan Tagsiga ah ee la qabtay taas oo dhawaan budhcad hubaysani ay ka dhaceen  xaafadda Musalaha ee magaalada Hargeysa isla markaana darawalkii waday ay la dhaceen toorey intaasi ka dibna ay gaadhigii ka kaxaysteen.Darawalkan kamidka ah tagsiilayaasha ayaa waxa uu sheegay in uu arkay gaadhigii laga dhacay  darawal ay saaxiibo ahaayeen  isla markaana uu ku gartay calaamad ku taalay,kaas oo markii la qabtay laga badalay taarikadii (Namberkii gaadhigii) isla markaana ay ku xidhnayd taariiko kale oo aan kii gaadhi lahaa ahayn.

Sidoo kalena darawalkii waday gaadhigan tagsiga ah ee la dhacay ayaa waxa laga helay buugii gaadhiga oo sawirkii ninki lahaa gaadhiga inta laga badalay lagu dhajiyey sawirka ninkii afduubtay ee darawalkii hore ee gaadhigan  waday tooreyda la dhacay.

Intaasi ka dib ayaa waxa la sheegay in la qabtay gaadhigan tagsiga ah  isaga oo ay xanibtay mid kamid ah ishaarooyinka gawaadhida kala haga,intaasi ka dibna loo dhaadhiciyey saldhiga dhexe ee magaalad Hargeysa.

Arrintan qafaalashada ah ee budhcadkan mudooyinkii u danbeeyey ay ku bartilmaameedsanayeen darawaliinta gaadiidka gaar ahaan tagaasida ayaa waxay sababtay in darawaliinta tagaasidu habeen kii goor hore iska rawaxaan,waxaana dhacdadan ay badanaa ku dhacdaa darawaliinta tagaasida ee habeenkii shaqeeya.

Dhinaca kale waxa mudooyinkii u danbeeyey gudaha magaalada Hargeysa kusoo badanayey dadka sixiroolayaasha ah kuwaas oo dhacayey dadka ganacsatada ah iyo waliba caruurta yar yar,waxaana ay wararku sheegayaan in dhawaan xaafada Xero Awr ee magaalada Hargeysa oday sixiroole ahi uu ka kaxaystay ilmo yar kaas oo kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii subax,waxaana uu ilmihii yaraa geystay guri kharaabad ah,waxaana sida la sheegay uu duhurkii soo daayey ilmihii yaraa oo uu sirxay uuna garaacay,waxaana ilmihii yaraa loo geeyey culimada sixirka daweeya.

Sidoo kalena koox sixiroolayaal ayaa la sheegay in dorraad barqadii lacag gaadhaysa Shan Milyan ay ka dhaceen nin haysta sarrifle,kaass oo ay u dhibeen ninka Mobile intaas kadibna ay gurteen lacagtii Meesha u taalay.

Gabagabadiina arrimaha noocan oo kale ah  ayaa mudooyinkii u danbeeyey kusoo badanayey gudaha magaalooyinka Somaliland,waxaana ay ciidamada boolisku ku daba jiraan soo qabashada dadkaasi

(496)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com