Share this:

" />
04 October 2016 | Articles

Abwaan Sacad Gadhle Oo Cashar Adag U Dhigay Cali Xaraare.

WAA AYO SHAQSIYAADKA KAALINTA KOOWAAD IYO KAALINTA LABAAD KU GUULAYSTAY LIISKA XAQIRAYAASHA AMA AFLAGAADO QUUTAHA

Shacabkeena mudaniyo

Shaqaalaha dhamaantii

Waxaa loo sharaxayaa

Raga shiishku haystee

Dhull shisheeye joogee

Sharaftii qurbaawiga

Shaanshaan ka tuuree

Shilka galay ayaamahan

Waa laba shax guuroo

Sheeko xumi ku caanoo

Shaasheeyay magacii

Sharaf badan lahaan jiray

Waa qormo Shiraban oo aan shiishka ku saarayo Laba Nin oo ku shaxguuray Qurbaha , Sidoo kale Waa qormo aan shacabka S/land ugu iftiiminayo Laba Nin oo shahaado ku qaatay in ay Caayaan Marwo sharafle , Masuul Qaranka u shaqeeya iyo Madaxdhaqmeed Beesiisu soo Cumaamaday Labada Nin oo shaqo ka dhigtay in ay hadalo Shuushaaya iyo Sheeko nacasa la soo fadhiistaan Shaashadaha iyagoo Dadwaynaha ku shubaya Hadalo aan Shaandhada Maskaxda fayow la soo marin ,Sidoo kale waa qormo aan Sharaxaad kaga bixinayo Laba Nin oo Shaansheeyay Sharaftii Qurba jooga Labada Nin oo Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira Liiska Shabakada isku xidhan ee la magac baxday Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha waxay Shaashaan ka tureen Magacii Qurba jooga Shareecada Islaamka iyo Milgihii Dhaqankeena midna uma tudhaan , Sidoo kale waxay Shahaado ku qaateen Xaqiraada iyo Ceebaynta Masuuliyiinta Dawlada S/land Ganacsatada iyo Madaxdhaqmeedka.

Sidoo kale Wariye Cali Xaraaro iyo Mustafe Maxamad Maaji waxay Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad ee Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha ku gaadheen ka dib markii Maalmihii u danbeeyay ay ku weerareen Hadalo gaf iyo meel ka dhac ku ah Milgaha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Shareecada Islaamka Marwada Koowaad ee Qaranka S/land Marwo Aamina Sh Maxamad Jirde ( Marwo Aamina Waris) Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Marwo Shukri Xariir, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh iyo Marwooyin kale oo Xillal ka haya Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo waxaana la gaadhay waqtigii Shaashadaha laga saari lahaa Labada Nin ee ku shax guuray Qurbaha Caydaystayna Cayda Marwooyinka Jamhuuriyada S/land

.

YES LABADA TUUG

Sidoo kale waxaa la gaadhay waqtigii Shacabka S/land loo soo bandhigi lahaa Shaqsiyaadkan la magac baxay Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha kooxdan oo Shaqo ka dhigatay in ay Cay iyo Dacaayado ka faafiyaan Dhamaan Marwooyinka Xillalka ka haya S/land , Masuuliyiinta Dawlada, Ganacsatada iyo Madaxdhaqmeedka S/land iyagoo Gaf iyo Meel ka dhac ula badheedhaya Dacaayado kaga baahinaya Aalada Isgaadhsiinta Casriga ah ee UTUB loo yaqaano iyo Shabakadaha Aalada Internetka wararka ku baahiya anigoo Qormadan si gaara shiishka ugu saaraya Wariye Ca;I Xaraaro iyo Saaxiibkii Mustafe Maxamad Maajin oo ah Labada Nin ee Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira waxayna ku nool yihiin Dalka Dibadiisa gaar ahaan Magaalada Minisota ee Dalka Marakaynka inkasta oo Labada Nin ay gacan saar la leeyihiin kooxo Caydooda faafiya oo ku nool Dalka Gudihiisa.

Araartaa aan gundhiga uga dhigay Qormadaydu halkaa ha ii joogtee waxaa qormadan inoo daadihin doona si gaar ahna u Falanqayn doona Qodaal joog iyo Qurba joog .

Qodaal_joog : Ninkaan dhimanin tu walba wuu arkiye ma haysaa Shaqsiyaadka Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad ka galay Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha ?

Qurba _joog : Ninkii nooli tu walba wuu arkiye waxaa la gaadhay waqtigii Bulshada S/land u soo bandhigi lahayn Labada Nin ee Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad ka galay Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha waa Wariye Cali Xaraaro iyo Saaxiibkii Mustafe Maxamad Maajin oo Wadanka Maraykanka degan gaar ahaan Magaalada Minisota .

Qodaal_joog ; Dad badan ayaa ku jira Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha mar hadiise Qurba_ Joogu ku guulaystay Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad miyaan la odhan karin Xumaantii badankeedii waxay u guurtay Qurbaha ?

Qurba_joog : Waxaa hubaala in Labada Nin Cali Xaraaro iyo Saaxiibkii Mustafe ay Shaasheeyeen Magacii Qurba jooga oo waayo la dhagaysan jiray waxaana la gaadhay waqtigii Bulshada S/land loo soo bandhigi lahaa Sheeko Nacasta ay shaashadaha ay la soo fadhiistaan .

Qodaal_ joog : Gafka iyo meel ka dhaca ka soo burqanaya Kooxda la magac baxday Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha waa mid badan Waxaana maalinba maalinta ka danbaysa ay shaashadaha la soo fadhiisanayaan Cay iyo Aflagaado aanay u meel dayin waxaase hubaala in la gaadhay waqtigii Umada laga qaban lahaa Sida Gabaygani Tilmaamayo .

Shaqo xumi ragaa lagu hubee shiishka ku jiheeyay

Shaashada ragaan kala socdeen shaahid u arkaayo

Sharaftii Qurbaawiga ragaa hadal ku shaasheeyay

Sheeko nacasta kuwaa nagu wade hadalka shaandhaynin

Markaan shiido shiilkana ku rido qumac ku soo shaydho

Shucaaciyo iftiinkaa u dami magacyo shiiqaaya

Qurba_joog : Waxaan xasuusin lahaa Labada Nin ee Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira Liiska Xaqirayaasha ama Aflagaado Quutaha ee Karaamadii Qurba jooga Shaanshaan ka tuuray Gabaygii Xoogsi ee ALLE Ha Naxariistee Darwiish Ismaaciil Mire .

Caliyow xasuus kugu dulee walad xumaadaaye

Xaluunbaan xadaas gabay la kacay oo xafiiltamaye

Dhaqashaba ha xalaalaysanine maqal xuruuftayda

Niman baa xijiga iibsadiyo xabag dhunkaaleede

Niman baa xaraabada galoo xoolo saanyada e

Niman baa xafaar u guntadayoo xabaal qodaye

Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa xaaxiyohow toose

Xagoon labada doorood ku daran ha is xakabin meele

Qodaal joog : Ugu danbayn waxaan Bulshada S/land ku guubaabinayaa in ayna dhag u dhigin Hadalada ka soo burqanaya Labada Nin ee Kaalinta Koowaad iyo Kaalinta Labaad kaga jira Liiska Xaqirayaasha iyo Aflagaado Quutaha .

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle ( Qodaal joog ) Hargaysa S/land

(868)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com