Share this:

" />
12 November 2016 | Featured / News

Baaqa Gurmadka Abaaraha Bariga Somaliland oo ay Soo saartay Hay’ada East African Development.

Sida la wada ogsoon yahay abaaro ba,an ayaa ka jira goboladda bariga Somaliland. Abaartaasi waxa ay saamaysay qoysas badan iyo wixii ay xoolo lahaayeenba, waxaanay aad ugu baahan yihiin  biyo iyo baad-ba. Goboladda abaaruhu hada ka jiraan waxaa ka mid ah Saaxil, Togdheer, Oodweyne, Buhoodle, Saraar, Sool,  Xaysimo iyo Sanaag.

Sidaas darted, hayadda Horumarinta Geeska Africa (EAD) waxay ugu baaqaysaa xukuumadda, hayaddaha samafalka , wadamadda deeqaha bixiya iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland iyo dadka muxsiniinta inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha ka jira goboladda bariga Somaliland.

Hayadda EAD waxay si gaar ah ugu dhiiri galinaysaa ganacsatadda iyo qurbajoogta inay si deeqsinimo leh ugu hagar baxaan taakulaynta iyo caawinta bulshadeena ay abaaruhu heleen.  Hayaddu waxay ugu baaqaysaa bulshadda Somaliland inay isu abaabulaan ,iskuna xil saaraan sidii bulshadeena tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen gurmad deg deg ah loola gaadhi lahaa.

Fadlan tabarucaadka ku soo hagaaji:  East African Development”EAD”,

Dahabshil,

Account No: HRGD34184. Wixii faafaahin ah la soo xidhiid telefoonadan:

07508621456;  07949514936; o7958935198;  00252633291866

Jazaakalaah khayr

Gudidda fulinta EAD UK

(34)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com