Share this:

" />
05 September 2016 | News

Cali Khaliif oo Markii ugu Horeysay Soo Gaadhay Dhul ay ku Sugan yihiin Ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeysa(GNN) Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa Markii ugu horeysay soo gaadhay dhul Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin oo ah Degmada Widh-widh oo hoos tagta gobolka Buhoodle.

Cali Khaliif Galaydh oo ay la socdaan Xubno maamulkiisa ka tirsan ayaa si fiican loogu soo dhaweyey Widh-widh isaga oo kulamo kala duwan la qaatay Masuuliyiinta Somaliland u jooga halkaasi iyo dadka degmadaasi.

Ujeedda Rasmiga ah ee Cali Khaliif u socday ayaa ahayd ka qaybgalka Xaflada  Meher oo uu Keyse Cabdi Yusuf oo ka tirsan maamulkiisu uu Gabadh ugu Geed fadhiisanyey Magaalada Widh-widh.

Dadweynaha ku dhaqan Widh-widh ayaa layaab ku noqotay in ay Cali Khaliif ku arkan Widh-widh oo ahayd meelaha uu ka caaganaa isla markana ku  sugan yihiin Ciidamada Qaranka Somaliland isla markana Dhulkaasi ay Somaliland si rasmi ah gacanta ugu hayso.

Badhsaab ku-xigeeanka Gobolka Buhoodle Jaamac Dheeg Cartan oo aanu wax ka weydiinay Socdaalka uu Cali kahliif ku yimid Widh-widh ayaa noo sheegay in ay Maamulka Gobolku la socdeen Imaanshihiisa isla Markana Amaankiisa ay gacanta ku hayeen Ciidanka Qaranka Somaliland ee halkaasi ku sugan, waxaanu sheegay in si nabad ah ku yimid Widh-widh isla markana isaga oo nabadqaba ka laabtay.

Tan iyo wakhtigii la shaaciyey in wadahadalo u furmayaan Somaliland  iyo khaatumo ayaa waxa jira isku soo dhawansho labada dhinaca ah.

 

 

(58)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com