Share this:

" />
02 September 2016 | Community / Featured / News

Daawo Barnaamuj Gaar Ah Oo K Sahabsan Qalin Jabinta Dufcadii 4aad Ee Ka Qalin Jabisay Jaamacada Timacade University Gabiley

Gabiley(WNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta shahaadooyinkoodii gudoon siiyay dufcaddii 4-aad ee ka aflaxday jaamacadda Timo-cadde ee magaaladda Gabiley.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa kala qeyb galay xafladda qalin-jabinta Jaamacadda Timo-cadde oo lagu qabtay xarunteeda magaaladda Gabiley, waxa kala qeyb galay Guddoomiyaha iyo murrashaxa Madaxweynaha ee xisbul xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Qaranka.

Ardayda qalin jabisay oo tiradoodu ku dhowayd boqol arday,ayaa dhammaystay waxbarashadda degree-ga iyo Diploma, ee ay bixiso jaamacadda Timo-cadde ee Magaaladda Gabiley.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ardayda jaamacadaas ka qalin jabisay ku bogaadiyay dedaalkii ay kaga midho dhaliyeen tacabkoodii waxbarasho. “Aad iyo aad ayey farxad weyn iigu tahay inaan idinkala soo qeyb-galo xafladdan weyn ee qiimaha iyo qaayaha leh ee aynu ugu dabaal-degayno qalin-jebinta ardayda ka soo baxday Jaamacada Timacadde, waa taariikh weyn waa maalin xusuus mudan, waa maalin qiimo leh, Ilaahay waxaan ka baryayaa in ardayda halkan ka qalinjebisay, macalimiintooda iyo kulligoodba inay wax wanaagsan iyo khayr ay la kulmaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan u rejaynayaa in ALLE sidii khayrku ku jiro uu waafajiyo. Farxad weyn ayey ii tahay inaan xafladan ka soo qayb-galo, waxaan leeyahay kuwii guulaysta noqda, kuwii dalkooda iyo dadkooda anfaca noqda.”
DSC_0172

thumbnail_DSC_0021

thumbnail_DSC_0071
Madaxweynaha iyo masuuliyiinta weheliyay, waxa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Abaarso, Caabudla’, Arabsiyo iyo Gabiley, kuwaasoo boqolaal dadweynaha ku dhaqani ay isugu soo baxeen jidadka iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calanka Qaranka Somaliland oo ay ku qaabilayeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ugu dambayntii Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa loo gelbiyey guriga martida ee gobolka gabiley kaasoo loogu sameeyey hadhimo sharafeed, waxaanay u soo amba-baxeen dhinaca caasimada Hargeysa.

 

Wajaale.com

Office Gabiley

(85)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com