Share this:

" />
10 October 2016 | Community / News

Daawo:Baarlamaanka Wadanka Kanada Oo Ka Dooday Markii Ugu Horaysay Taariikhda Qadiyada Somaliland

Xildhibaan John McKay ayaa ka dalbaday xukuumadda Canada aqoonsiga madax-banaanida Somaliland, isla markaana sheegay inay abuurtay garsoor madax-banaan iyo nidaam dawladnimo oo ku sallaysan habka axsaabta badan.

 

Mr. McKay oo shalay dood ka jeedinayey baarlamaanka dalka Canada, ayaa akhriyey dalab muwaadiniin reer Canada ah oo gaadhaya 295 qof ku saxeexan yihiin laguna dalbanayo aqoonsiga Somaliland.

Dalabka muwaadiniinta reer Canada saxeexeen ee xildhibaan Mr. McKay oo ka tirsan xisbiga Liberal-ka lagana soo doorto magaalada Scarborough, uu ka akhriyey baarlamaanka hortiisa ayaa u dhignaa sidan:-

“Somaliland oo ahaan jirtay maxmiyadii Boqortooyada Ingiriiska waxay madax-banaanideeda qaadatay sannadkii 1960-kii. Ka dib midow aan guulaysan oo la gashay Soomaaliya, shacabka Somaliland waxay dib ula soo noqdeen madax-banaanidooda sannadkii 1991-kii.
In ka badan shan iyo labaatan sannadood, Somaliland waxay samaysatay dastuur cusub, lacag, sidoo kale waxay gaadheen dib-u-heshiisiin, lagu sameeyey nidaam garsoor madax-banaan, iyo nidaam dawladnimo habka axsaabta badan ah.”

Dalabkan toddobaadkan laga codsaday dawlada Canada aqoonsiga Somaliland ee saxeexeen muwaadiniin u dhashay dalka inkastoo la ogeyn jawaabta laga bixin doono, dhinaca kale, wax badan ku kordhin doona dedaalada xukuumada, wasaarada Arrimaha Dibedda, iyo guud ahaan shacabka Somaliland guddo iyo dibed ugu jiraan sidii looga midho-dhalin lahaa aqoonsi laga helo caalamka.

 

(147)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com