Share this:

" />
03 October 2016 | News

Dawlada Hoose Ee Hargeysa oo Bilowday Qorshe Lagu Xidhayo Dadka Aan Cashuuraha Bixin

Maayarka Caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa sheegay in dawladda hoose ay xidhayso dadweynaha aan bixin cashuuraha ku waajibtay, waxaanu daboolka ka qaaday in 30% uga soo xaroodeen dakhligii cashuuraha ee ay ku tallo-galeen.

Maayarka Hargeysa oo saxaafadda kula hadlay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa shalay, waxa uu ku hanjabay in sharciga lala tiigsan doono dadka cashuurta lagu leeyahay ku bixin waaya saddexda bilood ee ka hadhsan sannadkan lagu jiro. “Waxa aannu leenahay dadweynaha sannadkan miisaaniyaddii aannu diyaarinnay, iyadoo bisha October aynu ku jirno waxa soo hoyday 30% ilaa 32% oo qudha, halka ay ahayd inay soo hoydaan ilaa 72%, sidaa darteed marka aad cashuurta bixin weydaan, welina aydaan ka qeybgelin qaadhaankii sidee ayey u socanayaan waxani?

Saddexdaas bilood cidda ku bixin weyda cashuurta lagu leeyahay, waxa la arki doonaa bisha January (2017) dad loo xidhay cashuurta ay bixin waayeen iyo ganaax weliba lagu yeelanayo.Dadweynoow socon mayso in aad hadhaw tidhaahdaan la iima sheegin amma dhulkaygii ayaa iska seesnaa oo aan sharci lahayn oo la iga dumiyey midna lagaa aqbali maayo. Ma jeclin in aannu dadweynaha isku dhacno, waxaanan jecelnahay waa inaad cashuurta iska bixisaan, waxaannu jecelnahay in aad dhulkiinna sharciyeysataan,”ayuu yidhi
Maayarku waxa uu intaas ku daray “Sees kasta oo sharci-darro lagu sameeyey oo aan sharci loo samayn waxaad haysataa saddexdaas bilood inaad dhulkaaga ku cashuurato, qofka cashuuran waayana sees kasta oo caynkaas ah marka horeba khasaare ayaad gelisay, marka aad timaadna waa lagugu ganaaxi doonaa, haddii aad dalka gudihiisa joogto iyo haddii aad dalka dibaddiisa joogtaba. Hay’adaha sharciga oo dhan waxa aannu u gudbinnay qaabkii lagu xidhi lahaa qofka iska bixin waaya cashuurta iyo ganaaxa. Sidoo kale, guriga amma aqalka bixin waaya kharashka shirkadaha qashinka gura, isla markaana meel doox ah (biyo-mareen) dhiga qashinka waa la xidhi doonaa, waxaanad arki doontaan toddobaadyada soo socda iyadoo maxkamadaha la geeyey.”

Md. Soltelco, ayaa sidoo kale ka hadlay dedaalka ay ugu jiraan in lagu dhiso jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa,waxaanu yidhi “Runtii warshaddii muddada dheer la sugayey way istaadhantay, wayna bilowday shaqadeedii, waxaanan soo dhignay laami ka soo baxda oo qayb ahaan la sameeyey, kuna soo dhacda waddada weyn, halka ay xaruntaasi ku taal ilaa kaantaroolkii horena (galbeedka Hargeysa) kabkab ayaa lagu soo sameeyey waddada, ilaa laba killo mitir iyo badhka waddada ah go’an ahna waxa la samayn doonaa in la soo dhigo, iyadoo qaadhaankiina aannu ugu baaqnay in dadku ka qaybgalaan. Marka aannu intaas soo dhammayno ee waddada soo gelaysa magaaladu isku mid noqoto, waxa aannu toos u bilaabi doonaa jidka madaarka Hargeysa.”

(23)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com