Share this:

" />
19 October 2016 | News

Deg-Deg-Shirkada Telesom Oo Intarnatkeeda(Internet) Bulshada Ka Xidhay Inay Ka Booqdaa Shabakada Gabiley News Network Kadib Warbixino Xaqiiqo Ah oo Shabakadu Ka Qortay Tacadiga Ay Umada Ku Hayso.

Hargeisa(GNN)- Shabakada Wararka gabiley News Network Oo ka Duulaysa Duruufaha iyo Wacyiga Dhabta Ah ee bulshadu Hadba Wixii Ay Tabanayso, Ayaa Kadib Markii ay warbixino Xaqiiqada Ku salaysan oo ay Shirkada Telesom kulakacdo shacabka somaliland Ku Faafisay Baraha Shabakada Gabiley.net Waxaa Shirkada Telesom oo u adkaysan waayey Dhaliilahaasi runta ku salaysan islamarkaana taabanaya, falalka iyo tacadiyada aan gabood falka lahayn ee ay bulshada ku hayso, waxay shacabka Ku Xidhan shabakada ee buuqda ka xidheen adeega aan tayada wanaagsan lahayn ee internetka ee ay bixiso,Talaabadan oo ay Shirkada Telesom Kula dagaalamayso Wararka runta iyo Xaqiiqada Ku Salaysan ee Bulshada Looga Tabinayo dhibta ay ku hayso ayaaney tani noqon doonin mid habayaraatee wax saameyn ah ku yeelandoonin, islamarkaana aan dhbaatada iyo tacadiyada ka baxsan xuquuqda aadamaha ee ay bulshada ku haysana si toosa Shacabka Loogu Gudbin doono.

Waxaan Maamulka Shabakada gabiley.net Akhristayaasha ku Xidhan La Socodsiinayaa In Shabakada u Furan yihiin Maqaalada iyo Warbixinaha Ku saabsan  Sida Ay Shirkada Aan u Aabo Yeelin Shacabkeeda ee Telesom Bulshada Ugu Tunteen Iyo Sida Ay U Qiimo Tireen Lacagtii Qaranka Somaliland.

Ku Xidhow Goorkasta Shabakada Gabiley news Network (Gabiley.Net)

Contactgabileynews@gmail.com

(43)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com