Share this:

" />
20 March 2017 | Articles

Dhugta Oo U Dhaga-Nuglaada Kuna Dhaqma 100-ka Qodob Ee Ka fog Siyaasadaha Ee aynu Ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo U Hagar-Baxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.

Qodobkii 1aad:Koontiinaro ubax ah(faraawil macmal ah oo caag laga sameeyey oo sannad walba aynu dibadda ka soo waaridno).

Ugu horrayn, waxaan Ilaahay ka baryeyaa inuu inaga aqballo salaadda roobdoonta ah ee aynu tukannay iyo ducaddii aynu barinay, oo Ilaahay inaga dul-qaado dhibaatada abaartan waddanka halakaysay.

Mar labaadkana waxaan halkan tacsi uga dirayaa saaxiibkay aqoonyahankii iyo abwaankii ku geeriyooday magaaladan Hargeysa arbacadii dhowayd Maxamed Jaamac Kayd.

Sida aynu badankeenu la soconno waayaha adduunkani subax walba khayr iyo sharba maalin walba waji gooniya ayuu inoola yimaadddaa. Shaqooyinka ay u xil saaran yihiin abwaanadda iyo qorayaashuna waxay dul hoganaysaa kolba wajiga subaxdaa uu waayuhu wato. Waxaanay u tolaaan shaadh iyo sirwaalka amma diraca iyo shalmadda ay is leeyihiin waad u xidhi kartaan, si ay bulshada culuum dheeraad ah uga siiyaan si ay u fahmaan wajiga maalintaa waayuhu leeyahay iyo wacyiga jira, iyagoo aan ka gabban kana waaban xilkoodaas.Waana arrin soo jireen ahayd abidkeed.

Qaddiyadaas waxaynu masal ugu soo qaadanaynaa, badhtamihii sideetamaadkii markii ay Soomaaliya ka dheragtay dagaallo, abaaro iyo talo-xumeeyin is barkaday. Isla markaana maamul-wanaaggii lagu horumari lahaana daaqadda laga xooray, oo loo guntaday dano shaqsiyeed, reereed iyo mid kooxeed, ayaa abwaan Cabdi Muxumed Ilaahay ha u naxariistee, isagoo tebaya waayaha aynu kor ku xusnay ayaa sidii looga

bartay wuxuu hab suugaaneed dhar qurux badan ugu xidhay hees caan noqotay oo maskaxda dadkii markaa joogay yar iyo waynba gashay, oo ay ku luuqayso Saado Cali Warsame ilaahay ha u naxariistee oo la odhan jiray ‘maan-guracan iyo garasho-jaan, Laangaruusal gado soo bari galley, gacaliyo tolloow, maad guddoonsataan baahida gudboon, ee guryeheena taalla’. Ujeeddada ay xambaarsan tahay heestaasi oo iska waadixa, waxay taagan tahay maanta iyadoo waji kale leh. Taasna waxaan uga socdaa in maanta dalkeenii aan gacmaheena ku dhaxalsiinay talo-xumo aynu kaga leexanay maamul-wanaaggii la wada manaafacaadsan lahaa.

Arrinkaas maamul-wanaagga laga leexday, oo si ulakac looga leexday meel fog ka dooni mayno, oo waxa caddayn inoogu filan, in maanta waddankeena Soomaaliland gudihiisa aad ku arkayso, iyadoo la keenayo faraawillo caag ah oo dabadda laga soo waaridayo. Halka ay ku baxaan lacag malaayiin doolar oo aan inaga gu’I karayn , iyadoo dadkuna ay ka iibsanayaan bacadlayaasha si ay ugu qurxiyaan guryahooda amma xafiisyadooda.

Haddaba, garashadan-jaan ee faraawiladaas inoo geeysey, oo aanay jirin wax macno ah oo ay ku soo kordhinayaan nolosheena dhinac kasta markaad ka eegto, iyadoo ay qirayaan culimadda baratay Cilmiga Bulshada Iyo kuwa ku takhasusay Cilmiga Kimistariga iyo kuwa kuwa ku takhasusay Caafimaadka Bulshada iyo culimadda Beeraha, oo ay xaqiijiyeen in dhib mooyaane aanay dheef lahayn.Haddaynu wax yar ka soo qaadano faraawiladda caagga ah ee guryaha iyo xafiisyadda la dhig-dhigo, waxay ka samaysan yihiin kiimiko aan u fiicnayn nadaafadda guriga iyo ta dadkaba.Tusaale ahaan, waxa fuulla faraawillada duqsiga iyo cayayaanka kale oo hoy ka dhigta kuna dhala.Marka ay muddo yar yaallaana waxay noqdaan qaar la tuuro, oo waxa is beddela arragoodda iyo urtooda. Waxaana qoomamo mudan xafiisyada iyo guryaha lagu sharaxo, gaar ahaan marka xafladaha iyo aroosyada lagu sharaxo, iyadoo ay jiraan dad la jaar ah amma goobta yimid oo laga yaabo inaan dabkaba loo shidin dhowr cisho. Waxaana hubaal ah, haddii uu maamul-wanaag, kala-dambayn iyo is jeclaani ay jiri lahayd in la joojin lahaa. Waxaana indhaha dadweynaha laga soo jeedin lahaa amma dowladda markaa jirtaa ay ku khasbi lahayd qofkii doonaya inuu beerto!

Marka la beero waa la iib geyn lahaa ,sida waddamada Kenya iyo waddamo badan oo Afrikaan ah, oo samaystay beero casri ah oo ubax noocyo badan leh laga soo saaro oo ay uga soo hoyato dhaqaale gaadhaya balaayiin doolar. Sidoo kale, dadkeenu way ku sharaxan lahayd gurigeeda ciddii u ciil-qabtaa amma u bukta faraawil, waxaana dalkeena ka soo gali lahayd lacag badan oo inaga filnaan lahayd wax badan oo aynu barino aduunka amma wax lagu sheego ‘Deeq-bixiye’.Sidoo kale, haddaynaan waxba hagranayn oo aynu wadaagayno talo fiican, oo aynu maamul-wanaag la imanayno, oo aynu kala dambayno waxa hubaal ah in magaalooyinkeena oo dhan aynu biyo gashan lahayn.Waxa waliba intaas dheer, daraasadaha ay sameeyeen kuwa aynu baryeyno ay caddaynayaan, in biyaha ku jira Somaliland ay yihiin kuwa ugu badan adduunka uguna macaanxataa loo iib gayn lahaa waddamada Carabta iyo kuwo kale oo ay biyuhu ku yar yihiin.

Dhibaatadaasi kuma koobna faraawilka, laakiin waxa kaba daran qaadka, iyadoo boqolaal malyan oo doolar ku baxaan sannadkii.Waxaana hubaal ah in haddii loo leexin lahaa dhinaca kalluumaysiga ay faa’iido badan keeni lahayd gudaha dalka.Sidoo kalena, aynu u iib gayn lahayn waddamadda aynu jaarka nahay, inagoo beddel uga dhigi lahayn kalluunka badaheena ceegaaga iyo milixda inaynu u iib gayno, iyadoo ay inoo saamaxayso badda dheer ee aynu leenahay lagana heli karo kalluun badan.Waxaanay taasi iman lahayd haddii ay gartaan dadka aynu maamulka u dhiibanay ee habeenkii u gudaya danahooda gaarka ah.

Haddii aynu ka soo qaadano tuduc gabayaagii waynaa Cabdilaahi Suldaan Timacadde Ilaahay ha u naxariistee wuxuu yidhi ‘Doqonimo kugu baahday, ayaan ciddi kaa dowayne’.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, wuxuu qof walba garanayaa in shicib iyo dowladba aynu cagta ku hayno waddo qaldan oo maamul-xumo ah, oo calaamatu-su’aal weyn saaraysa sii jiritaanka nolosheena markii aynu wax walba baabi’inay, iyadoo miyigeenii, xoolaheenii iyo beereheenii ay noqdeen wax aan jirin oo afkeena uun ay ku sii hadheen. Halka debaddii loo dhoof-dhoofi jirayna ay inaga soo oodmayso.Sidoo kale, waxay calaamatu-su’aal weyn saaran tahay sababta aynu isku waydiin waynay wixii lagaga gudbi lahaa dhibaatooyinkan oo uu maamul-wanaaggu ugu horreeyo.

Waxa iyaduna xusid mudan hagrashada maamul-wanaagga, inaynu ka soo qaadano 3 masal.Waaggii ay jirtay dowladdii Siyaad Barre intii ay fayoobayd, oo aynu inteena waa weyni aynu wada garanayno.Waxa waqtigaas aan ka hadlayno loogu taag waayey bulshadii Soomaaliyeed inay kalluunka la soo baxaan.Waxay markaa dowladdii markaa jirtay soo saartay amar ah, in aan la qali Karin xoolo nool maalinta arbacadda oo ay qasab kaga dhigtay bulshadii inay badda dad badan u foof tagaan, si loo baro bulshada isticmaalka kalluunka.Taasi oo keentay markii dambe natiijooyin wanaagsan oo laga faa’iiday.Sidoo kale, waxay amar ku bixisay in aan la dhoofin Karin xoolaha dheddig si aanay u dabar go’in.Taasoo natiijo fiican oo dhinaca xoolaha ah keentay. Ta 3-aad, waxa waqtigaasi soo food saaray dhulkii wabiyada ee jannadu wadhnayd bacaad (ciid dabayli waddo oo meel walba ka dhigaysa saxare). Ka dib waxay dowladdii go’aansatay in lagu beero deegaanadaas geedka loo yaqaan tiinka si loogaga hor tago dhibaatada bacaadka, iyadoo madaxdii markaasi joogtay ay maalin walba kala qayb gali jireen beeritaanka geedka tiinka.Taasi oo lagu najaxay 100%.Shacabkiina waxay ku barbar istaageen gacan, qal fayoobaan iyo tacab. Waxaan ku soo koobi lahaa, Ilaahow taladda wanaagsan na waafaji.

Fiiro gaar ah: sida aynu ognahay Soomaalidu waxbay isku cajiintaaye, waxa ka reebban qormadan in cid gaar ah loola jeedo amma lagu weerarayo sida kuwa keena faraawiladda iyo qaadka, oo ay la mid yihiin kuwa keena beedka, digaagga iyo toonta. Ujeeddaduna tahay maxaa danteena guud u dan ah. Sidoo kale, ma jirto aqoon aan is bidayo oo aan dadka kale kaga wanaagsanahay maamul-wanaagga, laakiin aan qabsaday shaqadayda oo ah Daaci, Mufakar, Samafale iyo Qoraa. LA SOCO,

ALAA MAHAD LEH.

Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

 

 

Qodobka 2-aad: Ku Dhiqista Xoolaha Nool Ee Magaalooyinka Somaliland

Ilaa habeenkii aan garaadsaday maamulkii dowladihii hoose ee Somaliland iyo Soomaaliya soo maray, waxay sheegayeen in la mabnuucay ku-dhiqista xoolaha magaalooyinka waqti baddana way iclaaminayeen, iyagoo dadweynaha ku wacyigalinaya, in magaalooyinka waa weyn aan lagu wada dhiqi Karin geel, lo’, adhi iyo dameero oo magaalada dibadda looga saaro, iyagoo aan is qabanayn xagga nadaafadda, daryeelka, dhirta ay dowladda hoose beerto oo ay cunayaan oo bilicda magaalada wax u dhimaya, qudaarta la iibinayo amma raashinka oo ay dadka ka cunaan iyo gaadiidka oo aan wadooyinka ka mari karayn.

Haddaba su’aashu waxay tahay, madaxdaasi loo xil-saaray maamul-wanaagga magaalooyinka inay wax ka qabtaan maxaa doonista iyo ficilkii ay wax kaga qaban lahaayeen hawshan xannibay oo hadal uun ka soo hadhay, iyagoo haysta dhammaan tansiilaadkii u fududayn lahaa oo ay ka mid yihiin ciidankii bilayska, gaadiidkii, isgaadhsiintii iyo shicibkii oo dhago nugul? Waxaynu isla waafaqi karnaa, in ay jirto hagrasho weyn amma aanay daacad ka ahayn fulinta maamul wanaagsan oo ka hirgala magaalooyinka iyo inuu ninkii masuulka ahaa ka fekerayo dantiisa iyo calooshiisa oo waddaniyaddii la xooray iyo la xisaabtan la’aan aan lagula xisaabtamayn dadkii loo xil-saaray arrintaa. Waxa kale oo arrintan saacidaya qabyaaladda, oo ninkii madaxda ahaa uu adeegsan karo qaraabo kiil uguna habran karo hawlo badan oo dan guud ah oo uu fulin lahaa. Waxaana aynu tusaale u soo qaadanaynaa hawl aynu badankeenu garanayno oo ahayd ‘LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN’ waxa nin garsoore ah looga soo dacwooday xoolo cunay dhir beer ku taallay, dabadeedna wuxuu garsoorihii go’aamiyey in khasaarihii ay xoolahaasi gaysteen uu bixiyo ninkii xoolaha lahaa oo uu siiyo ninkii beerta lahaa. Go’aankaas markii uu ku dhawaaqay uun, ayuu nin dhegta u saaray in xoolaha cunay beertu ay yihiin xoolihiisii. Wuxuu isla markiiba garsoorihii ka noqday go’aankii hore, waxaanu soo saaray go’aan ah in la saamaxay xoolahaasi khasaarihii ay gaysteen. Ka dib waxa la waydiiyey maxaa keenay labadan go’aan ee kala duwan, wuxuu ugu jawaabay ‘LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN’!

Waxaynu tusaale kale u soo qaadanaynaa arrin ka dhacday magaaladan Hargeysa. Sida badankeenu aynu wada ognahay waxa jirtay mar Wasiirka Duuliska Iyo Gaadiiska Cirka loo magacaabay Cali Maxamed Warancadde, waxaana uu la kulmay wasiirkaasi nidaamkii gegida diyaaradaha Hargeysa oo aan hagaagsanayn oo aan isku habaysnayn sida madaarada caalamiga ah. Waxaana ka mid ahaa waxyaalihii uu wax ka qabtay markiiba, inuu sameeyey goobo gaadiidka la dhigto oo wanaagsan, isla markaana uu ku beeray dhir badan oo soo jiitay indhaha dadkii ka soo dagayey madaarka. Ka dib dhirtii uu ku beeray waxa looga taag waayey adhi madaarka agtiisa daaqi jiray. Waxaana ay ilaaladii madaarka iyo shaqaalihii dhir beeristu uga soo cawdeen xoolahan cunaya wixii ay beerayeen inaan looga taag helayn. Markaa wasiirkii wuxuu soo saaray go’aan ah, in xoolaha soo gala xayndaabka madaarka lagu xareeyo meel oo la xidho si loo ganaaxo marka ay yimaaddaan dadkii lahaa oo ay u ceshadaan xoolahooda . Hawshaas oo ay waxba ka socon waayeen, ayaa wuxuu amar ku siiyey ilaaladii iyo shaqaalihii dhir beerista inay isla goobtaa ku gawracaan xoolaha soo gala madaarka hilibkoodana ay siiyaan dadkii xoolaha lahaa. Hawshaas sidii bay yeeleen, waana lagu xaliyey arrintaasi dibna looma arag xoolo soo gala oo waxyeello gaysta. Inaggoo aan barnaamijkan cidna ku ammaanayn cidna ku ceebaynayn, inkasta oo ay haboon tahay in la sheego qofkii wanaag sameeya

Waxa uu barnaamijkan Maamul-wanaagu soo jeedinayaa:

1. Inagoo aan is hagranayn oo aan samaynayn cudur-daar aan meel gaadhsiisnayn, inuu masuul walba ka soo baxo xilkiisa loo igmaday.

2. Shicibkeenna oo u dhago nugul inay qaataan wixii wanaagsan ee loo sheego, in fursaddaa qaaliga ah laga faa’iidaysto oo la sameeyo wacyigalin balaadhan oo maamul-wanaagga sharraxaysa.

3. In la raaco nidaamyada sharciyadda ee waddanka u yaalla, ee isku xidhaya bilayska (xukuumadda), garsoorka iyo hay’adaha sharci dajinta.

Waxaan ku soo koobayaa masal 3-aad oo ku beegnaa waqtigii rajiibkii Siyaad Barre, oo aanan sixi Karin inay dhab tahay iyo inay ahayd borobogaando ka timi dowladdii kali-taliska ahayd taasi oo ahayd. Maalin isagoo madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre waddada maraya uu arkay

nin bilays ah oo dirays xidhan oo ku foorara dhir ay dowladda hoose ku beertay waddada dhexdeeda, oo laan dhirtaasi ka mid ah oo soo jabtay ku xidhaya xadhigii kabihiisa ciidanka. Iyaga iyo Allahoodde waxay sheegeen, in Siyaad Barre intuu gaadhiga ka soo degay uu ku hambalyeeyey wixii uu samaynayey askariga laanta xadhiga ku xidhayey isla bartiina uu xidig abaal marin ah dalacsiiyey. Haddaan ujeeddada ka qaadano sida la wada fahmi karo, waxa haboon in la dhaqaaleeyo dhirta iyo maamulka magaalooyinka lana dhiiri galiyo dadka ku hawlan arrimahaasi.

Haddii aynu gacmaha is qabsanno, oo aynu u soo jeesanno maamul-wanaagga oo aynu raacno maamu-wanaagga ay diinteenuna ina farayso, waxa hubaal ah inay hagaagi doonaan wax badani.

Fiiro-gaar ah: soomaalidu wax bay isku cajiintaaye, yaan la moodin inaan uga aqoon badanahay dadka maamul-wanaagga ee aan ahay shaqsi ahaan daaci arrimaha danta guud ku wacyigaliya bulshada gaar ahaan dhalinyarada. Qofkii doonaya inuu igala qeyb-qaato barnaamijkan way u furan tahay.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Tel:0634426781 Email:sulub2007@yahoo.com

Qodobkii 3-aad: Mar-Marka Waddanka la keeno Iyo Waxyeeladiisa

Sida la ogyahay, markaWaddanuusoomaroColaadoiyoDagaalosokeeye, waxalagadhaxlaacolaadahaasikhasaarenafiyomoodbalehiyokhasaarekale oo ay ka mid yihiinwaxyeelooyinsoogaadhaDhaqanka, Tacliinta, Dhaqaalaha,iyofikirkiibulshadaasiiyosidoo kale nidaamkiidowladnimadaoomeesha ka baxa I.W.M. WaxaanaykuqaadataaWaddankaasiinuu ka sookabtowaxyaalahauu ka dhaxlayMagaaladdaiyocolaaddahamuddodheer.

IlaahayMahaddii, inagoo (Somaliland ) ka mid ahaynwaddamaddaColaaladahaiyoDagaaladda ka soobaxay,

ilaahaynainaguguuleeyeyinaynumarkiibahannanoHaykalkiiDowladnimoeelagamamaarmaankaahaaiyowaxyaalihiiAas-aasiga u ahaaNolosha, islamarkaanaaynukuguulaysanaywaxyaallobadanoohorumar ah marka loo eegoWaddamada kale eeColaaduhu ka dhacaan, iyado ay ad u yareedinaynuhelocidGacaninoofidisayhirgalintaHannaankaDowladnimoeeMaantalagunaaloonayo.

Haddaynu u soodaaddagnoujeeddadaqormadeenanMaanta, Sida ay badankeenuognahay, GanacsigaWaddankeenawixiidibaddalagakeenayoiyokhayraadkagudahaba,waxajiraXeerariyoShuruucqeexayasida loo ganacsanayoiyowaxalagaganacsankaroiyowaxamabnuuca ah, taasnawaxa u xilsaaranlaamoDowladda ka mid ah sidaWasaaraddaGanacsiga. Sidoo kale, waxajiraxeerarqeexayaTayadawaxalagaganacsanayoiyosidabulshadaloogabadbaadinkaro wax walbaoodhibi ka soogaadhayso, laakiinwaxamuuqata in dhammaanXeerarkaasbadankooda ay ganacsatadubaal-mareen, oogaldaloolooyin faro badan ka jiraan. WaxaanaFursadaasi ka faa’iidaystayqaarbadanoo ka mid Ganacsatadeena, ooiskudayeyinaykeenaanwaxyaallobadanooaadTayadoodu u liidato, dadkanawaxyeello u soojiidayaiyagooeegayakaliyafaa’iidodeg-deg ahinaysameeyaan, islamarkaanauumeesha ka baxayDamiirkiiiyoDacadnimadiikuhagilahaainayDadkooda u Diirnaxaan.

Sidaaynu ka warqabno, waxyaalaha la keenowaddankeenawaqtiganwaxa ka mid ah Mar-MarkaDhulkaiyoGidaradda la dhigo, oowaxalagubeddelaySibidhkiiDaraddaiyoQolokaGudaha ladhigo.Waxana ad badankiinuiguwafiqikartan in markahorebaaynusameysankarnoWarshadoyaryarooinoosameeyaMarmarka, iyadooaynuBuuraheenaiyoCiideenaba ka helaynaMacdantalagasameeyoMarmarka,inaad ka foojignaatowaxanaadgurigakuqurxinaysokhasaarekukeenikara. Haddaba, inagu dal iyoDadahaanbaahaankamaaynaanfikirinarrintaasilaakiinwaxa la keenaawaddankeennaMar-Markadhulka la dhigoooaadTayadiisu u hoosaysounaliidato. Waxaanamaalinwalbadhacdawaddankeena in dad ay kudhintaanammakujajabanammakunaafoobaangaarahaandadkawaaweynookuwaxyeeloobamarka ay musqulahakumaydhanayaan. WaanaWaxyeelooyinjoogta ah, ooMaalinbamaalinta ka dambaysakusiibadanayawaddankeenagobolkasta.Sidoo kalenaauuMarmarkaasiyahay b Qolsal Jab aanCimriDheeraanlaheyn,gaarahaan ka dhulka la dhigo.

Haddaba, Iswaydiintuwaxaytahay,waamaxayMudashadaDhibtaiyokhasaaraha Mar-MarkaDhulka la dhigaakeenoooWaddankeenu, ooBoqolaalqofkuwaxyeeloobaaniyo Wax ka qabadla’aanteena ,Hagrashadaintaasile’egiyo ka dhoohananta wax ad fudud in la daweeyo,waxayjawaabtutahay,wuxuuxagaldaackuimanayaaXooggiidihnaaee wax-soo-saarkukuwajahnaa, iyadoooouugaabiskuimanayohorumarkiiwaddanka. Sidoo kale, Daawayntaqofkakujaba Mar-markuwaxayinaguqadanaysaakharashbadanoolacagadag ah, ooaanimikaaynandaboolikaraynbaahidaDawooyinkaiyoQalabkadadkaasi u baahanyihiin. Sidoo kale, XanaanayntaiyoDhowriddaqofkaBukawaxayqadanaysaawaqtibadanoouuugafaa’iidaynlahaawaddankaiyonaftiisaba. Ta labaadwaxaynaadhibaatadaasikeenaybaal-markaMaamul-wagnaagiixakamaynlahaaTayada Mar-MarkaWaddanka la keenayo, oojoojinlahaakankhasaarihiisubadanyahay, islamarkaanakukhasbilahaaGanacsatadainaykeenaan Mar-MarkaXanaftalehee ka Dowadau ah Simbiriraxashada ayDadweynuhukujabanamalafaha,Murugayadakhatarkusoogaadhsiiya. Sidoo kale, Maamul-wanaaggaasiwuxuuCiqaabilahaaGanacsatadaArxan-laawayaashaah eewaddankakusoodaabulaya wax kastaooaanfaa’iidolahaynkhasaaremooye, inkastaoo ay jiraanGanacsatobadanooWaddanka u naxaookeena wax faa’iidoleh, islamarkaanawaxakorsoomarilahaaGanacsatadadadkooda u naxa , ookeenilahaa Mar-markaAdduunkalagaisticmaalloeeTayadiisufiicantahayeelagubadbaadayo.

Dhinaca kale, Maamul-wanaaggaaynugarabmarnaywaxaykeentay,inaybulshadiinaiskaindhotirtayinaysameeyaanololeammadedaallagujoojinayo Mar-markawaxyeeladdaleh. Maxaayeelaywaxayiskakaashankarayeendadkiikuwaxyeeloobayiyokuwa kale eedaneeyayaashaahaba, in ay kukhasbaanlaamahaDowladdaee ay khusaysoiyoqaar ka mid ah GanacsatadaMaangaabka ah, eeaandanaynaynCaafimaadkaiyoDaryeelkaBulshadadainayjoojiyaan Mar-markanoocaxuneeaynukorkusoosheegnaykhatartiisa.Sidoo kale DumarkeenaintaladaneeGuryahoodadhigtaMarmarkadhibtasoojiidayainayuguna ka tagenRoogagiid la dhigajirayqolqolkaeelaguwadadhameysjirjirayQolqloka,waxna ka gabiyen in dhiganMasqulahaRabadhoamaCagagshandho ah ooloogutalogalay ka badbadintaSinbiraxashadaoo an lacagjabanlaguhelo.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa qodobkan Mar-Marka Iyo Waxyeeladdiisa, oo ka mid ah 100 qodob oo aanay waxba inagu kacayn in wax laga qabto, kuwaasi oo aynu baal marnay amma ka gaabinay fulintooda. Waxaan u soo jeedinayaa bulsho waynta reer Somaliland inay iska kaashadaan wax kasta oo hagaajinaya danaheena guud iyo ta gaarka ahba.

Qalinkii: RashiidSulubCaalinNuur Email:sulub20@hotail.com Tel:26781

 

 

                                                                                                                         

Qodobkii 4-aad: Bacaha Beersoosha Ah Ee Muraayadaha Baabuurta Lagu Dhajiyo

Inagoo ku dhex jirna qormooyinka taxanaha ah ee Ku wajahan ciwaanka xagga sare ku qoran, waxaynu maantana soo qaadanaynaa qodobkii 5-aad, oo aanay waxba inagu qaadanayn fulintiisu haddii maamul-wanaag loo maro.

Sidaynu wada ogsoonahay, waqtigan casriga ah ee aynu ku dhex jirno xaddaaradiisa, waxa inagu badan inaynu dibadda ka soo waaridno waxyeelooyin aynu iska qaadano khatartooda, inagoo aan xil iska saaraynin dhibaatooyinka ay inoo yeelan karayaan amma ay inoo soo jiidayaan.Taasi oo aynu dareensanahay dhibta ay keenayaan tu yar iyo tu weynba, oo haddana aynaan dheg jalaq u siinayn.Waxa kale oo jira kuwo kale oo aynaan badankeenu u dhuun daloolin oo ay xadaaradahaasi wataan oo waayo dambe la ogaado.

Markaa arrimahan waxaynu odhan karnaa, waa xanuuno qarsoon oo uu la jaanqaado ilmo kasta oo Soomaaliyeed marka uu dhasho.Taasoo saamaysa koritaankiisa hore ka dhexe iyo mustaqbalkiisa dambeba.Waxaanay ka weerartaa xagga dareenka, fikirka, dhaqanka iyo maskaxdiisaba.Runtiina waxay ahayd waajib muqaddas ah inay daryeelaan carruurtaas oo ay dhayaan amma ay bogsiiyaan waalidka, qeybaha bulshada iyo dowladduba.Waxaana la odhan karaa, waa halka aynu adduunweynaha kaga duwanahay, maxaayeellay adduunka kale wuxuu xoogga saaraa, oo waqti badan ay u huraan dhisidda ubadka maskaxdooda, fikirkooda iyo dhaqankooda.

Haddaynu hoos ugu dhaadhacno gun-dhigeenna ah maamul-wanaagga lagu wadda dhergo marka ay timaaddo danta guud, waxa aynu dul istaagaynaa qodobka mawduuceenna maantu daarran yahay. Waxaynu og nahay baabuurta dibadda inoogga soo degta marka la keeno waddanka ee uu la wareego qofkii lahaa amma laga sii iibiyey, marka ugu horraysaba

wuxuu ku dhaqaaqaa inuu markiiba ku dhajiyo muraayadaha gaadhigiisa baco wax qarinaya oo beersool ah, iyadoo lagu dahaadhayo muraayadaha dhinacyada, ta dambe iyo qeyb ka mid ah oo ay ku dhejiyaan ta hore. Waxaana muuqata, inaynu badankeenu baal marnay gaadhiga la socodkiisa guud ee ah in loo foojignaado xaaladda uu qofku kula wareegayo.

Haddaba, haddaynu is waydiino qaddiyaddan aan anigu u arko inay tahay maskax-gaabni, waxa tusaale kuugu fiilan heestii ay ku luuqaynaysay Saado Cali Warsame Ilaahay ha u naxariistee ee ahayd

‘Waa maan gurracan Iyo garasho jaan Laan-kuruuser gado Soo bari galley!

Gacal iyo tolow Ma guddoonsateen Baahida gudbane Gurigeenna taal Innagoon ka guban Gaadhi raaxo leh iyo, Laankuruuser gado Guuxiisa mood Gob in aad ku tahay Geeska afrika!

Gacma hoorsigiyo Gun nimo u badheedh Soo bari galley Laankuruuser gado!

Waa maan gurracan Iyo garasho jaan Laankuruuser gado Soo bari galley!’’

Waxa ay ahayd hees siddeetaneeyadii ay ku luuqayn jirtay alle godka ha u nuuriyo’ e fanaannadii weyneyd ee Saado Cali Warsame. Heestu dareen waagaas joogay bay ka warramaysay. Siyaad Barre iyo rakaabkiisii, ayaa waxa ay berigaas dhaqan ka dhigteen in ay gawaadhida noocyadooda ugu wanaagsan gataan, kolka ay dalka dibeddiisa u baxaanna in ay adduunka galley iyo bur kasoo baryaan! Dalka gudahiisa waxa ay ku ahaayeen  madax iyo maalqabeenno, oo nin waliba laankuruuser ayuu ku dhex watay, dalka dibeddiisana waxa ay ku ahaayeen masaakiin iyo waxmahaysato dunida soo dawarsata! Nasiib xumo, dhaqankaasi lama

aanu dhiman Siyaad barre iyo rakaabkiisiiye waa mid illaa maanta taagan.

Haddaba waa inaynu is waydiinaa waa maxay sababta aan u diidanahay madoobaynta muraayadaha baabuurta amma sababta ku kalifaysa dadka inaga midka ah ee madoobeeya muraayadaha baabuurta, waxaynu uga jawaabi karnaa:

1. Waxay arrintan beersoosha lagu xidho baabuurtu ka soo horjeeddaa sharciga waddo-marista dalkeena ee ay dhowr sanno horteed meel mariyeen golayaasha sharci dajintu.

2. Ku xidhista beersool ee baabuurtu waxay sababtaa shilalka ugu badan ee waddankeena ka dhaca, iyadoo darawaliintaasi aanay si buuxda u wada arki karayn baabuurta meel ka soo boodda amma kuwa si qaldan waddada u adeegsanaya, gaar ahaan darawaliinta muusiga dallacda amma kuwa moobiladda iskaga hadla ee u daymo la’aan karaya khatarta soo wajahda marka ay baabuurka wadaan.

3. In muraayad-haadyada ku yaalla labada daaqadood ee dambe iyo ta dhexe oo loogu talo galay inuu ka eego baabuurta ka dambaysa aanu si fiican u adeegsan karayn, maadaama muraayadaha la wada madoobeeyey 90%, inagoo og inay yihiin muraayad-haadyadu waxyaalaha ugu muhiimsan ee ka qeyb qaata baabuur-wadista.

4. In muraayadda hore ee baabuurka lagu dhejiyo 3 meelood marka loo qaybiyo meel amma meel iyo badh, taasoo u diidaysa darawalka inuu si nafis ah u waddo baabuurka, oo mar-marka qaarna ay darawaladda qaarkood foorarsadaan si ay u arkaan waddada ka horraysa.

5. Waxa kaba sii daran baabuurta yar ee ay ka mid yihiin Noha iyo Dukhaanka oo gabi ahaanba lagu dahaadho waraaqo xayeysiis u badan oo dhinac lagaga dhejiyo. Taasoo keenaysa indho la’aan baabuur-wadis ku-sheeg ah.

Haddaba, waxa is waydiin leh inagoo ku faanna reer magaal aqoon leh maxaa inagu kalifaya waxyaalaha adduunka kale ka mabnuuca ah, oo keeni karta khatar nafeed oo maalin walba joogta. Halka adduunka kale aan la hawaysan Karin in ficiladda noocaas la sameeyo.

Bal aynu soo qaadano dhowr qodob oo ah sababaha ay darawaladda qaarkood ugu dhejiyaan muraayadaha baabuurka oo macno darro ah.

1. Inay ka khashaafayaan in la garto intay jidadka magaalooyinka dhex mushaaxayaan, oo la shaxaado amma ay diidayaan inay asxaabtooda jidka kula kulmi karta sii qaadaan amma dadka jilicda san.

2. Mukhaadaraatkii, macaasidii iyo magaalo-joog-xumaddii oo xadhko goostay, iyadoo qaar ka mid ah darawaliinta iyo asxaabtoodu ay ku dhiiraddaan falal dhaqan-xumo oo ay qarsanayaan.

3. In madaxda dalkeena qaar ka mid ah ay baqdini u gayso madoobaynta muraayadaha, iyagoo aaminsan inay isku qarin karayaan, oo ay kaga badbaadayaan in la qarxiyo amma waxyeello kale loo gaysto, iyadoo qaar kale oo madaxdeena ka mid ahna ay u gayso isla wayni iyo bodowtinimo.

4. In inteena yar ee Ilaahay maalka ku manaystay waxay u arkaan muraayadaha la madoobaynayo iska sarraysiin ah inteena kale.

5. In qaar ka mid ah darawaliintana ay ka tahay maan-gaabnimo daba socota ku dayasho gurracan.

Qoddobadan kor ku xusan, waxaynu ku difaacaynaa kuwan:

1. Ka khashaafidda dadka qaarkood iyo iska qarinta shaxaadka: sidaynu og nahay waxa jira Taxi yar oo 20 sanno horteed la soo watay oo la soo dhalaaliyey oo farsamo ahaan bodhigooda, mishiinadooda iyo qurxinta gudahoodu ay tahay wax qosol ku jab ah, oo ay tayadoodu aad u liidato, inagoo badankeena la odhan karayo kama badna magaalo –joognimadeenu 70 sanno kama badna, isla markaa la odhan karo 80 sanno horteed waynu kaba la’ayn, oo inyar baa kabo xidhan jirtay bulshadeena. Waxa kale oo aynu ognahay in waqti xaadirkan ay jiritaankeeniiba halis galiyeen abaaro daba-dheeraaday, maamul-xumi, danaysi gaar ah iyo xanuuno inteena fayowi ay yar tahay.Haddaba, waxa la yaab leh in kuwo inaga mid ahi ay kibir, baqdin iyo isla wayni ku beeranto amma ay shaxaad ka cararaan, inagoo rubuc-qarni horteed afka dhulka ku wada haynay.

2. Qaar ka mid ah darawaladda u adeegsada macsi iyo mukhaadaraatka I.W.M: Kuwaasi waxay ka dhoohan yihiin, in Ilaahay ficiladeena iyo qalbigeena daalacanayo, isla markaana dowladeenu ay indho qudhaanjo leedahay, oo wax la qar-qariyaa aanay suurtogal noqonayn, iyadoo waqti

dhowaydna ka soo saartay amar ah, in aanay ciidanka nabadgalyadu ogolaan doonin gaadhi beersool leh.

3. Madaxda Baqaysa: Waxa la odhan karaa waqtigan casriga ah, qof kasta oo la rabo in wax la yeelo oo Alle tiisii ka dhigay inay aad u fududahay, oo aanay waxba tarayn muraayaddo la madoobaystaa.

4. Inta maalka haysata: Dardaaranka Ilaahay (SWT) iyo Nabigiisii (CSW) ee ahaa inaynaan dadka iska sarraysiinin aynu qaadano, oo yeynaan garab marin.

5. Isku Dayashadda: Ku dayashada qaldani waxay ahaan jirtay caqli gaabnimo laga durki jiray waqtigii hore.

6. Ilaalin la’aanta nabadgalyada: Waxaynu og nahay in adduunkii maanta uu meel xun marayo, oo lagu soo dhuuman karayo baabuur muraayadaha la madoobaysto, oo waxyeello lagu gaysan karayo.

Waxa intaas oo dhan ka muhiimsan ayaan darrana ay tahay yasidda iyo qaddarin la’aanteena ciidamadeena kala duwan ee u taagan nabadgalyadeena 24 saac, in ay kala kulmaan darawaliinta qaar ka mid ah oo ay u hogaansami waayaan amarka ciidanka, isla markaana ay kala kulmaan aflagaadooyin, gacan ka hadal, yasid iyo akhlaaq-xumooyin kale, iyagoo aan dheg jalaq u siinayn sharciyadda waddankeena u yaalla. Waxa la odhan karaa, isma qabanayaan inaynu habeenkiina ku ladno maalintiina sidan ula dhaqano.

Waxaan ku soo koobayaa, maamul-wanaagga wanaagsan ee ina kala hagaya ee qof walba meeshiisa joojinaya aynu u hogaansano, isla markaana aynu ku dhaqano sida danteena guud ay ku jirto horena aynu u soo sheegnay waana ta muqaddaska ah.

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.comTel:0634426781

Hargeysa, Somaliland

 

Qodobkii 5-aad: Baabuurta Waa Weyn Ee Muddo Dheer Socday Iyo Khatartooda

Ugu horrayn, haddaynu war-bixin kooban ka sheegno xaaladda waddankeenna ee dhinaca gaadiidka dhulka mara guud ahaan, waxa la odhan karaa ma laha isku hallayn dhab ah oo dhinaca fayo-qabkooda amma tayadooda.Taasi oo jirta, haddana waynu iska adeegsanaa, inagoo aan ka fekerin dhibaatadda ka iman karta, maxaa yeelay badankeenu umaba tababarnin nidaamka saxda ah ee adeegsiga gaadiidka iyo iska hubinta inta aanand gaxaysan baabuur.Dhinaca kale, wali ma jiro waddankeenna hay’ad u gaar ah baabuurta waddanka imanaysa oo baadha tayadooda. Markaynu ka nimaadno baabuurta cusub ee dibadda ka timaadda, oo layska aaminay inay cusub yihiin, waxa aynu maare u laalanahay kuwa gudaha joogay muddo badan oo ilaa 60 amma 70 sanno la isticmaalayey ha u badnaadeen baabuurta waa weyne, waana halka uu daarran yahay qodobkeena maantu.

Sidaynu ognahay, waddankeena waxa aad aragtaa baabuur waa weyn oo muddo dheer la watay oo lagu shaqaysanayey oo imika aad u duugoobay, isla markaana aad arki karto sii wadashadiisu inay keeni karto khatar naf iyo moodba leh.Waayo baabuurtaasi laguma samayn dibu-habayn ee waxa la sugayaa uun inta uu dhib gaysanayo amma uu istaagayo.

Xaaladdaha baabuurtaas waa weyni ku jiraan iyo dhibtooda

1. Baabuurtaasi waa tabcaan, waxaana aad u wiiqmay Mishiinkooda lamana sii wadi karo.

2. Marka ay baabuurtaasi dalcad ka baxayaan, waxay kaga baxaan dirqi amma way ka soo noqdaan dalcadaha.

3. Baabuurtaasi waxay leeyihiin dhib caafimaad iyo fayo-darri, waayo marka ay socdaan waxay sii daayaan qiiq badan oo ku xidhma agagaarka ay marayaan.

4. Gawaadhidaasi haddii ay ciladi ku timaaddo farsamadeedu aad bay u adag tahay, oo sahal laguma kicin karo waxaana laga yaabaa haddii ay waddo ku dhex xumaadaan inay waddadii xidhanto oo magaaladii isku xanibanto.

5. Baabuurtaasi ma laha qalab lagu dayac tiro (spare parts) oo dibadda laga keeno, isla markaana way dhammaadeen qalabkii dayactirka ee looga heli jiray waddanka waayo waqtigoodaa dheeraaday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay maxaa inagala gudboon dowlad iyo shicibba? Waxay ila tahay sida wax looga qaban karayaa inay tahay, iyadoo laga fekero danta guud ee aynu wada leenahay, oo aan la is odhan inaadeerkaa ayaa ay shaqadiisa xanibaysaa haddii wax laga qabto arrintaasi, laakiin waxa habboon inaad eegto dhibta ka iman karta iyo faa’iidada ugu jirta danta guud ee waddanka iyo dadka ku dhex nool. Waxaana hubaal ah, in aanay waxba inagu kacayn inaynu joojino baabuurtaas waa weyn ee muddo dheer socday haddii laga eego dhinaca togan.

Sida loo joojin karo baabuurtaas waa weyn ee muddo dheer soconayey waddankeena

1. In dadka baabuurtaas iska leh la siiyo muddo ay ku fadhiisiyaan, oo ay raadsadaan si kale oo ay ku ceeshaan, isla markaana hay’adaha dowladda ee ay khusaysaa ay iclaamiyaan arrintaasi, maadaama ay dowladdu haysato tansiilaadkii war-baahineed ee looga baahnaa war-galinta arrintan.

2. Inay Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Gaadiidku samayso liis lagu tirakoobayo baabuurtaas muddada dheer socday ee khatarta keeni kara, oo ay siyaasad cad ka yeelato.

Taladdaas Maamul-wanaagga Maxaynu Ka Dheefaynaa

1. In la badbaadiyo khasaare Nafeed iyo mid Xooleydaba oo faro badan.

2. In magaaladda laga yareeyo samxadda iyo xanibnaanta badan.

Waxaan ku soo koobayaa, waxba inagu kici maysee, waxa loo baahan yahay in la abaabulo dadka baabuurtaas wata oo sida saxda ah arrintooda loo maareeyo, iyadoo aan loo gaysanayn wax dhib ah ee loo jihaynayo meel kale oo ay ka faa’iidaystaan.

Fiiro gaar ah: barnaamijkani waxa uu saafi ka yahay shaqsiyad iyo koox gaar ah in wax loogala jeedo, laakiin gun-dhigiisu wuxuu yahay ka shaqeynta danta guud ee la wada leeyahay

Qalinkii:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.comTel:0634426781

Hargeysa, Somaliland

 

 

Qodobka 6-aad: Madax-dhaqameedka Iyo Xaaladoodda Imika

Maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa Qormadeenan Boqoradda, Salaadiinta, Jiif Caaqillada iyo Madax-Dhaqameedka iyo Xidhiidhka Maamul-Wanaagga.

Sida aynu la soconno, ma jirto Maalin ina soo marta oo aynaan maqal waxa la caleemo saarayaa Suldaan, Boqor, Jiif Caaqil, Caaqil, ama way yar tahayba. Maanta marka aad eegto meesha ay maraysana waa wax laga yaq-yaqsoodo weeye, maxaa yeelay waxay maraysaa in jilib-jilib loo samaysto Suldaan iyo wixii la hal maala. Taasina waxay ku tusinaysaa sida ay u sii badanayso in Bulshadii sii kala qoqobanto oo is kala qaad-qaaddo, isla markaana ay Qabyaaladdii sare soo marto oo Maamul-Wanaaggiina uu hoosta maro.

Waxa masal inoogu filan, haddaynu soo qaadano nin walaalkeen ah oo Filosofar ah oo dagan Magaaladan Hargeysa, lana yidhaahdo Maxamed Cabdi Daa’uud Alle ha ka raali noqdee oo Masal uga dhigay Soomaalida sida dooni bad socota oo marka ay Qabyaaladdu badataba ay afka la quusayso Badda, marka uu Maamul-Wanaaggu hagaaggana ay si fiican u sabbaynayso biyaha Badada. Taasna waxa ku sii caddaynaya, haddaynu dib u jalleecno Barri Bamaadkii iyo waqtigii Dowladdii kacaanka intii ay hagaagsanayd ee ay Qabyaaladda la dagaalamaysay, waxay samaysay in qofkii qof si kas ah u dila in markiiba loo dilo.Halkaasna waxa lagaga baxay Magtii la isla daba wareegi jiray ee Qabyaaladdu ku sii naaxdo.Sidoo kale, waxay samaysay Caymis Gaadiidka ah, oo iyaduna meesha ka saarey Qadhaanka loo ururiyo Reerahaan marka gaadhi shil galo. Waxaana bixin jirtay Shirkadda Caymiska Gaadiidka,oo Nidaan Calami ah oo Waafi ah u dajisay .Sidoo kale, waxay hagaajisay Shaqo qoristii

Dowladda , waxaanay samaysay Hay’ad u gaar ah oo ku shaqaysa Nidaam adag oo dadka u dhexeeya. Sidaa daraadeed, Shaqaalaha Dowladdu qoranayso, kuwa madaxa bannaan iyo kuwa caalamiga ahba, haddii ay shaqaale doonayaan waxay u soo bandhigi jireen baahidooda shaqaalaha Guddida Shaqaalaha Dowladda, Guddidaasina waxay u soo bandhigi jiray Dadweynaha shaqado doonka ah oo way baahin jirtay, waxaana si siman looga qaadi jiray Imtixaan ciddii ku guulaysta ayuunba ku soo bixi jirtay,iyadoo Qaraabokil jiran. Sidoo kale, haddii ay soo baxaan fursado Waxbarasho oo dibadda ahi waxa la samayn jiray si siman oo

Caddaaladi ku jirto. Sidoo kale, waxa jiray Hanti-Dhowr awood fulineed oo madax bannaan lahaa, oo shaqadiisa ay ka go’nayd inuu ilaaliyo Hantida Qaranka oo aanay cidna uga daba fadhiisan jirin Ilaalinteeda,gaadhsiisayna markii danbe in cidaba Xatooyo Hantida Qaran haweysato, isla markaana Bulshada Sumcad weyn ku dhex laheyd, iyadoo ay caawinayeen nidaam maxkamadeed oo caddaalad ah. Waqtiyo ay dhacday in Xatooyo ummaddeed la sameeyana waxa si toosa loo mariyey sharciga dadkii falkaasi ku kacay, waxaana lagaga caagay in la qaato Xoolo Dowladeed.Sidoo kale, waxa iyadana taam laga dhigay Nabadgalyadiii, oo waxa meesha ka baxay dhacii, Boobkii iyo Dilkii Tolaayda laysku yeedhan jiray iyo yaa Reer hebelaay.

Xadhkaha iyo guntimaha fiican ee loo guntay ee Maamul-Wanaagga ah, waxay ka dhigtay doontii la wada saarna ee aynu kor ku soo sheegnay mid si fiican badda u sabbaysa, oo maamul-wanaaggii uu meel walba gaadho waa intii uu Maxamed Siyaad Barre iyo Dowladdiisu hagaasanayde.Waxana Masal kama sii fiican looga soo qaadan kara Mamulkii Khulafada Rashidiintii ee Asaabtii Nabigeenii N.N.K ha ahaatee.

Haddaba, Waxa cad imika, in Doontii aynu kor ku soo sheegnay ay afka biyaha Badada dartay, oo ay xoogaysatay Qabyaaladdii iyo Reernimaddii.Waxaana meesha ka sii baxay Maamul-Wanaaggii iyo ku toosnaantii Dowladnimada. Waxaana Maanta taasi ku tusaysa in Qabyaaladdii ay marayso meel Indho-ka qabsi ah, isla markaana ay hadhoow iyo imika jiilasha joogaba iyo ku iman doonaba in Maamul-Wanaagsan la dhiso,oo la hanto ay ku adkaato. Maamul-Wanaagga sida tooskaiyo Badheeedhka ah aynu u baal maray ee imika taagan waxaynu ka soo qaadan karnaa dhowr

qodob oo imika anay cidiba ka waaban:-waxaana ka mid, iyadoo aan cid gaar loola jeedin , in Masuul kastaa oo Mansab haya uu qorto shaqada Carruurtiisa, Qoyskiisa, Ehelkiisa iyo inta ugu dhow. Waana fursadihii shaqo abuurka ee loo sinaa laguna gaadhi jiray Aqoon, karti iyo Daacadnimo. Waxa kale oo ka mid ah, in Hantidii Qaranka ee inagga dhaxaysay iyo Dheeftii Waddanka ay intii gacanta ku haysay sida ay doonan ugu tagri falayaan, oo ay isku xidhmaan 5-tii Dabka iyo Dhagaxa ahaa isku ahaa ee la kala ilaalinayey, kuwas oo kala ah:- Ninkii Masuulka ah ee Qalinka Mamulka Hantida Qaranka Gacanta ku hayey iyo Ninkii Siyaasiga ahaa ee loo igmaday inuu Dadka si siman ugu faa’iideeyo oo uu qumiyo Maamul-Wanaagsan iyo Askarigii ilaalin lahaa Hantida Ummadda iyo Nin Dilaal ah oo bila Damir ah oo aynan hore u arki jiran oo Xadhko farsameysan oo khariban Habeenkii gunta iyo Ganacsade Dan gaar ah leh oo Qawlaysato ah inagu Cusub ah oo Kitaabna an xidheyn. Marka ay intasi isku xidhman ee ay Dulmi ku heshiiyaan maxaad Dowladnimo iyo Maamul-Wanaag Niyad fiicni lagu wada hadhsan laha oo lagu wadagi laha ka filaysa? Jawaabtu waa Baaba’ iyo Guuldarooyin saamayn weyn inagu keenta ,oo imika Midhaheedii aynu guraneyno!

Dhinaca kale, Qabyaalladdii inay kaba xoog badatay Dowladnimaddii waxa ku tusinaya, in markii Wasiirkan cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir la magacaabayba uu soo saaray amar ah, in aan Salaadiin dambe la caleemo saari Karin inta dib loo eegayo Qaddiyaddoda, iyadoo aan arrintaasi Dheg jalaq loo siin oo aad Gidaar kasta ku arkayso Caleemo saar Cusub oo Suldaan, Boqor iyo wixii la hal maala ah, iyadoo amarkaasina uu jiray. Waxa kale oo Ceeb ah, oo aad ka arkaysaa T.V-yada, Media-yaha , iyado Jilib-Jilib looga kalo hadlayo oo la soo tubaayo Odayaal Qadiyado wakhti lumis ah oo isburinaya uun la soo taagan.

Taasina waa arrin ku cusub Dhaqankeena oo Waxyeeladeda leh, iyagoo aan afka ka dhowrayn oo odhanaya ‘Anagoo reer Hebel ah, oo reer Hebel ah, oo ka sii ah jilibka Hebel sida sanu go’aansanay.Sax iyo khaladba.Waxa kale oo la samaystay Marfashyo Jilib-jilib loogu kalo baxay, oo lagaga hadlayo Arrimo gaar ah lagaga haajiray Dantii Guud Maamul-Wanaaggii la raaci lahaa.

Waxa Xaqiiqo ah, in Madax Dhaqameedka iyo Guurtidu ay Wanaag badan u qabteen Jamhuuriyaddan barakaysan ee Somaliland. Waxaana uu Nidaamka Maamul-Wanaaggu ina barayaa oo Talo tagaan ah imika, in Dowladdii marka joogtaa ay qabsato wixii waajibadkeed ah ee ka saaran Dalka iyo Dadkaba oo ayna Cidnaba ugu daba fadhiisan cidna ku hallaynin ee ay Shaqadeeda qabsato.Hadii ay hagrasha la timadona laga takhaluso intan Shadadiin Dibada iyo Gudahaba ahi ayna fursado Waxyeeloyin leh oo Wajiyo badan leh.

Haddaba su’aashu waxay tahay, Anigoo an difaceyn ,iloobeynina Dhagartii ay geesatay Dowladdii Kacaanka, haddana muddadii koobnayd ee Maamul-Wanaagga ay ku dhaqmaysay waxa la odhan karaa waxa la gaadhay heer ay Dowladnimaddii shaqaysay oo horumar dhinac walba ahi yimid. Waxaana is waydiin mudan muxuu ku kacay Maamul-Wanaaggaa ay sameeyeen? Waxa aynu odhan karnaa oo dulucdeenuna ay tahay in Maamul-Wanaaggu anu waxba ku kicin, oo an aheyn in qof walba qabsanayay Shaqadiisa waxana ay ku wajaheen badankoodu Waddaniyad, Is-xilqaan iyo kala dambayn uu qof kasta la yimid, imikana Walalayaal waxba inagu kaci mayso haddii aynu waddankeena Daacad u noqono, Danta guud u helanano, qof waliba uu shaqadiisa qabsado, Bulshaduna isku xidhnaato, oo Shaqsiga iyo Reernimada,Baqdinta iyo Caqli Gaabnimoda . Nolol dadka ka sareysa ku noolow aynu gabigeedaba Miji xaabino oo Guuldarooyin aynu dhex dabalaneyno ogaano in ay kuwii Dawladii Siyaad ee aynu Masalka u soo qadaney ay ku burbureyn.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email: Sulub2007@yahoo.comTel:0634426781

 

 

Qodobka 7-aad: Habaarka Iyo Cayda Carruurta Lagu Yidhaahdo

Sidaynu ognahay, habka uu u dhaqmayo  binu Aadamku wuxuu qeyb-laxaad leh ka qaataa, in la helo horumar dhinac walba leh. Waxaanu ka soo unkamaa hadba sida loo wajaho jiilasha markaa jooga in la dhiso maskaxdooda, dhaqankooda iyo kartida ay u yeelan karayaan inay isbeddel wanaagsan samayn karaan.

Qormadeenan manta waxaynu ugu talo-gallay, inaynu ku eegno saamaynta taban ee ay ku yeelan karto ubadka amma carruurta qaabka xun ee loola dhaqmo marka ay soo korayaan amma waqtiga ay la qabsanayaan bulshada ay ku dhex nool yihiin. Ugu horrayn, bal aynu in yar ka hallacsanno waxyaalaha aanay haboonayn in lagula dhaqmo carruurta hadday noqoto Waalidka dhalay, Macallinka wax u dhigaya, ainta ku xeeran ee u dhow iyo bulshada ay ku dhex nool yihiinba. Waxa marag ma doon ah, inay qaar badan oo inaga mid ahi si xun u habaaraan oo ay u cayaan carruurta, iyagoo is leh canaanta si uu ilmuhu uga joogsado edeb-darro ay ku arkeen. Laakiin, sidaasi sax kuma aha habka ilmaha looga joojinayo edeb-darro uu samaynayo.

Ereyada xun-xun ee aynu u isticmaalno carruurta marka ay wax qaldan sameeyaan waxa ka mid ah: Dhulku kula go’, Afka-gooso, Inkaari kugu dhacday, Qeyrkaa ka hadh iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale, qaar badan oo inaga mid ahi ereyada cayda ah ee ay u isticmaalaan waxa ka mid ah ha u badnaadeen ragguye, Baastar, Diyuus, Wasakh, Ey, Garac, Xaaraami, Naanaab iyo qaar kaloo badan.

Dhammaan ereyada aynu kor ku sheegnay waxay ka turjumayaan hab qaldan oo wax loogu sheegayo amma lagu edbinayo amma loogu cadhoonayo ilmaha carruurta ah. Waxaanay bar madow ku yihiin maskaxda ilmaha soo koraysa, ee loo baahnaa inay maqasho hadallo dhiirigalin ah amma wanaagsan oo kobciya.Laakiin haddaynu sidan ula dhaqanno carruurta waxay keenaysaa, inay u qaataan waxani inay yihiin wax iska caadiya, oo ay sidaasi ku noqoto wax iska caadiya oo midba midka kale kula sii dhaqmo carruurta.

Maxaynu u baahanahay si aynu u helno Maamul-wanaag laga dhaxlo jiilba jiilka uu ka dambeeyo.

1.                  In  si asluubaysan carruurta wax loogu sheego.

2.                  Inaynu si ixtiraam ku jiro ula hadalno carruurta markasta, si ay ula qabsadaan inaad ixtiraam ku wada noolaataan qoys ahaan, hadhowna ay sidaasi dadka u ixtiraamaan, oo qofka weyni ka yar u naxariisto ka yarina ka weyn u ixtiraamo.

3.                  Inaynu carruurta ula hadalno si deggan oo ay cadho ka madhan tahay, si maskaxda carruurta yar-yari u kobocdo loogana ilaaliyo inay ku mashquusho cadho iyo isku buuq badan halkaasna ay kaga hadhi karaan ubadka kale ee ay nolosha ku tartamayaan.

4.                  In carruurta loo tababaro habka fiican ee loola dhaqmo dadka guud ahaan gaal iyo muslimba, si ay u bartaan nidaamyada ay habboon tahay in lagula macaamilo dadka ay ku dhex nool yihiin. Inkasta oo ay aad masuul uga sii yihiin waalidka dhalay iyo waalidka labaad oo macalinka ah.

5.                  In loo sheego carruurta wax kasta oo wanaagsan oo carruurtu kula jaan-qaadi karto horumarka bulshada iyo dalka ka socda, isla markaana in carruurta laga waaniyo wax kasta oo wax yeeli kara mustaqbalkooda iyo mustaqbalka waddanka loona jiheeyo dhinaca wanaagasan.

6.                  Ubucda qormadeenan oo ah, in laga daayo carruurta soo koraysa habaarka oo laga yaabo amma ay u dhowdahay in laga aqbalo waalidka amma dadka waa weyn, maadaama ay xaq badan ku leeyihiin. Taasina ay saamayn karto mustaqbalkooda iyo mustaqbalka dalkan inay u soo baxaan dad  wanaagsan oo ku hagga maamul-wanaag. Sidoo kale, waxa laga yaabaa inay samadu furan tahay oo laga aqbalo habaarka lagu samaynayo carruurta.

7.                  In carruurta laga daayo cayda, maxaa yeelay ilmuhu wuxuu qaadi karaa cuqdad nafsi, oo waxay saamayn taban ku yeelanaysaa maskaxdiisa iyo dhaqanka bulshada uu ku dhex uumman yahay. Waxaanay si toos ah u waxyeelaynaysaa mustaqbalkiisa dambe iyo maamul-wanaaggii loo baahnaa in dalkan lagu hago, oo waxa soo baxaya dad aanay u kala soocnayn xumaanta iyo wanaaggu.

: Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email: Sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

La soco qeybaha dambe

 

 

 

Qodobkii 8-aad: : Baabuurta Xamuulka Sidda Ee Bakhaaradda Ku Rogga Amma Ka Rara Saacadaha Qaldan

Sharciga u yaalla socodka baabuurta ee magaalooyinka dhexdooda siiba kuwa xamuulka siddaa waqtiyada ay magaalo dhex mari karaan iyo waqtiyada ay alaab rogi karaan, waa mid adduunyaddu sidooda u raacdo uguna dhaqanto. Waxaana hawshaas maamula oo dabagal ku sameeya lana socda Dowladaha Hoose iyo ciidamadda ammaanka.

Marka ay timaaddo raridda iyo rogidda alaabta ee bakhaaradda suuqa ku dhex yaalla waqtiyada ay waliba samxaddu jirto, waxa ay baabuurtaasi xidhaan waddada, oo waxa istaagga isku socodka gaadiidka iyo dadkaba.arrintaasina waxa ka masuula Dowladaha Hoose. Sidaa awgeed, waa inay Dowladaha Hoose u jaraan waqti go’an oo ay baabuurtaasi waxna ragi karaan waxna dajin karaan sida 6:00am-7:30 amma 10:00pm-12:00am.Sidoo kalena darawaliinta baabuurtaasi marka ay magaalada soo galayaan waa in lagu hakiyo magaaladda kooneheeda inta ay gaadhayso waqtiyada loo fasaxay.Arrintaasna waxa ku yaraanaya samxaddii badnayd. Halkaasna waxa ka dhallan kara Maamul-wanaagga aan waxba inagu kacayn oo ay ka mid yihiin.

1. In loo hogaansamo sharciga iyo amarrada ay bixiyaan Dowladaha iyo Ciidamadda Taraafigu.

2. In samxadda fooqal-caqliga ah, ee imika ka taagan magaalooyinka dhexdooda in ay kala fududaato, oo ay yaraato isku xidh-xidhnaantii badnayd ee magaalooyinka ka dhex jirtay.

3. In danta shaqsiga laga tago sida ninka gaadhiga wada iyo ninka wax loo dajinayo amma loo rarayo, islamarkaana laga horaysiiyo danta guud ee Qaranka.

Hawshaas Maamul-wanaagga oo aan inagu kacayn hal senti, waxay u baahan tahay inay wada jir uga wada hawl galaan Dowladaha Hoose iyo Ciidamada Taraafigu.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.comTel:0634426781

 

 

 

 

Qodobkii 9-aad: Muluq-muluqda Xafiisyada

Sidaynu dhammaanteenba ka war hayno, xafiisyada Dowladda, Kuwa Gaarka loo leeyahay, Kuwa Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Ururada Maxalliga ahba, waxa lagu ugaan jiray in shaqaalaha xafiiska loo diyaar gareeyo kursigii iyo miiskii uu ku shaqaynayey iyo tansiilaadkii kale ee hawshiisa u fududaynayey. Waxaana uu shaqadiisa ku wadan jiray xafiiskiisa dhexdiisa. Waxa kaliya oo uu ka bixi jiray xafiiska marka hawl daruuri ah ay timaaddo sida marka uu xamaamka tegayo, nusasaace uu u baxo iyo Marka uu sigaar cabbayo oo uu debadda ku soo cabbi jiray haddii uu balwaddaasi leeyahay. Waxa kale oo jiri jiray qof shaqaale oo dhex mare ahaa lana odhan jiray Biyatooni. Kaasi oo waraaqaha iyo wixii xafiisba kale uga baahdo ka dhex adeegi jiray.

Haddaba, haddaad u fiirsato xaaladda imika taagan ee xafiisyadda waddankeena lagu shaqeeyo, waxay aad uga duwan tahay nidaamkaas jiri jiray. Waxaad arkaysaa qofkii loogu talo galay inuu xafiiskiisa ku shaqeeyo aanu fadhiyeyn, ee dhowr iyo toban jeer kacayo oo kolba xafiis galayo. War-wareeggaas uu kolba u kacaayaana wax kale maahee wuxuu inta badan iska dhaadhicinaya ninka xafiiskaas maamula amma Madaxda ka sarraysa. Waxa kale oo dhici karta inuu war u kala sido shaqaalaha meesha oo uu Madaxda ka sarreysa ku dirayo. Mar-marna waxa dhacaysa, inuu debadda dad ugu baxo oo in badan halkaasi kula sheekaysto, halkii ay ahayd inuu magaaladda kale kula ballamo. Halkaasna waxay noqonaysaa Muluq-muluq aan faa’iido lahayn. Waxaana kala dhantaalmaysa hawshii loo igmaday, oo waxa yaraanaya wax-soo-saarkii iyo wax-qabadkii shaqada. Sidoo kale, waxa badanaya xasadka, istusnimada, kalsooni la’aanta, kala dambayn la’aanta iyo tayo-xumaddii shaqaalaha, oo haddii uu warqad qorayo waxa dhacaysa inuu toban jeer soo waydiiyo ninkii ka sarreeyey. Sidoo kale, waxaad arkaysaa hablihii Masaxi jiray xafiisyada ee iman jiray waqti hore, ay imika yimaadaan xilli dambe oo aad arkayso shaqaalihii oo debadda iska fadhiya oo sugaya inta la masaxayo xafiisyada. Waxaana cad in aan la eryi Karin inanta masaxda xafiisyada, waayo waxay ku joogtaa qaraabo iyo ehelnimo amma qabyaalad.

Dhammaan arrimahaasi waxay ku saxmayaan Maamul-wanaag lagu dhaqmo, oo aan hal senti inagu kacayn. Haddii la hirgaliyo Maamul-wanaaggana waxa iman lahaa wax-soo-saarkii oo bata, kalsoonidii oo badata, aqoontii oo shaqaysa, xisaabtan yimaadda, dhaqan-xumadda oo yaraata, jiilasha dambe oo kaga dayda iyo hormar guud oo la gaadho.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

Hargeysa, Somaliland

Qodobkii 10-aad: Kaabayaasha Dhaqaalaha

Sidaynu ognahay, markii Waddanka lagu soo noqday waxa la isticmaali jiray dhowrkii waddo ee uu sameeyey Maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Markii dambana looma helin dhaqaale dib loogu habeeyo waddooyinkaas burburay amma qaar cusub lagu dhiso. Marka laga reebo Dowladaha Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Gaadiidka oo wax yar hag-hagaajiyey.
Haddaba, 10-kii sanno ee u dambeeyey waxa muuqda in la gaadhay horumar dhinaca Maamul-wanaagga ah. Ka dib markii Dowladda Dhexe iyo Dowladaha Hoose sameeyeen qorshayaal dib loogu dhisayo waddooyinkaas hore, isla markaana waddooyin cusub lagu hirgalinayo, iyagoo kaashanaya dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan waddo kasta oo la dhisayo. Waxaanay dadweynuhu bixiyeen inta ugu badan ee kharashka ku baxaya waddooyinkaas halka Dowladda Dhexe amma Dowladaha Hoose bixiyaan boqolkiiba inta loo qorsheeyo. Waddooyinkaas layska kaashaday kuma wada sheegi karno halkan, laakiin waxaynu ka soo qaadan karnaa Waddada Ceerigaabo oo baahi weyn loo qabay, Waddada Dowga Cad, Waddada Baligubadle, Waddada Sallaxley, Dila ilaa Wajaale iyo kuwo kale. Sidoo kale, qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka Somaliland waddooyinka dhex mara, ayaa layska kaashaday lana hirgaliyey.
Waa Ilaahay Mahaddii talaabadaas Maamul-wanaagga ah ee la qaaday, oo tacab, hanti iyo xoog badan ku baxay. Laakiin waxa muhiim ah, in laga wada shaqeeyo sidii waddooyinkaas la sameeyey aanay u waxyeeloobin, oo laga ilaaliyo wax kasta oo dili kara tayada waddooyinkaas. Hadday noqoto marka hore ee waddada la bilaabayo in loo sameeyo qorshe tayeysan oo loo samaynayo dhammaan wixii ay u baahnayd waddo mustaqbalka la manaafacaadsado sida meelihii biyuhu marayeen I.W.M.
Dhinaca kale, dadweynaha waxa waajib ka saaran yahay in ay dhinacooda ilaashadaan waddada oo ay ka dhowraan wax kasta oo waxyeelayn kara waddada sida in ay biyo wasakh ah ku soo daadiyaan amma in ay waddada dhexdeeda jiidaan wax adag sida garaa’idka, iyadoo imika aad arkayso waddooyin la hagaajiyey oo haddana muddo yar ka dib hogag waa weyn yeeshay, koontiinaro la mariiyo waddada iyo askari jiifa oo qof walba gurigiisa hortiisa ka samaysanayo.
Maamul-wanaaggu wuxuu ina barayaa, in wixii aynu gacanteena ku samaysano uu noqdo wax tayo leh oo raaga mustaqbalka. Taasina waxba inagu kici mayso, maadaama maalkii iyo xooggiiba la galinayo, isla markaana ay joogaan Injineeraddii loo baahnaa.
Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

 

QODOBKII 11-aad: Caddaalad-darrada Kala Reebtay Dadka

sidaynu ognahay, waqtiyadan dambe ilaa 40-kii sanno ee u dambeeyey ee qaska iyo qalaanqalku jiray Waddanka, taasoo ay ugu waynaayeen dagaaladdii dib-u-xoraynta Waddanka Somaliland iyo kuwii sokeeye ee ka dambeeyeyba. Runtii dhibaatooyinkaasi waxay keeneen isbeddello badan oo dhinaca nolosha iyo Maamul-wanaagga la xidhiidha.

Waxyaalaha la odhan karo, si weyn ayey uga muuqdaan Maamulka Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxa ka mid ah, in qofkii wax bartay isla markaana kartida iyo waayo-aragnimada lahaa hoosta maro. Sidoo kale, qofkii tuugga, af-miishaarka iyo khaa’inka ahaa uu dusha soo maro. Taasina waxay nusqaan weyn ku noqotay Maamul-wanaaggii loo baahnaa ee horumar lagu gaadhi lahaa.

Qolyaha kor soo maray ee Af-ku-xooglayaasha loo yaqaanaa, waxay soo kordhinayaan dhaqaale bur-bur badan iyo khaa’inimo baahsan oo Waddanka aan ay dani ugu jirin marka ay talada Waddanka soo galaan amma Maamul loo dhiibto ha noqdo xil sare amma ha noqdo xil hoose.

Dhammaan qaladaadka ka jira dhinaca Maamulka ee dhiac walba jirta sida Xil-magacaabidda iyo Shaqo-qorista, waxay hoos imanayaan mabaadii ku dhisan Caddaalad-darro, qof-jeclaysi, qabyaalad I.W.M.

Haddaba, haddii aynu doonayno Maamul-wanaag waa inaynu hoosta marinaa Af-miishaaradda dusha soo maray. Waxaana la gudboon dhammaan dhinacyada ay khusayso sixitaanka arrintani, in ay si weyn diiradda u saaraan halka ay wax ka qaldan yihiin, isla markaana loo eego Xil-magacaabidda iyo Shaqo-qorista qaab ku dhisan Aqoon, Karti, Waayo-aragnimo I.W.M.

Ugu dambayn, waxaan u soo jeedinayaa cid kasta oo ay khusayso inay diiradda saaraan Maamul-wanaagga, isla markaana ay saxaan qaladaadka jira ee caddaaad-darrada ah dhinac walba.

Qalinkii:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

Qodobkii: 12-aad: 1000 Ceel oo shidaal ah, haddii waddankeena laga qodo lana iibiyo shidaalka oo dakhli badan inaga soo galo wax laga istifiidayaa ma jirto, waayo haddii maalin walba  2 litre oo dhiig ah lagaa shubto ma noolaan kartid.

sida aynu ognahay, dal walba wuxuu leeyahay khayraad ku duugan oo uu maanka ku hayo inuu mar uun la soo bixi doono haddii uu Alleh yidhaahdo. Dhinaca kale, sida la ogyahay haddii Waddankaasi aanu Maamul-wanaag fiican lahayn, hubaal waxa ah in aanu waxba ka dheefayn khayraad kasta oo uu leeyahay. Waxaana laga yaabaa, in ay u keento khasaare, waayo waxa la isku dilaa dhaqaalaha badan ee laga helay khayraadka la soo saaray. Taasina waxa sababta ugu weyn ah, in aan loo maarayn sidii loogu talo-galay ee ay ahayd in loo qorsheeyo Dowlad ahaan, isla markaana shacab ahaan loogu hogaansami lahaa in la barbar istaago talaabo kasta oo ay Dowladdu qaado dhinaca horumarka. Taasi beddelkeeda lama garawsan ilaa imika Dowladnimo iyo Maamul-wanaag in lagu dhaqmo.

Waxaan ognahay kana wada dharagsanahay in dakhligeena ugu badan uu yahay lacagta adag ee inaga soo gasha lacagaha qurbejoogu soo xawisho iyo dhoofinta xoolaha markay furan yihiin. Labadaas ilo dhaqaale oo nolosha aynu ku moodno marka duruufahoogu caadi yihiin.

 Dhinaca kale, hamigeena ugu weyn ee aynu leenahay (Somaliland) waxa weeye in nabaddan aynu haysano Allah inoogu daro dhaqaale wax-soo-saar leh. Waxaana aynu ku riyoonaa haddii Waddankeena shidaal laga helo in la kala qaboobayo oo horumar dhinac walba leh uu imanayo. Dabadeedna lagu fekerayo in markaa uu Maamul-wanag iyo Dowladwanaag uu iman lahaa. Taas-se waxa beenaynaysa maah-maahda Soomaliyeed ee odhanasysa’ ninka aan garan waxa jooga ma garto waxa soo socda’. Taasi oo la is waydiin karo sidaynu u maamuli doonaa, laakiinse xaggee ayuu ku dambaynayaa amma ma kafaynayaa adeegyada ay bulshadu tabayso sida tacliinta, caafimaadka I.W.M.

Haddii aynu ka qiyaas qaadano sida imika xaaladeenu tahay, ee wixii debadda inaga soo gala sida Waddanka jaarka aynu nahay ee Itoobiya ay ugu shubmaan lacagaha qaadka aynu ka soo iibsano oo boqolaal kun oo doolar aynu lacagteenii adkayd u shubayno maalin walba. Sidaynu ognahayna qaadkaasi wuxuu dibu-dhac wayn ku keenay nolosheenii dhinac walba. Tusaale ahaan, waxaynu isla fahmaynaa haddii dakhli maalmeedkaaga subaxdii ku soo galaa uu habeenkii ku waydaaranayo oo aanu meelna kayd kuugu leexanayn, waxa cad in nolosheena caam ahaan  sii jiritaankeedaba  ay su’aali ka taagan tahay haddii meel fog iyo meel dhow laga eego..

Sidaa daraadeed, dhibaatooyinka dadyowga soo wajaha ee hirba hir sii kicinayo haddii aan talo, muwaafaqo iyo qorshe amma talo-saarasho Rabi lala iman lama wajahi Karo carqaladahaasi sidii loo xalili lahaa. Waxaana cad in hagrasho weyni jirto dhammaanteenba, gaar ahaan kuwa talada Waddanka loo dhiibay ee intii la soo galay hayey. Waayo umay hagrasho bixin dhibaatadaas weyn ee Qaadka inay wax ka qabtaan. Kaasi oo ubadkeenii iyo waddankeenii cuuryaamiyey. Hal masal oo aan iga fogayn oo aad igu waafiqi kartaan haddii aan idiin soo bandhigo, waxay qaban kari lahaayeen Madaxdii Waddankan soo martay, inuu Madaxweynuhu Golihiisa Wasiiradda marka horeba aanu magacaabin qof balwadda jaadka leh. Dabadeed wuxuu u sii daadagi lahaa W./ku xigeenada, Agaasimayaasha guud, Madax-qaybeedyada, kadibna halkaa laga sii wado  wax weynbaa is bedeli lahaa. Maahmaahina waxay tidhaahaa ‘boqolkiiba hal 1% aad wax wanaagsan qabataa waxay dhaantaa boqolkiiba boqol 100%oo waxba la’aan ah’.

Tusaale kale, sidaynu wada ogsoonahay jidhkeenu wuxuu ku shaqeeyaa dhiigga cajiibka qaba ee Ilaahay inagu manaystay, ee wadnuhuna u qeybinayo xubnaha jidhka guud ahaan, maalin walba haddii hal litir oo dhiig ah lagaa shubto waxaynu garawsanahay in aadan sii jirayn oo aad dhiig la’aan u dhimanayso. Taasina waxay ka dhigan tahay dakhli kasta oo ku soo gala maalintii oo habeenkii lagaa shubanayo aanay meeshaasi nololi jirin.

Ugu dambayn, waxaan ku talinayaa inaynu ka waantowno hagardaamooyinka maleegan ee Qaadka oo aynu ka xorowno.

Fiiro gaar ah:barnaamijkan maamul-wanaagga ee muddada socday loogama jeedo cid gaar ah, ee waxa loo soo jeediyaa kaliya siday danteena guud ku hagaagi lahayd.

 

Qodobkii 13-aad:

Ka: Ku-jooggii Daawihii Aad U Kululaa E e ay Soomaali saarnayd muddo dheer

Ku: Raran Aad U Kulul Oo Ay Fuushan Yihiin Oo Loogu Beddelay.

‘Cadaabahaa kala Subxaanalaysta korkeena Ilaahay baday’

Ilaa lixdankii Dowlad kasta oo timaadda siday doonto ha ku timaaddee markay meesha ka baxdo, ta ku sii xigtaana ay timaaddo ayaa waxaynu caadaysanay amma aynu dhaqan u leenahay inaynu ku hadaaqno’ tii horaa dhaantay’ iyo dacaayadayn Dowladda joogta. Haddaba, waxa is waydiin leh waxaynu wax ku qiyaasno danaheena iyo hiigsigeena waxyaalaha wax lagu qiyaaso sida M, cm, mm, kg I.W.M.

Ma waxan aynu wax ku cabirno ayaa qaldan mise natiijada aynu ka filayno ayaan macquul ahayn? Waxaana tusaale kuugu filan haddii aad Dawaarle u gasho oo aad tidhaa dhar ka tolo halkii aad mitir ka sugaysay haddii uu cinjir kugu cabiro markiiba waad soo boodaysaa waxaanad ka hor keenaysaa diidmo. Sidoo kale haddii joomitir dhulka ah aad kaxaysato oo toban xadhig oo kala dherer ah amma kala dhumuc uu kaa hor keeno waad fajacaysaa.

• Markaa sideedaba maxaynu ku cabirnaa dadkaynu dooranay?

• Sidaynu ula xisaabtanaa?

• Maxaan ka rabnaa inay qabtaan Dowlad ahaan?

• Maxaa inaga hor taagan inaynu miiska u garaacno oo waxa aynu ka doonayno inta ilaahay ka sokaysa aynu hor dhigno?

• Ma riwaayaddii amma dheeshii reer Xamarkaa, oo waxaynu ku wada jirnaa dhiidhii dhammaanteen.

Haddaba, Maamul-wanaagga, Dowlad-wanaagga iyo Danta Guud ee laga haajiray ,ee loo ordayo dan shaqsiyeed, mid reereed amma mid urureed ayaa ah inaynu halkii aynu taagnayn aynu dib uga sii dhacno, oo dhibtii iyo xanuunkiina inagu sii bato sida abaaro soo noq-noqda oo waqtiyadoodii ka soo deg-degaya, dhalinteenii oo gacanteenii ka baxday, mukhaadaraatkii iyo daraaggii oo xadhko goostay, tayadiii tacliinta oo hoos u sii dhacaysa iyo waxyaalo la mid ah.

Waxaanan masal u soo qaadanayaa dadyowga kale ee xitaa soo maray duruufihii adkaa ee aynu inagu soo marnay, waxaad arkaysaa horumar dhinacyo badan inay sameeyeen. Halka aynu inaga dibu-dhac wayni inagaga yimid dhinac walba. Waxaana Shaqsi ahaan fekerkayga aan ku cabbiray, xanuunka iyo dhibta ina haysa ‘adigoo saarnaa daawe dhuxul caddi ka hoosayso oo aad guban tahay oo khaatiyaan Ilaaahay aad taagan tahay, oo haddana inta lagaa qaaday raran kuluul oo dab ah lagu saaray, taasi xanuunka ay leedahayna waynu wada qiyaasi karnaa’.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, inaynu danaheena qabsano, oo aynu raacno darriiqii Rasuulka (SCW), oo aynu xasadka iyo xumaanta dhexdeena taalla iska dhaafno, sidaasuuna wanaaggu ku jiraa

Qodobkii: 12-aad: 1000 Ceel oo shidaal ah, haddii waddankeena laga qodo lana iibiyo shidaalka oo dakhli badan inaga soo galo wax laga istifiidayaa ma jirto, waayo haddii maalin walba 2 litre oo dhiig ah lagaa shubto ma noolaan kartid.

sida aynu ognahay, dal walba wuxuu leeyahay khayraad ku duugan oo uu maanka ku hayo inuu mar uun la soo bixi doono haddii uu Alleh yidhaahdo. Dhinaca kale, sida la ogyahay haddii Waddankaasi aanu Maamul-wanaag fiican lahayn, hubaal waxa ah in aanu waxba ka dheefayn khayraad kasta oo uu leeyahay. Waxaana laga yaabaa, in ay u keento khasaare, waayo waxa la isku dilaa dhaqaalaha badan ee laga helay khayraadka la soo saaray. Taasina waxa sababta ugu weyn ah, in aan loo maarayn sidii loogu talo-galay ee ay ahayd in loo qorsheeyo Dowlad ahaan, isla markaana shacab ahaan loogu hogaansami lahaa in la barbar istaago talaabo kasta oo ay Dowladdu qaado dhinaca horumarka. Taasi beddelkeeda lama garawsan ilaa imika Dowladnimo iyo Maamul-wanaag in lagu dhaqmo.

Waxaan ognahay kana wada dharagsanahay in dakhligeena ugu badan uu yahay lacagta adag ee inaga soo gasha lacagaha qurbejoogu soo xawisho iyo dhoofinta

xoolaha markay furan yihiin. Labadaas ilo dhaqaale oo nolosha aynu ku moodno marka duruufahoogu caadi yihiin.

Dhinaca kale, hamigeena ugu weyn ee aynu leenahay (Somaliland) waxa weeye in nabaddan aynu haysano Allah inoogu daro dhaqaale wax-soo-saar leh. Waxaana aynu ku riyoonaa haddii Waddankeena shidaal laga helo in la kala qaboobayo oo horumar dhinac walba leh uu imanayo. Dabadeedna lagu fekerayo in markaa uu Maamul-wanag iyo Dowladwanaag uu iman lahaa. Taas-se waxa beenaynaysa maah-maahda Soomaliyeed ee odhanasysa’ ninka aan garan waxa jooga ma garto waxa soo socda’. Taasi oo la is waydiin karo sidaynu u maamuli doonaa, laakiinse xaggee ayuu ku dambaynayaa amma ma kafaynayaa adeegyada ay bulshadu tabayso sida tacliinta, caafimaadka I.W.M.

Haddii aynu ka qiyaas qaadano sida imika xaaladeenu tahay, ee wixii debadda inaga soo gala sida Waddanka jaarka aynu nahay ee Itoobiya ay ugu shubmaan lacagaha qaadka aynu ka soo iibsano oo boqolaal kun oo doolar aynu lacagteenii adkayd u shubayno maalin walba. Sidaynu ognahayna qaadkaasi wuxuu dibu-dhac wayn ku keenay nolosheenii dhinac walba. Tusaale ahaan, waxaynu isla fahmaynaa haddii dakhli maalmeedkaaga subaxdii ku soo galaa uu habeenkii ku waydaaranayo oo aanu meelna kayd kuugu leexanayn, waxa cad in nolosheena caam ahaan sii jiritaankeedaba ay su’aali ka taagan tahay haddii meel fog iyo meel dhow laga eego..

Sidaa daraadeed, dhibaatooyinka dadyowga soo wajaha ee hirba hir sii kicinayo haddii aan talo, muwaafaqo iyo qorshe amma talo-saarasho Rabi lala iman lama wajahi Karo carqaladahaasi sidii loo xalili lahaa. Waxaana cad in hagrasho weyni jirto dhammaanteenba, gaar ahaan kuwa talada Waddanka loo dhiibay ee intii la soo galay hayey. Waayo umay hagrasho bixin dhibaatadaas weyn ee Qaadka inay wax ka qabtaan. Kaasi oo ubadkeenii iyo waddankeenii cuuryaamiyey. Hal masal oo aan iga fogayn oo aad igu waafiqi kartaan haddii aan idiin soo bandhigo, waxay qaban kari lahaayeen Madaxdii Waddankan soo martay, inuu Madaxweynuhu Golihiisa Wasiiradda marka horeba aanu magacaabin qof balwadda jaadka leh. Dabadeed wuxuu u sii daadagi lahaa W./ku xigeenada, Agaasimayaasha guud, Madax-qaybeedyada, kadibna halkaa laga sii wado wax weynbaa is bedeli lahaa. Maahmaahina waxay tidhaahaa ‘boqolkiiba hal 1% aad wax wanaagsan qabataa waxay dhaantaa boqolkiiba boqol 100%oo waxba la’aan ah’.

Tusaale kale, sidaynu wada ogsoonahay jidhkeenu wuxuu ku shaqeeyaa dhiigga cajiibka qaba ee Ilaahay inagu manaystay, ee wadnuhuna u qeybinayo xubnaha jidhka guud ahaan, maalin walba haddii hal litir oo dhiig ah lagaa shubto waxaynu garawsanahay in aadan sii jirayn oo aad dhiig la’aan u dhimanayso. Taasina waxay ka dhigan tahay dakhli kasta oo ku soo gala maalintii oo habeenkii lagaa shubanayo aanay meeshaasi nololi jirin.

Ugu dambayn, waxaan ku talinayaa inaynu ka waantowno hagardaamooyinka maleegan ee Qaadka oo aynu ka xorowno.

Fiiro gaar ah:barnaamijkan maamul-wanaagga ee muddada socday loogama jeedo cid gaar ah, ee waxa loo soo jeediyaa kaliya siday danteena guud ku hagaagi lahayd.

 

 

QODOBKII: 14-AAD: BULSHADEENU MA DOONAYSAA INAY HESHO MAAMUL-WANAAG?

.Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

Sababta loo soo qaatay habka dimuqraadiga ah ee doorashooyinka waddankeena laga qabto, isla markaana ay xisbiyadu ku tartamaan, waxa loogu talogalay inay bulshadu ku xulato cidda ay dooranayo waxyaalaha bulshadu ay tabayso sida maamul-wanaagga, taasi oo ay tahay inuu fuliyo haddii uu soo baxo qof ballanqaaday inuu dhisi doono Maamul-wanaag, Dowladwanaag iyo dhammaan baahiyaha bulshadu ay tabayso ee waddanka ka jira. Waxaana aynu ognahay, in marka la doorto ninka siyaasiga ah ee uu kursiga ku fadhiisto uu iloobo sababtii ay bulshadu ku soo dooratay iyo qorshihii xisbigiisu lahaa ee doorashada uu sababteeda ku guulaystay.

Xadhigaasi kala go’aya Madaxdii iyo bulshadii amma bulshadii iyo xisbigii uu kala go’ayaa, ma waxaynu odhan karnaa bulshadii wax doorataybaa khaladka leh, oo soo dooratay nin sinji xun oo aan waxba xeerinayn dantiisa mooyaane, mise qofkan la doortaybaa samaynaya wacad-fur iyo danaysi gaar ah?

Waxaynu masal u soo qaadanaynaa doorashooyinkii Dowladaha Hoose loo galay, in dadkii kuruusta Golaha Deegaanka ku fadhiistay isla maalintii ay guulaysteen ay xidhiidhka u jareen bulshadii soo dooratay iyo xisbigii uu ka soo baxayba, oo ay u leexdeen dhul-boob, danaysi gaar ah iyo reernimo uu ugu shaqaynayo reerkiisa oo arrimahooda oo kaliya ku xalilo.

 Hungowgaa lagu hungoobay masuuliyiintaas la doortay maxaa uga meel yaalla shicibkii soo doortay, ma inay niyad-jab iyo uurku-taallo la sii jeestaan, oo ay eegaan inta uu 5 sanno iyo ka badan uu kubadda lacag urursiga ah ciyaarayo oo ay indhaha ka qabsadaan, oo masuuliyiinta ku sii xiga ee ay doortaana sidiisii oo kale uun uu noqdo.

Nolosheena ku khasaaraysa ee tacab khasaarka ah, ee mustaqbalkeenii uu dilayo shaqsi dan gaar ah leh, iswaydiintu waxay tahay maxaynu dhibaatadaas u mudanaynaa?

Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho’, markaa ma waxaynu odhan karnaa markii horeba sida lagu soo xulaybaa khaldanayd oo raggii iyo dumarkii wanaagsanaa waxa lagu garbiyey reernimo iyo wixii la hal maala mise bulshada ayaa jecel sidan inay iskaga noolaato.

Sida Diinteenu sheegayso qofka xil loo dhiibayaa ma doontaba ee waxa raadiya bulshada qofkooda qiimaha leh ee ay ku og yihiin nadiifnino, oo ay xilka u dhiibtaan oo haddii uu diido ay baryaan kuna adkaystaan.

Haddii aynu Soomaali nahay ceebeheena hoose iyo kuwa sareba waynu is ognahaye, haddii la yidhaahdo waxa si furan loo dooranayaa Maayir cusub magaalooyinka somaliland, oo qof walba oo cod bixinayaaba uu isku dhibo sidii uu u baadhi lahaa una baran lahaa qofkan akhlaaqdiisa, cilmigiisa, kartidiisa, amaanadiisa iyo sida uu uga dabbaalan karayo duruufaha jira, waxaad igu waafaqi kartaan haddii qodobadan kor ku xusan loo eego oo aynu ka baaraan degno muddo sidii aynu u soo xulan lahayn Maayir ku habboon dhinac walba marka laga eego masuuliyadaasi, inay wax weyn hagaagi lahaayeen

Ugu dambayn, dadweynoow haddii aad doonaysaan Maamul-wanaag iyo Dowladnimo kala doorta labadaa xulasho ee midna aan wanaag loo eegayn qofka la dooranayo midna lagu xulanayo sida uu uga dabbaalan karo dhibaatooyinka iyo duruufaha jira waddanka iyo Maamul-wanaagg dhabb ah.

.Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

Qodobka 15-aad: Magaalo-joog-xumadu ma keento Maamul-wanaag iyo Dowlad-wanaag Midna.

Waxaynu maalin walba aragnaa guryaha magaalada in maalintii laba amma saddex jeer laga soo saydhiyo baaldiyo biyo wasakhaysan ah oo wax walba lagu soo maydhay, oo caafimaadka bulshada waddada maraysa waxyeello ku keenaysa.

Halka ugu fududba haddii aynu ka soo qaadno, biyihii la daadiyey ee waddada lagu shubay haddii ay qalaleen iyo haddii ay qoyan yihiinba waa kuwa aynu ku istaagno ee aynu guryeheena la tagayno, iyagoo kabihii sita qudhinkii, oo ay dhici karto inay carruur yar-yari ay iskaga ciyaari karaan amma afkaba ay galiyaan, taasina ay ku soo siyaadiso in ilmihii xanuun keeno, isla markaana waxyeelo ka soo gaadhi karto koritaankiisa iyo maskaxdiisaba.

Maamul-wanaagga iyo Dowlad-wanaaggu haddii uu jiri lahaana waxa lagu amri lahaa guri kasta oo biyo wasakhaysan ku daadiya waddada inay bullaacad qotaan haddii ay diidaana la mariyo sharciga.

Haddaba, maxay inagu kacaysaa haddii ay shaqaalaha Dowladda Hoose ee Fayo-dhowrku ay kor meeraan xaafadaha, oo ay hubiyaan sida wax u socdaan, taasi oo keeni lahayd in caafimaadka bulshadu uu wanaagsanaado, isla markaana laga badbaadi lahaa cudurro badan oo imika jira.

Waxaan ku soo koobayaa, waar hooy ku toosnaada Maamul-wanaagga aan hal senti inagu kacayn ee daneheena guud iyo kuwa gaarka ahiba ay ku idil yihiin.

.Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

(62)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com