Share this:

" />
29 September 2016 | Articles

Guurka iyo suugaanta somalida.

Tixdan yar ee gabay ee aynu tusaalaha u soo qadanay waxa tiriyey Aw Yuuuf Maxamed Xirsi (AHU), waxa uu kunoolaan jiray jiidaha qoraxay ee dawlad

GUUR AAN KA LA’AADO(1992):
Tixdan yar ee gabay ee aynu tusaalaha u soo qadanay waxa tiriyey Aw Yuuuf Maxamed Xirsi (AHU), waxa uu kunoolaan jiray jiidaha qoraxay ee dawlad deegaanka somalida itoobiya,waxa uu suugantiisan kula tallinayaa niman dhallin yaro ahaa oo guurdoon ahaa waxa uu tilmaamayaa dardaaran waayeelnimo,taas oo dhinacyo badan ka taabanayo kulana tallinayo wiilashaa , waxa uuna yidhi sidatan: –

  • Gurri-billa nin kii doonayee,nacaya goobaarta,
  • Ee guur ujeedow i maqal, waan ku garansiine,
  • Guduud loma raacoo haween, gabal-ba waa caynee,
  • Bidhaan gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye,
  • Isugaadhay gabadhaad tidhaa,meel unbaa go’anee,
  • Gaboodleyda gashidu kutaal, labada goonyoodba,
  • Ee maradu gayngeyman tahay, guur aan ka la’aado.

 

Abwaankii weynaa ee maxamed nuur fadal oo gabadh jeclaaday AHU waxa uu tilmaamayaa tilmaahii quruxdeeda, isagoo sidoo kale uga digaayo raggu inay guursadaan dumarka ayaguna aan ku haboonayn quruxda dumarka,dhowr bay-doo aan kasoo qaaday waxana uu yidhi sidatan:-

  • Dhadhan malaha naagaha, midii dhoocil kaa noqotaa e,
  • Dhulka jiifto lama guursado iyo dhererka qaarkii e,
  • Haday dhuubo wayda tahay waa raaxo kaa dhimane,
  • Meeshaa iyo dhalaanimo, midaan anigu dhowraayey,
  • Dhildhilada gacmahiyo, shanshada dhumac looyeelay,
  • Dhexda madagta ah ,dhaayaha indhaha, dhaban wanaageeda,
  • Dhuda qoorta iyo faayahay, dhudi lasoo jeedo,
  • Dhubad qaadka, timahaad haldhaa dhallinkii moodayso,
  • cirid dhuxula iyo suuniyahaa dhibic daawadeeda,
  • Dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuhu dhaygag noodilay e,

Maansadan, waxa tirisay abwaanadii somaliyeed ee la dhihi jiray Canab Guuleed AHU waxa aynanu tusaale kasoo qaadan doonaa dhanka sugaantii haweenka iyo guurka waxay ka yiraahdeen, sidoo kale tuducan waxa aynu ka dhehan karnaa, raga kuwooda aan guur lala waadaagi karrin, kuna haboonayn haweenka, waxa ayna tidhi sida tan:-

  • Qiyaas go’an tira koobaan ,Hadaan toban kasoo qaato,
  • Sagaal buu qalbigu diidayaa, aan qaadacoo jarayee bal aan qeexo ,
  • kuwaan quudh sadee qaadan kari waayey,
  • qadirkeen kuwuu xarimay, kuwa quud lagayo moodo,
  • khamrada iyo aalkoolaha kuwa sii qudh qudhinaayo
  • qaadkiyo haduu buuri cuno ama qiiq nuugo,
  • qalbigiisu inuu qooman yahay waa mid loo qiraye
  • qudhun iyo inleen lagama karo ,qoonxun daba rooree
  • gabdho aan qaadi loo gaynin buu qolol la seexdaa e
  • allahayow nin kaa nolol hanoo qaybin.

Heestan oo ay lahayd caasho dacar oo wiil-keeda waxoogaa, sag-saag nololeed ka dareentay, kadib tallo waalidnimo iyo hoga tusaalayn badan siinayso waxay tiri sida tan:-

  • hooyooyinkiin baanu nahay haybada lahaaye
  • habka nolosha waxa soo dhisaa habarta weeyaane
  • ubadkaanu haynaa ragana waanu hananaa
  • hurdadaan ka toosnaa dhulkoo hiimsa hiimsa ahe
  • hugufka iyo xashiishkaan gurnaa, aad nagu halaysaane
  • hantidaan dhaqnaa reer dhan, baanu hab u samanynaa
  • ragaa na, hagradayee dumarku waa heerkii nololeed.
  • Xuseenow sidaad tamacday iyo anigu taan doonay
  • Waa laba dar oo kala fog aan daw isu lahayne
  • Aniga daa’in keen waa og yahay daacadaan ahaye
  • Inaan daara waaweyn dhiso oo nolol idiin doono
  • Oo dumar idiin guuriyo baan duunka ku haya e
  • Adigu hunguri day-day baad ila duljoogtaa.

W/D: Said Abokor Hersi (sayid).
ADISS ABABA ETHIOPIA.

(497)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com