Share this:

" />
17 October 2016 | News

Halista Adeega Zaadka, Hungowga Adeega 4G++, Hagardaamooyinka Dhaqaale ee Shirkada Telesom iyo Hoos U Dhaca Kalsoonidii Shacabku Ku Qabeen.

Bulshada Somaliland Oo Walaac Xoogle Ka Muu Jiyay Isticmaalka Adeega ZAAD Ee Shirkada Telesom

Hargeisa(WNN):-Waxaa Xalay Fiidkii Cilad Aan Nooceeda Hore Loo Aragi Ku Timid Isticmaalka Adeega Lacagta Ee Zaad Ee Ay Bixiso Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom. Waxaa Istaagay Isu Socodkii Guud Ahaanba Ganacsiga  Iyo Adeegyada Kale Ee Muhiimka U Ah Nolosha Bulshada ,

Waxaa Laga Dareemayay Xarumaha Shirkada Telesom Ee Goblada Iyo Caasimada Dadwayne Tiro Badan Oo Kuyuu Ugu Jira Goobaha Laga Bixiyo Adeega Zaad, Kadib Markii Mudo Saacado Ah Ay Isticmaali Kariwaayeen Lacagaha Ay Ku Kaydsadeen Adeega Zaadka Taasi Waxay Dhalisay In Bulshada Uu Soo Food Saaro Werwer Xoog  Lihi Maadaama Uu Mobile Kooda Gacantu Noqday Jeeb Ay Lacagta Ku Qaataan

Goobaha Qaar Waxaad Ku Arkaysay Masuuliyiin Ka Mid Ah Dawlada Oo Ka Walaacsan Sida Aanay Ugu Kalsoonaankarin Isticmaalka Adeegan Zaad Maadaama Oo Ay Soo Noqnoqonayaan Ciladaha Noocan Oo Kale Ahi

Adeega Zaad Ayaa Noqday  Mid Mudooyinkii Ug Danbeeyay Hoos Udhac Wayni Ku Yimid Aaminaadii Ay Bulshadu Ka Qabeen Waxaanad Arkaysaa Galabtii Ganacsato Tiro Badan Oo Lacaga Hooda Xisaabeed Kala Baxaya Xarumaha Zaadka Ee Shirkada Telesom Taasina Waxay Muujinaysaa In Ay Yaraatay Aaminaadii Ay Ku Qabeen Bulshada Tirade Badan Ee Isticmaasha Adeegan

Dhinaca Kale Waxaa Walaac Kaa Lamid Ahi Ka Soo Yeedhayaa Isticmaalayaasha Adeega Zaad Ee Shilinka Somaliland Oo Badiba Ay Joojiyee Guud Ahaan Shaqaalaha Dawlada Iyo Ciidamada Kala Duwan Oo Inta Badan Si Tijaabo Ah Lacagaha Mushaharkooda Loogu Diri Jiray Adeegazaad Waxaa Dadkaqaar Arintaas Ku Sifeeyeen Amar Xaga Dawlada Ka Yimid Inay U Yareeyeen Isticmaalka Adeegaas. Kadib Markii La Ogaaday In Uu Xoojiyay Lunsiga Hantida Qaranka Oo Si Fudud Loo Lunsaday Hanti Maalaayiin Shilinka Somaliland Ah Oo Ay Ahayd In Ay Qasnada Dawlada Ku Dhacdo Balse Iyadoo Xarfo Ah La Baalmariyay.

Dhinaca Kale Waxaa Shacabka Somaliland Walaac Xoogle Ka Muujiyeen Qiima Dhaca Ku Yimid  Isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland Oo Shacabka Somaliland Gayay Siiyay In Ay Noqdaan Dabaqado Kala Duwan.  Halka  Maceeshadii Cirka Isku Shareertay, Waxaana Wali Aan Hir Galin Isku Daygii Xaga Xukuumada Ee Aha In Dolarku Hoos Loo Dhigo  Taas Oo Hirgalisay In La Helo Isticmaalka Adeega Zaad Oo Somaliland Shilin Ah Arintaasina Waxaa Ay Noqotay Kadar Oo Dibi Dhal,

Waxaa Soo Baxaya In Lagactii Shilinka Somaliland Ay Ku Yaraatay Suuqyada Waawayn Ee Magaalooyinka Dalka Kadib Markii Ay Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom Ku Kaydisay Xarumahooda Ganacsi Taasina Ay Sabab  Tahay In Ay Kordhisay Xadiga Uu Qofku Mobile Kiisa Ku Shubankoro Oo Markii Hore Ay U Qoondaysay Ugu Badnaan150,000shl Balse Hada Qofkasta Inta Uu Doono Looga Dhigayo Taasina Ay Noqotay Caqabad Horle Oo Suuqa Iyo Goobaha Ganacsigaba uu Ku Yaraaday Isticmaalkii Shilinka Somaliland Halka Uu Sii Xoogaysatay Isticmaalka Dolarku

Waxaa Dadka Qaar Ay Ka Cabanayaan In Lagu Qaldo Nidaam Xisaabeed Marka Ay Dirayaan Shilinka Somaaliland Ama Loo Dirayo Aqoon La Aan Xaga Xisaabta Ka Haysata Oo Ganactada Hoose Ay Ka Cabayaan In Maalin Walba Dhaqaale Tiro Badani Kaga Lumo Adeega Zaadka Somaliland shilin

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa Adeega ZAAD U Muuqdaa Mid Meesha Ka Baxaya  Iyadoo Dad Fara Badan Oo Lacago Malaayiin Ah Ku Kayd San Jiray Kala Baxeen Bilihii Udanbeeyay

.12226714_896232027133508_2101645629_n

Dhanka Kale Waxaa Dhawaan Ay Shirkada Telesom Soo Bandhigtay Adeeg Dhinaca Internetka ah Kaas Oo Ay Bulshada Kagaga Dhaadhicisay Xaflado iyo Bandhig Carweedyo ay Ku Suuq gaynayso adeeg ay Ula Magac baxday 4G++, Isticmaalka Adeegan oo ay sheegeen in Xawaare wanaagsan oo dhinaca internetka ah shacabku ka helidoonaan Ma noqon sidii ay ku sheegeen, kadib dadyow farabada oo tijaabiyey adeegan waxay walaac xoogan ka muujiyeen Dhinbaatada dhaqaale ee ay soo gaadhsiisay iyo sida Magaca been abuurka ah ee 4G++ Bulshada uga dhaadhicinayaan, iyadoo dadku badi ku falanqaynayeen baraha bulshadu ku kulanto ee laga wada xidhiidho,

Hadaba Inkasta oo Shirkada Telesom Ay Wakhti Farabada Shacabka Somaliland Ahayd Dulin Ku Dul Nool islamarkaana Dhiiga Dhaqaalaha Shacabka Si Xaaraan Ah u Adeegsada, ayaa haddana waxaa mudooyinkan danbe ay bilowday Qorshayaal ay shacabka Si Dadban ugu Dhacayaan, Waxaa Ka Mid

Suuq-gayntan Casriyeysan ee Bulshadu Ku Hungowday Islamarkaana Adeeg faashil ah bulshada laga iibinayo, Qiimaha Adeegan oo Ay Ku Sheegtay in dhawrkii qof wada isticmaali karaan falaash yar oo ah 50$ dollar, ayaaney jirin habayaraatee Wax Khad ama Internet ah Oo ka aad Helaysaa, Tijaabo Rasmi ah Oo Ay Sameysay Shabakada gabileynews ayaa ay ku ogaatay in ay dhab tahay aragtidii iyo cabashadii shacabku, waxaana adeegan Beenta ah ee Bulshada Lagu Masaariifsanayaa Qayb ka yahay Dhaca Dadban Ee Tuugada Ah Sida Aan tooska ahayn (indirect) Shirkada Telesom umada Ku maalayso,

Marka ugu Horeysa ee aad soo iibsato falaashtan yar ee wirellesska ayaad labada cisho ee u horeeya moodaa inuu mar mar shaqeynayo, balse maalinta saddexaad aad ka qaadayso madax xuun iyo wakhti lumis, waxaana sida sawirka kaaga muuqata uu kuusoo qorayaa “NO SERVICE”

img_14f5d8-293e05-bdd19b-4ce9c2-a576ca-9473d44g1

Waxaana Taa barbar socota isticmaalka falaashtan oo si xawliya u cunaysa lacagta aad ku shubto iyada oo aaney gaadhinba wakhtigii ay hore u sheegeen oo ahaa in marka qofku ku shubto 50 dollar uu helayo internet 2G ah oo Xawaarihiisu aad u sareeyo islamarkaan muddo 30 cisho ah uu si toosa u helidoono,

Si Kastaba Ha Ahaatee  Talaabooyinkan Iyo Tuugadan Casriga ah ee Shacabka Dhaqaalihiisii Adeega beenta lagaga Iibinayo, ayaaney jirin ilaa hadda Cid Dhinaca Xukuumada Somaliland Ah oo Arrintaa Ka hadashay walow ay jiraan qaar kamida masuuliyiin sare oo xukuumada ka tirsan oo iyaga laftoodu ka cabanaya adeegyada shirkadani Bixiso ee tayadoodu godka Madow kusii dhacayo, hadii ay tahay dhinaca Zaad, Iyo Internetkaba.

Hadaba Falalka Noocan Aha Ayaa Haddii aaney shacabka somaliland fiiro gaara u yeelan islamarkaana aaney ka fooginaan sababi kara Dhac Dhaqaale oo Dhaxal siiya in Shacabku Farta dhex kaqaniino.

…………………………………………………………………………………………………………………………..

Lasoco Warbixin Ku Qotoma Xaqiiqada Dhabta Ah Ee Hadimooyinka Shirkada Telesom Soo Gaadhsiiso Shacabka.

Gabiley News Network

Staff Wiriters.

(436)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com