Share this:

" />
15 November 2016 | Articles

HOGAAMINTA MIYAA LAGU DHASHAA MISE WAA LA BARTAA ? QALINKII ABDIRAHMAAN H. OSMAN ( SHAAM) Q1aad

waa maxay muhiimada ay leedahay in aynu ka hadalno hogaaminta sida uu tilmaamay larry oo ahaa gudoomiyaha jaamacada Harvord
Leadership ( Hogaaminta) waa mawduuc aad muhiim ah waana mawduucyada maanta ugu akhriska badan uguna dooda badan run ahaantii waxa aad loo tilmaamaa in wadanku hogaan la’aan aanu horumar sameenayn hadaba qodobka ugu horeeya :-

1) waa maxay muhiimada ay leedahay in aynu ka hadalno hogaaminta sida uu tilmaamay larry oo ahaa gudoomiyaha jaamacada Harvord University ayaa waxa uu tilmaamay maanta wadamada caalamka waxa laysku qimeeyaa wadan kasta inta hogaamiye ee uu soo saaro tiradooda iyo tayadooda balee waxa la yidhaahdaa dhaqaalaha caalamka marka laga sheekeenayo wadanka horumarkiisa dhinaca dhaqaalaha iyo hogaamintu way isku xidhantahay hadii hogaamiye fiican helo wadanku waxaa la hubaa dhaqaalahana in la helayo, hadaba maanta
kutubta laga qoray hogaamiyaha 100,000 buug (boqol kun oo buug ) way kabadan yihiin $250,000,000,000 ( laba boqol iyo konton bilyan oo doolar ) ayaa ku baxa tababarada lagu bixiyo hogaaminta halka waxaa inooga soo baxaya aqoonta la yidhaahdo leadership( hogaaminta) inay aad u muhiimtahay waliba ayadaa dumisa dowladaha hadii hogaan fiican la heli waaayo .
2) Waa maxay Hogaamin ? Waa awooda aad ku dhaqaajinayso dadka si aad hadaf aad leedahay u gaadhsiiso .

a) Marka koowaad waa in la helaa awood oo uu dadka ku kaxaysan lahaa waxay noqon kartaa awoodaas aftahanimo , qaabka dadka loo qanciyo iyo inuu dulqaad leeyahay .

b) Waa inuu u kaxeeyaa dadka u jeedo oo uu leeyahay hadaf uu rabo dadka inuu gaadhsiiyo hadaanu lahayn hadaf umadana aanu meel u wadin hogaamiye maaha waxaa laga yaabaa inaynu is weydiino Hogaaminta miyaa lagu dhashaa mise waa la bartaa ? dadbaa waxa ay aaminsanyihiin hogaamiyuhu inuu yahay wax loo dhasho ,

Runtii fikirkaas waa fikir ay isku hayaan khubarada ku takhasusay cilmiga hogaaminta waxaa jira laba qowl waxa ay yihiin qolo waxa ay leeyihiin hogaamintu waa wax loo dhasho waxayna ku dareen hogaamintu waa sifaad qofka uu wato oo uu la soo dhalanayo markuu weynaado waxa ku soo baxaya sifaadkaa ka dibna hogaamiyuu qofkaa noqon karaa waxaa ra’yi kaa ka duwan qaba aabaha cilmiga maamulka Beter drak waxa uu leeyahay hogaaminta maaha wax loo dhasho waa wax la baran karo waana xirfado iyo sifaad qofka baran karo hadii uu tababar ku qaato oo uu ku shaqeeyo khibrad badana ku helo waxa laga yaabaa qofkaas inuu hogaamiye wanaagsan noqdo waxa la yidhaahdaa 2% oo qofka kamidaa waxa ay leeyihiin sifada hogaaminta way ku soo dhashaan sidoo kale 2% oo qofka kamidaa waxa ay leeyihiin kuma haboona hogaaminta oo maba noqon karaan hadii lagu tababaro xataa inta ka soo hadhay oo ah 96% oo qofka kamidaa way baran karaan markaa daraasadan waxay tilmaamaysaa in inta badan dadka ay baran karaan hogaaminta .

3) Waa maxay farqiga u dhaxeeya Maamule iyo Hogaamiye ( Manager & Leadership ) ?

inta badan waa laysku khaldaa culimada ku takhasusay maamulka iyo hogaaminta way kala saaraan ,

Ninka maamulaha waxa weeyaan ninka qabanaya waxa la yidhaahdo day to day activity oo ah howl maalmeedka joogtada ah qofka xafiiska ka qabanaya miisaaniyadana dejinaya ee daba galaya sidii loo isticmaalay shaqaalahana la xisaabtamaya xogtana ka soo ururinaya qofkaa waa manager ( Maamule )

Leader ( Hogaamiyaha ) waxa la yidhaahdaa waa qofka Visionka ( Hadafka ) dejinaya meesha loo socdo 5sana ka bacdi ,10sano ka bacdi barta loo socdo marka uu dejiyana shaqaalihii ayuu u jiheenayaa in halkaa la gaadho wuxuuna u isticmaalayaa Motivation ( Dhiiro galin ) si hadafkaa loo gaaro .

Tusaale : Wasiirku waxa uu u taaganyahay waa leader ( Hogaamiye ) , DG Wasaarada maamulaana waa Manager ( Maamule ) waxa uuna qabtaa shaqada maalin laha ah shaqadii ayuu isku hagaajiyaa wuuna kormeerayaa sida ay u socoto laakiin wasiirku tiisu way ka duwantahay oo waa policy Maker siyaasadii buu dejiyaa iyo Strategic Plan qorshaha guud iyo halka loo socdo .

Hadaba hogaamiyuhu waxa uu qabtaa waa lix shay :-

a) Strategic Plan (Qorshaynta) waa qorshaynta guud halka loo socdo hadaba markaa qodobka macnaheedu maaha inuu asaga qorayo qorshihii dad khubaraa qoraya laakiin asaga ra’yigiisu ama fikirkiisu ayuu dhexgelinayaa oo ma odhanayo cid baan u xilsaaray oo soo qoraysa .

b) Keenida hindisaad cusub waa inuu ka fikiraa sid uu u balaarin lahaa wasaarada oo uu meela badan ugu xidhi lahaa oo uu noqdo mid wax cusub ku soo kordhin kara wasaarada .

c) Public relations ( Xidhiidho cusub sameeyo ) waa inuu xidhiidho waaweyn ku soo kale waa inuu wanaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya shaqaalihiisa iyo asaga .

d) Xalinta mashaakilka waa weyn ee adag oo ay shaqaalihiisa ka hooseeya xalin kari waayeen maaha mushkilad kasta inuu xaliyo waxa yare e shaqaluhu xalin karaan in asaga u keenaan maaha sababto ah wakhti badan oo loo baahnaa inuu meela kale ku bixiyo ayey ka xanibaysaa.

e) kor u qaadida aqoontiisa iyo ta shaqaalaha maana inuu hogaamiyuhu halkiisii taagnaado oo waa inuu mar ka hore isaga is horumariyaa meeshan uu ka shaqeenayo aqoonta ay u baahantahay waa inuu kasbadaa oo macluumaadka cusub ee u ku soo kordhay waa inuu haystaa ,sidoo kalana shaqaalihiisu waa

inuu kor u qaadaa oo uu aqoon cusub u keenaa tababarana u furaa dibadahana u diraa .

4) Dhiiro galinta shaqaalaha : waa in la abaal mariyaa shaqaalaha loomana baahna in abaal marinta shaqaalaha cid kale uu u ikmado isaga waa inuu sameeyo marka qiimaynta saxda ah la sameeyo inuu sharfo qofkii shaqaalaha ee mutaystay sidoo kale go’aamada aad qaadanayso waa inaad la wadaagtaa oo kaligaa ha qaadan sababtoo ah waxa uu dareemayaa qofkasta oo shaqaalaa inuu qayb ka ahaa go’aamada laakiin hadaad kaligaa ga’aan qaadato waxa uu u arkayaa wax dusha laga keenay .

 

QALINKII W/Q ABDIRAHMAAN H. OSMAN ( SHAAM)QAYBTII 1AAD

 

(2020)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com