Share this:

" />
22 September 2016 | Articles / Community

Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)

 

dsc_0169

 

Suxufi Maxamed Baashe X. Xasan oo ku hadlayey afka Dallada SSE ayaa si qoto dheer oo far-shaxannimo leh uga warramay noocyada horumar ee kala duwan ee ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo dalka ka hirgelisay muddadaa uu hayey hoggaanka iyo talada dalka. Mudane M. Baashe horumarka uu soo qaatay ee Xukuumaddan ku suntan waxa ka mid ahaa:

1. Kordhinta Mushaharka Shaqaalaha Dawladda (100%),
2. Kobcinta Miisaaniyadda Qaranka (Lix-Jeer laab),
3. Bixinta Darajada Ciidamada Qaranka,
4. Hirgelinta Waxbarashada Bilaashka ah,
5. Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarrada Dalka,
6. Samaynta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),
7. Dhismaha iyo dayac-tirka Xarumaha Haya’adaha Qaranka,
8. Lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga,
9. Dhiirri-gelinta Maal-gashiga iyo Aaminaada Beesha Caalamka (sida, SBI iyo DP World),
10. Suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda,
11. Dhallinyarada siisay fursadaha ay kaga qaybgaleen maamulka dalka,

13.Madaxweynuhu wuxuu Xubnaha ka socday Dallada SSE ee booqashada ugu yimid uu uga mahad naqay dedaalka ay ugu jiraan sidii uu dalkeenu uga mid noqon lahaa beesha caalamka, sidoo kale wuxuu uga mahad naqay maalgashiga iyo taageerada dhaqaale ee ay Qurbe-joogu ku bixiyaan xagga horumarka dalka. Gebagabadii kulanka, Xubnihii ka socday Dallada SSE waxay Madaxweynaha guddoonsiiyeen Shahaado Sharaf ay Dalladda SSE ku maamuustay Madaxweynaha taasoo uu ku mutaystay dedaalka, dal-jacaylka iyo kartida uu Madaxweynuhu la yimid iyo hannaanka uu dalka JSL u gaadhsiisay horumar aan la qarin karin. Guddoomiye Cabdiraxman Yasiin ayaa isagoo ka wakiil ah Dallada SSE wuxuu Madaxweynaha guddoonsiiyey Shahaado Sharaftii ay ugu talo galeen.

(43)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com