Share this:

" />
27 August 2016 | Articles

Ma Dhab-baa in Ninkii Dhacay Baanka dhexe ee Somaliya oo ka soo jeeddo Somaliland

Hargeysa(GNN) Warar ay baahiyeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Waddanka aynu jaarka nahay ee Somaliya ayaa Sheegay in Ninkii Dhacay Baanka Dhexe ee Somaliya isla markana kala baxay lacag qadarkeeda lagu sheegaya 5,30,000 oo Doollarka Mareykanka ah uu ka soo jeeddo Somaliland, gaar ahaana Magaalada Hargeysa oo ay sheegen in uu ku dhashay, ninkan oo magiiicsa si ramsi ah aanay dawldaasi u soo bandhigin basle warbaahintu waxya sheegtay in ninkaasi muddo ka shaqeynayey Baanka dhexe.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliya Dr. Bashiir Ciise Cali ayaa Todobaadkii hore sheegay in  Bangiga Dhexe laga xaday lacag dhan 5,30,000 oo Doollarka Mareykanka ah. Dr. Bashiir ayaa intaa ku daray inuu falkaas ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bangiga dhexe ee Soomaaliya, kaasoo muddo bil ah soo dhigayay lacago been abuur ah, Dabeedna kala baxayay middii rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raad-jooga,

(92)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com