Share this:

" />
15 August 2016 | Articles

Ma-gayaankay baan helay?

Saalax waxa uu ka mid ahaa raga soomaaliyeed ee ku dhashay kuna barbaary miyiga. Waxana uu ahaa nin geel jire ah aadna iskula qabwayn,dadka magaalada kudhaqana aan u arag dad qiimo badan leh,inuu magaalo tagana xiiso umuu qabin manuu waraysan jirin nolosha magaalada,waxaase mgaalada ku noolaa walaalkii oo la sookoray dad ay ehel yihiin si uu waxbarasho diini  iyo maadiba leh u helo,Saalax walaalki oo layidhaahdo Jaamac markii uu waxbarashidii dhmeeyay mudona shaqaynaayay ayuu ninkii saalax fariin u diray inuu magaalada yimaad hase yeeshee Saalax arinkaa waaka  diiday mudo kadib. Jaamac dawladihii wadanka soo maray midka mida ayuu wasiir ka noqday markale ayuu Saalax fariin u diray inuu magaalada ugu yimaad taana Saalax waa ka diiday,markaa ayuu Jaamac gaadhi kaxaystay uguna tagay halkii uu Saalax joogay soona qaaday. Saalax isagoo ubalan qaaday haddii ay magaaladu cajabin waydo inuu isagu dib usoo celin doono.ninkii Saalax noloshii magaalada ayuu dhinaciisa ka galay isagoo markiiba bartay sida af soomaaliga loo qoro loona akhriyo mudo kadib shaqo ayaa lageeyay waanu la qabsaday,maalin maalmaha ka mida ayuu walaalkii asagoo lasocda waxa uu tagay guri walaalkii laga casuumay oo ninkaloo dawlada ka tirsani degan yahay, halkaasoo idhihiisu qabteen gabadh xaafada joogatay oo ka soo xagaa baxday wadanka JDibouti.

Ilayn waa doob iyo caadadiise gabadhii aya maskaxdiisa ku soo noq noqotay kana bixi wayday arinkii ayuu walaalkii u sheegay walaalkiina wax uu ku yidhi waan inoo waraysi tagayaa haddii ay madax banana tahayna waynu waydiisanaynaa reerka,sidii caadada ahydna markii ay ogaadeen inay gabadhii madax banantahay ayaa loo doonay ninkii Saalax waana lasiiyay mudo kadibna Saalax waa guri galay oo nin reer leh ayuu noqday.hase yeeshee inanta uu  guursaday oo aan iyaduna waligeed miyi iyo sheekadiiba aan maqal ayaa labadoodii midba kii kale noloshiisii layaabay inantii waxay layabtay ninkan reermagaalka u eeg ee hadana noloshii magaalada waxbadan aan ka garanayn,Saalaxna waxaabu dhibsaday inantan nolosheedii oo uu waxbadan u bogi waayay mudo kadib ayuu walaalkii u sheegay inuu inantii iska soo taagay oo uu inuu furo diyar uyahay.

Saalax walaalkii arinkaa aad ayuu uga xumaaday waxaanu walaalkii ku yidhi waar hana ceebayn Inanta shalay aynu guursanay maantan furimaynee maxaase dhib ah ee ay inantu kugu samaysay, Saalax waa nin kani adag islana toosan waxaanu walaalkii iyo ninkale oo ay qaraabo yihiin u sheegay inaanu gabadhan la sii noolaan karayn sadex sababood awgood.waata koobaade waxa uu yidhi inantani tan iyo maalintii aanu guri galay kadib waxay iigu yeedhaa magic aan lay odhan oo la yidhaa Cherie.inbadan ayaanan u sheegay inan aniga magacaa lay odhan sida aan filaayana Cherie waa kalmad faransiis ah oo macnihiisu tahay qaali Saalaxse magac ayuu u qaatay.ta labaadna markaan guriga soo galo dhabanka ayay iga dhunkataa sidii oo aan kitaab quraana ahay maxay ii Dhunkanaysaa aniga kutubtaa la dhunkadaaye.ta sadexaadna markay cuntada ii soo dhigto way

Ila boobtaa,yacnihii way ila cuntaa oo waxay isugi wayday intaan dhamaysanaayo miyay isugto anigaa hambo ninwayn u reebi lahaaye!!!!cabashadaa Saalax oo umuuqata labada nololood oo aad ukala duwan inantii oo is lahayd ninkaaga raali gali iyo isagii oo qalad ka fahmay ayaa ay tahay inantii miyay heshay gayaankeed?

Qalinkii:Rashka Xaaji.

Rashidrwy@gmail.com

(21)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com