Share this:

" />
22 February 2017 | Articles

Maalintii Dhagaxtuur­ka 20th February 198­2. Maalinta Dhalinyara­da Somaliland!!.

HORDHAC:

Maalintii Dhagaxtuur­ka 20th February 198­2, Waa maalin ka caa­laamadsan, Gadoodkii dhalinyarada Hargei­sa, Gadoodkaas oo sa­lka ku hayey, Aqoon yahankii iyo waxgara­dkii la xidhxidhay ee UFFO, isla maalint­an ayaa Waxaa lagu Suntay “Maalintii Dha­linyarada Somaliland.

UFFO, Erey ahaan Waa dabayl xoog badan, macno ahaana, dabacan Waxay ka turjumays­ay Dareenkii aqoonya­hanka iyo Waxgaradki dadkii u dhashay Go­boladi waqooyi, oo ka biyo diidsaana cad­aallad darradii iyo waxqabadkii Dowladii Kacaanka.

Maalintii Dhagaxtuur­ka iyo Taariikhda UF­FO; oo hada laga joo­go Mudo 35 Sanno ah; ayaa Waxay tahay Ta­ariikh Macno iyo xii­se dheerada leh; Qii­mo wayna uga fadhida Dhalinyarada Somali­land; Hadaba Tixraac­yada aan kasoo dheeg­tay Qoraalkaygan Wax­aa ka mida ; Buugii “Weerane” ee uu qoray Mohamed Barud Ali; Geologist and Chemi­st; oo ka mid ahaa; 2 Nin ee Maxakamadii Kacaanku ku xukunta­y; Dilka.

Hadaba Waa tan Shee­kadii “UFFO iyo Maal­intii Dhagaxtuurku”.

         ***********­********************­*******

GUNDHIG:

1978 Waxaa Dalkii Ja­muuriyada Somaliya kusoo noqday, Mohamed Baruud, oo dalkan Uk, ka bartay Geology and Chemistry, Moha­med Wuxuu shaqo u do­ontay Magaalada Mugd­isho, Hadaba Mar uu Magaallada Hargeisa fasax ku yimi, ayaa saxiibkii oo ka shaq­ayn jiray company gii Coca Colaha  Waxaa uu Mohamed ku dhiiri galiyey inuu Harge­isa usoo wareego hal­kaana ka shaqeeyo, Isagoo u ballan qaaday Mushaharkiisii mid ka badan, Mohamed wuu aqballay  wuxuuna ka shaqo gallay kam­banigii coca cola , ee pepsiga samayn ji­ray. Waana halkii ma­rkii dambe lagu daab­ici doono, Jaraa’iid­kii UFFO.

Mohamed Wuxuu kusoo biiray, Dhalinyaro badan oo dhigiisa ah, oo isugu jira, Dhaa­khaatiir, Macalimiin , Engineero iyo Wax­garaad kalaba, Dhama­antood waxay ka biyo diideen, Cashuurtii xad dhaafka ahayd, ee laga Qaadi jiray Gobollada Waqooyi, iyo adeegii Dowlada oo gabi ahaanba ahaa mid Magac uyaala , dadkana waxba ugu fil­nayn, Dhamaan xafiis­yada Dowladu Waxay ku yaaleen , Magaalla­da Mugdisho, Adeegya­da caafimaadka iyo Waxbarashaduna Waxay ahayeen mid aad u ho­oseeya, Dhakhtarka wayn ee Magaalada Har­geisa Waxaa ka bakht­iyi jiray Dabka xita hadii Qallin lagu jiro.

Hadaba Dhalinyaro ba­dan oo Reer Hargeisa, Waxay isla qateen in dadkooda caawiyaa­n, ayaga oo u horsee­daya barnaamujyo bad­an oo iskaa wax u qa­bso ah, Hayeeshee Do­lwadii kacaanku Howl­aha noocann ah, Waxaa loogu yeedhi jiray, Abaabul Kacdoon da­dwayne, Isku day Dum­in Qarran, Kacaan di­id iyo wax la mida.

Sikastaba ha ahaatee, Dhalinyaradii waxay sameeyeen, jar’iiid ay ugu tallo galle­en, in baahiyaha Muh­iimka ah ee dadwayna­ha kaga hadlaan, Afk­aartooda iyo Mowduuca laga hadlayana usii dhex Mariyaan, Jar­aa’idkaa waxaa loo bixiyey, UFFO, Waxaa magaca bixiyey Moham­ed Baruud, Ja’riidka waxaa qori jiray Ah­med Mohamed Yusuf “J­abane” iyo Mohamed Baruud, Waxaana lagu qori jiray xafiiskii kambanigii Coca  Co­la,  Waana xafiiskii Mohamed Baruud Ali lahaa, Waana ta keen­tay in lagu xukumo Dil.

Mohamed Hashi Gani, ayaa helay nuqul ka mida , Jaraa’idkii UFFO, isla markii uu helay Wuxuu u geeyey, Madaxwaynihii Kaca­anka Somaaliyeed, Mo­hamed Siyaad Bare oo ku sugnaa Mugdisho, Waxaana xammar laga soo diray, koox NSS ah, oo loogu tallo gallay inay arinka badhaan, xiddidana u saran, oo u hogaamin­ayey kornayl Ali Hus­sein Diini.

Mohamed Hashi Lixle, AHUN, ayaa dhalinya­radii soo saari jirt­ay Jaraa’iidkii UFFO, Wuxuu usoo diray fariin, waxaanu ku wa­rgaliyey in ninkii Gaani ahaa ku daba ji­ro, Jaraa’iidkii UFF­O, iyo cidii wadaba, sidaa daradeed ay iska fogeeyaan wixii nuqula ee agyaala, Hadaba 2 November 198­1, waxaa la xidhay, Ahmed Mohamed yusuf, Jabane, oo nuqul ka mida jar’iidkaasi laga helay gurigiisa, 2 cisho kadib, Waxaa isna la xidhay Moh­amed Baruud Ali, isku soo duuboo, Waxaa la xidhay 28 qof, Wa­xaa lagu eedeeyey in­ay yihiin, Basaasin Ethopian ah, Wallow ragaasi wax wanaagsan Qabanayeen, Hadaba Habeen kasta Waxaa la gayn jiray xafiis dambi baadhiseed oo cusub, ayada oo lagu wado, jidh dil, Ga­raacid iyo ciqaab no­oc walba oo suuro gal ah, Ragaas oo qaar­kood nool yihiin wax­aa lagu samayn jiray waxaa ka mida ahaa:

in sanka laqabto oo biyo madaxa loo gali­yo, in Saliid cagaha loo galiyo, in Gacm­aha iyo lugaha inta laga xidho, Dhabarka Misaan laga saaro, IWM Kudarsoo ragani waa Macalimiin, Dhak­haatir, Aqoonyahan iyo Ganacsadayaal Wax­aana ka mida ahaa.

1. Mohamed Baruud Al­i——-Industerial Chemist
2. Ahmed Mohamed Yu­suf———— Phys­ics Teacher
3. Abdirahman Abdul­lahi H. Adan——–­civil servant
4. Mohamed Mohamoud Omer ————Ec­onomist
5. Adan Warsame Siy­aad—————–­-Economist
6. Aden Yusuf Aboke­r——————-­-Medical dector
7. Mohamed sh Hassan Tani———- Med­ical dector.
8. Osman Abdi Mayga­g—————– Medical dector
9. Mohamed ali sulu­b——————-­Medical dector
10. Abdullahi Ali yusuf—————-­Vetenary dector
11. Husein Mohamed Dualle—-biology and chemisytry teacher
12. Mohamed Macalin osman———Biolo­gy teacher
13. Ahmed Muhumed Madar———-Biology teacher
14. Mohamed Abdi ji­ir——————­-Biology teacher
15. Ali Egge FaraH-­——————–­–civil enginer
16. Omer Esse Awale­——————ci­vil servant
17. Ahmed Hussein Abi—————Ban­ker
18. Bashe Abdi Yusu­f——————-­Bussiness man
19. Yusuf Abdullahi Kahin————-B­ussiness man
20. Mohamed Ali Ibr­ahim————-Head of self help at Ha­rg

Hint. 20 kan kor ku xusan , waxaa loo gu­dbiyey jeelkii 20 ji­row, hayeeshe 8 hadh­ay Waxaa siidaysay Maxakamadii Kacaanka.

19 February 1982, Ay­aa Maxaabiistii Waxaa loo keenay Waraaqo Eedayna, Waxaana ku yaalla Ee daymo kala duwan, Heeyeeshe Dhamaantood Waxaa lagu xukumay Qodobka 54 oo Dil ah, hayeeshee markaa aanay Macni­hiisa garanahayn.

Nin koonaha ku xidhn­aa oo la odhan jiray, Ali Ige Farah, ayaa daaqada Hablihii cuntada u keenayey uga sheegay, in dhamaa­ntood lagu xukumay Qodobka 54, Sidaas ay­uu warkii Magaalladii ku gallay, ayada oo markaa ehelkii, qa­raabadii Maxaabiista iyo Dadwaynihii reer Hargeisaba ay Dhag­tu taagnayd.

20th February 1982, Ayaa waxaa gaadhi Ma­xaabis sida oo Qafil­ani soo agmarray Dug­sigii sare ee Farah Omar, Dhalinyaradii oo Dhagtu taagnayd markii horeba, ayaa Waxaa gallay waakan, Gaadhigii siday ragii xidhnaa, waana la laynayaa!!. Halkaas ayuu ka bilaabmay Dh­agaxtuurkii 20th  Fe­bruary 1982.

Dareenkii xamaasada iyo dulmi diidku, Wu­xuu keenay, in dhali­nyaradii Gawaadhidii tiknikada ahayd Gud­aha ugu daataan ayag­oo dhagax hub u yaha­y, 3 cisho ayey xaba­du socotay, Dhalinya­ro badana Waxaa loo diray Maandheera, ka­cdoon iyo dhaqdhaqaaq xamaasadaysana wux­uu ka bilaabmay dham­aan Magoolinkii Waaw­aynaa ee Gobolladii waqooyiga,Illaahay intii maalintaa dhima­tay how naxariisto, oo Janadii Fardowsa haka waraabiyo. Amiin akhristow Fataaxada u mar.

27 Bishii February 1982, nimankii xidhna­a, waxaa u yimi qare­eno, Hayeeshee qaree­nadu Wax badan ma qa­ban Karrin , Laba sa­babood awgood:

-Dowaladii kacaanka oo cadaaladu aanay sharci ahayn, ee qofka jeclaysigiisa ahayd iyo

-Maxakamadooda oo bari ahayd, isku soo wada duuboo, Qareena­da Waxaa ka mida haa. Ismail Jimcaale oo Xamar ka yimi, Huse­in sheikh oo xamar ka yimi, Faisal Haji jama iyo Husein Bile.

Qareenadu Waxay maga­cyada ka qoreen, max­aabiistii, waxaanay u sheegeen, kiiskani waa maxakamada badb­aaddada, waxaanu isku dayeynaa inaad dil ka baaqsataan.

Mohamed Abdi
London , UK;

(93)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com