Share this:

" />
30 August 2016 | News

Maamulka Gobalka Togdheer Oo Shahado Sharaf ku Maamusay Shirkadda isgadhsiinta Telesom Burco

Burco (WNN) Maamulka Gobalka Togdher Oo Kaashanaya Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Ee Gobalka Togdheer ayaa shahado Sharafeed ku Maamusay Shirkadda isgaadhsiinta Telesom Burco ka dib markii ay shirkaasi Door Muhiim ah ka Qaadatay Qadhaan Uruurinta Xafladii lagu maamusayay laguna dhiiri-galinayay ardaydii kaalmaha hore u gashay imtaxanka shahadiga ahaa ee Gobalka Togdheer,

2Maamulka Gobalka Togdheer Oo Shahado SharaXaflada Lagu Dhiiri-Galinayay isla markaasna lagu abaal-marinayay ardaydaasi oo ka qabsoontay xaruunta Madaxtoyada burco ayaa waxa ka soo qayb-galay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye,Maamulka Gobalka Togdheer.ka Degmada Burco,Saladiin,Cuqaal,Maamulka Shirkadda Telesom iyo Marti-Sharaf Kale Duwan.
Shahaado Sharafedani Lagu Maamusay Shirkadda isgaadhsiinta Telesom Burco ayaa ahayd mid Lagu Abaal-Marinayay Kaalin laxaadle oo ay shirkadani Telesom kaga qayb-qadatay qabsoomida Munasibadani haday noqoto Dhaqaale,Tageero iyo inay isbarbar taagto ardayda kaalmaha hore ka galay imtaxaanka shahadiga ah,
Shahado Sharafedani la Gudonsiyay Telesom Oo uu u Gudomay Mustafe Yuusuf Khalaf Oo ka mid ah Sarakiisha Shirkada Telesom Gaar ahaana qaybta Xidhiidhka Dadwaynaha ee gobalka togdheer,
Ugu Danbayntii Shirkadda isgadhsiinta Telesom Burco ayaa iyadu ah shirkad inta badan door muhiim ka qaadata dhiiri-galinta horumar kasta oo ku soo biira gobalka togdheer.

Salaanmedia/Burco1

 

(27)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com