Share this:

" />
18 August 2016 | News

Madaxwaynaha Somaliland Oo Safar ugu Baxay Gobolada Bariga.

Hargaysa(WJL)Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Ayaa Safar Saaka ugu Baxay Gobolada Bariga siiba Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Waftigan Madaxwaynaha ayaa waxa ay ku nasan doonaan Magaalada burco iyaga oo kulamo layeelan doona Salaadiin Iyo Aqoon yahanka gobolka togdheer oo wali tabasho ka qaba Saamiga ay Xukuumada ku lahaayeen.

Madaxwayaha Somaliland ayaa ujeedka uu laas-caanood u tagayo lagu sheegay inuu soo farayo wajiga 1aad ee diwaan galinta Codbixiyayaasha oo ka bilaab maysa gobolka sool,waxaana lasheegayaa inuu kulamo kalena la yeelan doono odayaasha Iyo duubabka dhaqanka ee deegaankaasi.

Safarkan uu 
Madaxwaynahu ugu Baxay Gobolka Sool ayaa waxa kasii horaysay 8 masuul oo ka soo jeeda beesha degta deegaankaasi oo uu u dhiibay wasiiro miisaan culus, taas oo lagu doonayo in ay soo xera galiyaan hogaamiyaha Dibad jooga ah ee cali khaliif galydh oo wada hadal shuruudaysan Somaliland la furay oo marna aan lagu taabanayn madax banaani uu sheegay inuu madax banana tahay  maamulkiisa khaatumo.

Lama Garanayo inuu Madaxwayne Siilaanyo Safarkiisa kusii dari doono beesha degta gobolka saaxil oo tabashooyin badan tirsanaysay,waxaana laga dhul sugi doonaa inuu madaxwayne safarkiisani sii mara magaalada berbera.

 

 

(2)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com