Share this:

" />
06 October 2016 | News

Magacyada Wasiiradii Ugu Tirada Badnaa Abid Oo Waftiga Madaxwayne Siilaanyo Raacay Iyo ….

Inkaste oo markii hore koox wasiiro ah ka raaceen madaarka magaalada hargeysa ,hadana waxa laba cisho ka dib ka daba baxay koox kale oo wasiiro ah kuwaasi oo dhamaantood waftiga madaxwaynaha u raacay qaarada yurub oo uu ilaa hadda ku maqan yahay.

Waa wasiiradii ugu tirada badnaa intii ay somaliland jirtay ee madaxwayne raaca isla markaana si badheedh ah u dayaca masuuliyadii qaranka u hayeen.

Waxa gabi ahaanba si wayn looga dareemayaa maqnaanshaha wasiiradani xafiisyadoodii oo haawanaya,waxaanay arintaasi muujinaysaa la xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo dalka ka taagan oo sababtay in marqudha wasiiro tiro intaasi leeg dalka ka baxaan oo ay u shaxaad tagaan qurbaha ,iyaga oo uuna la socdo madaxwaynihii dalka Somaliland ee ay ahayd inuu la xisaabtamo wasiiradani daba socda.

Tirade iyo magacyada raacay waftigan madaxwaynaha ayaa waxay kala yihiin

  • Wasiirka xanaanada xoolaha Cabdilaahi Daahi Cukuse
  • Wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire
  • Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi
  • Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye
  • Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Xuseen Ismaaciil “Shoombe”
  • Wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac
  • Wasiirka Xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil
  • Wasiirka duulista iyo hawada Farxaan Aadan Haybe

Waxa sidoo kale isna la sheegay inuu xafiiskiisa ka maqan yahay balse aan raacin waftigan Wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Habbane “Dheere” oo isaga la sheegay inuu xafiiska uga maqan yahay hawlo u gaar ah

Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa maalinba maalinta ka danbaysay cagaha lasii galaysa ceebo iyo fadeexado maamul xumo .

(109)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com