Share this:

" />
05 September 2016 | News

Maxkamadda Hargeysa Oo Xukuno Riday Afar Wiil Oo Dhalinyaro Ah iyo Danbiga Lagu Helay ….

Dacwadda eedaysanayaasha ayaa muddo saddex bilood ah ka socotay maxkamadda degmada hargeysa,iyada oona gabagabdiina lasoo afjaray isla markaana lagu riday xukunadii ay mutaysteen.

Waxaana la sheegay in afartan nin ay deegaanka Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex ay ka gaysteen gubidda dhir ay tiradoodu dhamayd 37 geed oo iskugu jiray geedadka la yidha Qudhac,Bilcin iyo Galool.

Gabagabadiina kiiskaasi maxkmadda degmada hargeysa ayaa wasaaradda deegaanka iyo xeer ilaalinta guud ee qaranku ay isku raaceen in dacwadaasi lagu soo xidho goobtii uu falkaasi ka dhacay oo ahayd deegaanka Sabo-wanaag ee gobolka maroodi-jeex taasi oo ujeedadeedu ahayd si ay cashar ugu noqoto cid kaste oo ku hawlan xaalufinta iyo goynta dhirta qoyan.

Waxaana markii ay gaadheen deegaanka wasaaradda deegaaanka,xeer ilaalinta iyo maxkamadda degmadu waxay indhahooda kusoo arkeen baaxada ay leegtay khasaarahu iyo xaalufinta iyo dhirta iyo deegaankaba u gaysteen.

Intaasi ka dib gudoomiyaha maxkamadda degmada hargeysa Garyaqaan Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu gaadhay iyaga oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiin ka socday wasaaradda deegaanka,gudoomiyaha degmada sabo-wanaag,ku xigeenka xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo xubno kamida odayaasha deegaankaasi.

Garyaqaan Cabdirashiid Beer-geel oo go’aankaasi ku dhaawaaqayna waxa uu yidhi.

“Xukunka maxkamadda degmada hargeysi ku riday danbiilayaal Maxamed Kayse Cuma ,Ina Haweeya Axmed da;diisuna tahay 19 jir ,Ibraahin yuusuf Xuseen, na Shuun Yuusuf Da’diiisu tahay 20 jir,Xamse Cismaan Ibraahin, Ina Safiya Diiriye da’diisu tahay 20 jir iyo Jamaal Cawil Faarax ina Saynab Jaamac oo da;diisu tahay 20 jir,kuwaasi oo si wada jira ugu gefay xeerka ilaalinta kaymaha iyo duurjoogta ee xeer Lambar  69 April 2016 qodobadiisa 28-aad xubinta 1-aad iyo 2-aad iyo qodobka 15-aad ee isla xeerkan faqradiisa 1-aad xubinta 13-aad) waxa lagu xukumay midkiiba 3 sanno oo xadhiga iyo ganaax lacageed oo dhan 3 milyan oo somaliland shilling ah oo wada socda,maadaama oo ay qirteen danbigaasi”

“Waxa kale oo ay maxkamaddu ku amraysaa inay beeran 37 geed ee ay gubeen badalkoodii oo iskugu jira 32 geed oo qudhac ah 4 geed oo bilcin ah iyo 1 geed oo galool ah ,marka ay ciqaabta dhamaystaan ,xadhigooduna waxa uu uga bilaabmayaa maalinta lasoo xidhay oo ay bishu ahayd 28-June-2016 “sidas ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda hargeysa.

 

(28)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com