Share this:

" />
10 September 2016 | Articles

“Nin Qori Leh Ayaa Qarankan Laga Xoreeyey, Nin Qalin Haysta oo Budhcad Noqday Looma Dul-qaadan Karo”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay wax-ka-qabashada warhaanita baahiya wararka ka li’diga u ah Amaanka qaranka iyo sumcadda Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan wariye kasta oo warar ku lidi ah amaanka qaranka faafiya, isla markaana baahiya borobagaado ka dhan ah jiritaanka qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa geesta kalena hambalyo u diray inta badan saxaafadda madax banaan oo uu sheegay inay yihiin muwaadiniin dalkooda wax badan u huray, waxaanu xusay inay jiraan inyar oo saxaafadda u fahantahay mihnad lagu qadhaabsado oo dadka lagu baadho, isaguna aragta inaan sharcigu qaban karin.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena sheegay ina Somaliland laga xoreyey rag qoriga dadka ku baahdan jiray sidoo kalena ay ka xorayn doonaan budhcad qalimeed dadka qalinka ku baadhata oo saxaafadda ku hoos dhuumata.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahan kaga hadlay Xaflan habeen hore lagu qabtay magaalada hargeysa oo loogu dabaal dagayey hesiiska maalgalinta Dekadda Berbera, waxaanu yidhi “Waan ku hambaleynayaa warbaahinta madax banaan ee Somaliland doorkii ay ka qaadatay heshiiskan inteeda cafimaadka qabta, waanu ku hambalyeynayaa hal doorka qaranka waxgaradkiisa iyo dhalinyarradii sida wanaagsan u fikirtay, nasiib darro qeybo ka mida warbaahinteenu iyadoo dunida sidaa innoo amaanayso oo magaceennii iibinayso ayey been iyo hadalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan saddexaad ayaa saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo iyo golaha wasiirradu kaligood kama laha ummada oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku, maalinba cid baa madax ka ah masuuliyadiisana ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haddii uu ku saleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu maxaafsado, ama lagu qadhaabsado.”

“Saxaafaddu waa mihnad ummada u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshadda muujisa, wacyi-galisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay raga noocaa u fikiraya waanu u caqli celinayaa waanu waaninaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay sida ay ugu go’an tahay ina sharciga la tiigsado dadka wax ka qora Amaanka Qaranka iyo sumcada dawladnimada waxaanu yidhi “Nabadgelyada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samayna waanu u caqli celinayaa haddii ay ka waantoobi waayaaana waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waabase nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dul qaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”

Wasiirka Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu intaasi ku daray inay Xukuumad ahaan dul u leeyihiin dhaliisha waxaanu yidhi “Dul baanu u leenahay dhaliisha, ka guban mayno cayda, madaxweynaha qaranka u sareeya ayaa maalin walba la caayaa, oo xushmad leh oo haybadii qaranka xambaarsan, waxa la caayaa marwadiisa, waxa la caayaa masuuliyiinta wasiirrada ah, maalin walba waa nala caayaa, dul baanu u leenahay dhaliisha iyo toosinta, intaba waanu ogol nahay hasayeeshee in qaranka la magac dilo, la maamuus tiro aqbali mayno, Warbaahinta madax banaani xor uma aha tigidh (free) ahna uma haysato in qofku ciddiiuu doono caayo, in cidduu doono nashuushadeeyo, qarankan haybad dilo, wuxuu u madax banaan yahay inaan la cabudhin inuu war xaqiiqo ah soo bandhigo, inuu warar dhab ah soo saaro, maxkamada ayaanu la tiigsanaynaa sifo sharci ah ayaanu wax ugu qabanaynaa.”

GNN

(28)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com