Share this:

" />
11 November 2016 | Articles

QABIILKA IYO XISBIYADA SOOMAALILAND.Qalinkii:Kayd Maxamed Cabdalla

Soomaaliland sida aan wada ognahay wax jira saddex xisbi oo la kala taageero, in badan waxa aan maqlaa dadka oo kala sheeganaya xisbiyada oo iska taagaya dhinaca qabiilka. Maxaa ka jira arrintan ah in xisbi kasta uu leeyahay ninkii aasaasay iyo reerkoodu marka uu ku shaqaystana uu reer kale siin karo amma baabi’in karo xisbigaas. Su’aashu waxa weeye, maxaa isku qooshay qabiil iyo xusbiyadii ka jiray Somaliland? Xusbiyada oo la kala raacsan yahay, dad badan ayaa ku wareeray sheekadan maalin kasta taagan ee ah hebel baa xisbi ka baxay, heblaayaa soo gashay, reer hebel baa taageeray reerna waa cadhooday iyo maxkamad baa laysla galay musharaxa yaa laga dhigaa. Dadweynaha amma siyaasiyiinta qaarkood ee xisbiyadaas ku jira haddii aad weydiiso ujeedooyinka (platform) xisbigaasi uu kaga duwan yahay kuwa kale jawaab ku qancisa kama helaysid oo intooda badani garan maayaan sababta oo ah qaar baa ula socda musharaxa madaxweynaha amma ku xigeenkiisa oo ay isku reer yahiin. Waxa intaas dheer, dadkii oo wada siyaasi noqday oo qof waliba sheegtay mas’uul haddii ay yihiin qurba joog iyo haddii ay dalkiiba joogaan sida, Afhayeen beesha reer Qudhac, Boqorka Qurba joogta Reer Hebel, Suldaanka Dhallinyarada Qurbajoogta, Maamulaha Reer Hebel, Danjiraha Beesha iyo qaar la mid ah. Waxa ayana jaahwareer ku riday dadkii madax dhaqameedkii oo garab cararaya siyaasiyiintii ayaga oo si fiican u garaacaya durbaanka qabyaaladda ee joogsan la’. Waxa jira, siyaasi ku sheeg hankiisu yahay in meel loo dhiibo asaga oo laba magac wata kuwaas oo kala ah magaca reerkooda iyo magaca hadba xisbiga uu ku jiro kaas oo sidii bahalka la yidhaa Odaygeelii Ba’ay hadba xisbi ku biira ina xasuusiyey odhaadii ahayd DIIN GOD GEL GOD GORAY GEL, GORAY GOD GEL GOD DIIN GEL. Halkii xisbi waliba ujeedooyinkiisa dadweynaha uu gaadhsiin lahaa si uu guusha uga helo xisbiyada kale, ayaad arkaysaa guddoomiyahii xisbigaas oo reer la shiraya asaga oo leh ii codeeya taasina waxay markhaati ka tahay in aanay shacabka iyo siyaasiyiintu weli ka bislaan qabyaalad iyo reer reer oo aanay isgeyin DAWLADNIMADA. Waxa aan aad ula yaabaa marka aan maqlo dad ku hadlaya magac reer oo yidhaa haddii aannu nahay reer hebel xisbi hebel ayaannu taageernay amma hisbi hebel ayaannu ka baxanay maalinta ku xigtana mid kale oo adduunka dabadiisa joogaa yidhaa ciddii hadashay nama metelaan. In yar oo xasuus ah gabayadaydii aan hore u dhi:

* Adduunyada xuduuddaa ku yaal xeerka qarameede

Xaydaanka qolo ruuxa gala maba xisaabshaane

Xigto waa kuwaad wada degtaan xaafaddaad tahaye

* Ninka dawlada aasaasayee raba dariiqeede

Mabda’ laysku doortaa jiroo laga dambeeyaaye
Derejada waxaa hela ninkii shicibku doortaaye
Nin qabiil duduucaayo baa duudka kaa koriye
Habar waliba kay soo dirtay diric ku sheegtaaye
Hebel noogu dara doorkayaga dooddu way odhane
Danjiraha intay wada rabaan ma laha daabaane
Dawo malaha taan ogey intay qolo dudaysaaye
* Haddii maamul loo cararayoo caam la talinaayo
Caqligiyo aqoontaa ka weyn cuurka aad tahaye
Camalkii qabiilkiyo midnimo calan wadaagaysa
waa calaacal timo yeelatiyo caado kow tidhiye

Kayd Maxamed Cabdalla

kaydzzz@hotmail.com

(42)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com