Share this:

" />
25 October 2016 | Articles

”Rag ka mid ah siyaasiyiinta hadii aad dhegaysatid afkaarta,ay xanbarsan yihiin waxay duminay gidarka inoo dhisan,,Amiirka Muse Gadhane

Diiwankii xikmada iyo xigashada ee Amiirka Muse Gadhane.

QAYBTII SIYAASADA;

1-”Xukumadii Udub beenta way sheegi jirtey lakiin,dad gaar ah ayay u

sheegi jirtey,xiliyada qaar ayay sheegi jirtey.lakiin xukumada kulmiye

dadka oo dhan bay u sheegta,xili kastana way sheegta,,Amiirka Muse

Gadhane.

2-‘’Siyaasiyiintu maalin walba way sii kala fogadan,mid kasta wuxu ka
wahsada in uu maqlo kan kale,ama xidhiidh ka yeeshan xaga aragtida

ama wejiyadu kulman,quluubtuna mar keliya isuma furanto,, Amiirka

Muse Gadhane .

3-’’Siyaasigu hadii anu ka fekerin,raadka iyo cawaqibka ka iman kara

hadalkiisa iyo ficilkiisa,wuxu noqonaya mid aragti gaban oo nafci yar

oo dhib badan,,~xigasho~Amiirka Muse Gadhane.

4-’’Xukuumada xumi waa masuu’liyad aan cafis lahayn,oo bulshada

dusha ka saran.xulashadeeda xuna waa lagu cadaab muta,,M.Gadhane.

5-’’Mamulka iyo nidamka jecel cadaalada iyo nabada,mar kasta wuxu

jecel yahay in uu bulshada ku maa’mulo cadalad,,Amiirka M.Gadhane

6-‘’Xisbiyada hadii anad gelin denbi maaha,maalinta dorashadana kii

aad doontid u codaysid,kii aad u codaysidna yaan cidi kula ogaan,,~

Amiirka Muse Gadhane.

7-“Siyaasiyiinta labadooda gacmood,waxay kala xanbarsan yihiin shar

iyo khayr,gacanta sharku ku jiro ka feejignow,,~Amiirka M.Gadhane.

8-“Xukumadu khalad maleh ka feejignow,oo haduudsiyin naftaada

kana feejignow mucaradku khalad maleh,oo ha dumin gidarka kuu

dhisan ,,~Amiirka Muse Gadhane.

9-’’Xukuumada xun waxa ka dhasha,oo ku dhex jira dawlado yar-yar’’

~Amiirka Muse Gadhane.

10-“Nidamka siyaasiga ah ee xumi,wuxuu sabab u noqon kara in uu

burburiyo bulsho qulub,wacan oo meel u wada jeeda,,~Amiirka Muse

Gadhane.

11-“Hadii aad tahay siyaasi han weyn,waxad la kumi durufo ad-adag

waxa daruuri ah in aad xamishid wixii kaa horyimada,,~Amiirka Muse

Gadhane.

12-”Siyaasiga semankan muuqda,wuxuu sita digriiga qabyalada wuxu

aaminsan yahay,in ay tahay xabagta bulshda u xidh-xidhay,,~Amiirka

Muse Gadhane.

13-” Rag ka mid ah siyaasiyiinta hadii aad dhegaysatid afkaarta aay

xanbar sanyihiin waxay dhawacay dawladnimada,,~Amiirka

M.Gadhane

14-“Hadii aad tahay Hugaamiye dadka u ogolow in ay fekeran way ku

jeclan oo fekeri.lakiin hadii aad tidhahdid aniga idiin fekeraya waa

lagu karhi oo la tuuri xukunkaga,,~Amiirka Muse Gadhane.

15-”Hugaamiyaha wacani Umadiisa wuxu uga taga nidam wacan wuxu

u jeexa dariiq wacan,lakiin doorasho keliya kama fekero,,Amiirka

M.Gadhane.

16-“Siyaasadu waa khiyamo iyo faan,waxay leedahay miidan lagu

ciyaro,, ~Amiirka Muse Gadhane.

17-“Hugaamiye markad tahay,guushu waxay kugu jirta Raga ku badhi

taraya.lakiin marka aad guulaysato,guushu waxay kugu jirta ragii kaa

hor jogey guusha,,~Amiirka Muse Gadhane.

18-Dubblumasiga waxan u aqan,Ninka kuu sheekeya isaga oo aan ku

jeclayn,adiguna aad u haysatid in uu ku jecel yahay,,Amiirka Muse

Gadhane.

”19-Dalka waxa jooga laba tuug mid yar iyo mid weyn,tuugta yar-yar

waxa eryada Booliska.lakiin tuugta wa-weyni Booliska ayay ilaliyan ,,

~Amiirka Muse Gadhane.

20-“Siilanyo wuxuu leeyahay laba dublumasiyod,mid qadhadh iyo mid

macan.Udub iyo isbahaysigii,wuxu leefsiiyey dublumasiyad qadhadh,,

~Amiirka Muse Gadhane

Way socota………

Qore Amiirka Muse Mohamed Hagi Duale(Gadhane)

duale@hotmail.com.

(90)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com