Share this:

" />
13 March 2017 | Articles

Roobabkii Guga Oo Ka Curtey Kalabeydh iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Dadka Abaarta Kasoo Guurey iyo Kuwa Deegaankuba

Kalabeydh(WNN)  Wararka Aanu Ka Helayno Magaalada Kalabydh ee katirsan Gobolka Gabiley islamarkaana, 14km dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley ayaa,wax aka da,ay roobabka Guga oo halkaasi si lama filaan uga hoorey galinkii dambe ee maanta.

Roobkan oo si fiican uga da,ay curashada Guga Magaalada Kalabeydh islamarkaana, lahaa biyo dhig aad u fiican ayay dareen xamdinaq weyn ah kaga jawaabeen guud ahaanba Bulshada qaarkood kasoo guureen abaartii ba,neyd ee Gobolada Bari ku habsatey oo badankeedu wakhti xaadirkan degan yihiin Kalabeydh iyo Deegaanada ku hareeraysan ee ka siman ilaa Degmada Dilla,waxaa kale oo dareen culus ku waajahay guud ahaanba beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada Deegaankaasi.

Waa markii u horeysay ee sanadkan oo siweyn loo filayay curashada Roobabka Guguka curtain Deegaanada Galbeedka dalka iyadoo
indhawaale siweyn loogu wada dhegtaagayo guud ahaanba Somaliland Bari iyo Galbeed curashada Roobabkan diraacda Guga inkastoo Magaalada Kalabeydh kamid aheyd Deegaanadii ay ku dambeeyeen daruurihii dabayaaqada Xagaaga iyo Roobabkii kir dhexe ee danayaaqada Deyrtu labadabuba,hadana waxa u hamuunsan curashada Guga Deegaano badan oo katirsan Gobolada Abaartu naafeysay ee Bariga Somaliland oo dad iyo duunyaba riiq adag ay kaga tagtey.

(79)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com