Share this:

" />
14 December 2016 | Featured / News

Daawo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Casriyeyn Lagu Sameeyay Garoonka Kubadda Cagta Boorama

Boorama (GNN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo  safar shaqo ku jooga magaaladda Boorama ayaa maanta  kormeer ku soo maray meello ka mid ah magaaladda oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.Waxaanu madaxweyne ku xigeenku  soo indho-indheeyay  goobo dhawr ah oo ay  dawladu  dhismeyaal ka wado, isagoo   xadhiga ka jaray  garaanka  kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ee Boorame   oo dib u dhis iyo casriyayn lagu sameeyay. Garoonkaasi  oo ay dhismihiisa  iska kaashadeen  xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo dawladda hoose ee Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen badhasaabka gobolka Awdal, maayarka degamadda Boorama iyo xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha degaanka Boorama ayaa   markii uu tegay goobta uu ka socdo dhismaha garoonka kubbadda cagta Boorama, waxaa  uu halkaasi warbixin kaga dhegaystay guddoomiyaha gudiga dhismaha garoonka   Axmed Xaaji  Daahir Cilmi.

Madaxweyne ku xigeenka   oo hadal ka jeediyay   garoonka Xaaji Daahir Stadium ee uu xadhiga ka jaray ayaa   tilmaamay  in garoonkaasi uu ahaa mid ay baahi weyn u qabeen dhalinyaradda xiiseeya ciyaaraha ee  reer Boorama. Waxaanu  yidhi “Waxaa loo baahan yahay sidii uu garoonkani uu u noqon lahaa garoon qiimo leh,  oo dhalinyaradda soo jiita ama dhiiri geliya  dadka ku ciyaari doona.  Waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa, garoonkii hore ee Boorama sidii uu ahaan jiray iyo  faraqa u dhexeeya  garoonkan cusub ee  Xaaji Daahir Stadium”.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa  sheegay in ay xukuumadda ka go’an tahay  hirgelinta goobaha ay dhalinyaradu ku ciyaaraan sida garoomadda,  waxaanu   kula dar-daarmay dhalinyaradda in ay ciyaaraha isku tacalujiyaan si ay uga soo  baxaan   laacibiin  ama ciyaar yahano  heer caalami ah.  Isagoo xusay in ay ku dedaalayaan in ay magaalooyinka ka sameeyaan naadiyo   ciyaaraha ah.

“Dhalinyaradda waxaa looga baahan yahay in ay ciyaaraha isku tacalujiyaan, anaga-na (xukuumadda) waxaan  naga go’an in aanu goobihii lagu ciyaari lahaa idiin samayno,  kadib-na ay idinka soo baxaan ciyaartooyo caan ah, sida  raggaa magacoodu cirka maray ee Mara Dona iyo Messi  oo kale  ah.
Naadiyo ama kooxo ciyaara kubbadda cagta   ayaynu   samayn doonaa mustaqbalka, tartanka ciyaaraha goboladda uun in la sugo ma aha,   waxaa loo baahan yahay in naadiyo isku dhex jira  oo Somaliland ay leedahay la sameeyo,  oo ay naadiyadaasi  goboladda dalka min Bari ilaa Galbeed ay ku soo wada ciyaaraan,  si ay  u abuurto is-dhex gal  dhinaca dhalinyaradda ah” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Guddoomiyaha gudiga dhismaha dhismaha  garoonka casriga ah ee Boorama Axmed Xaaji Daahir, oo ka warbixinayay-na   dhismaha garoonka iyo cida ka qayb qaadatay hirgelintiisa  ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo weli qabyo ka ah garoonkaasi, isla markaana loo baahan yahay in  wax laga qabto.

Axmed Xaaji Daahir,   waxa uu yidhi “Waxba kama  jiraan ayuu noqonayaa garoonku haddii aan biyaha laga leexinin,   waayo madaxweyne ku xigeen meeshan garoonka laga dhisay waa meeshii ay biyuhu isugu imanayeen ama ay marayeen.  Muddo 4 bilood ah waxaanu sugaynay intii uu roobku joogsan lahaa,  ee aanu biyaha ka farsamayn lahayn, imika-na farsamooyin  badan ayaa weli u dhiman oo ay ka mid tahay in biyaha laga leexiyo, shebeg in lagu sameeyo oo la qurxiyo ayuu u baahan yahay garoonkani”.

Geesta kale waxaa halkaasi ka hadlay maayarka magaaladda Boorama  Maxamed Xuseen Maydhane,  ayaa  sheegay in  dhismaha garoonkaasi ay iska kaashadeen xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo dawladda hoose ee Boorama  oo  bilawgii dhismaha garoonkaasi  bixiyay  $180,000 dollar, iyadoo ay sidoo kale dhalinyaradda gobolkuna ka qayb qaateen.

Maayar Maydhane, ayaa ugu baaqay ganacsatadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Awdal in ay ka qayb qaataan  dhamays tirka garoonkaasi.   Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dhismaha garoonkani waxaa markii hore gashay lacag dhan  $180, 000 (boqol iyo sideetan kun oo dollar) oo golaha degaanka Boorama ay bixiyeen.

Imikana  dawladda dhexe ayaa bixinaysa lacagta Roogga la dhigayo garoonka, dhalinayraduna way dedaashay oo waxay sanadkan keeneen $2000 dollar (laba kun oo dollar).   Markaa waxaan uga baahanahay dadweynaha  magaaladda  Boorama in ay  ku darsadaan qaybtoodda, mar haddii  dawladda hoose iyo dawladda dhexe-ba ay iska kaashadeen dhismaha garoonka” ayuu yidhi maayarka Boorama.

Badhasaabka gobolka Awdal Musatafe Cabdi Ciise (mustafe-shiine) oo isna goobtaasi ka hadal ka jeediyay ayaa  tilmaamay in  lacagta lagu soo iibiyay Roogga la dhigayo garoonka Xaaji Daahir Stadium ee Boorama ay bixisay wasaaradda  Maaliyadda.  Waxaanu yidhi “Waxaa jirta in garoonkan Xaaji Daahir Stadium  ay  maalin walba quruxi ku sii kordhayso,  iyadoo markii hore sida uu maayarku sheegay  dhismaha gidaarka iyo qaybaha kale  lacagta ku baxday ay bixisay dawladda hoose ee Boorama. Waxaana imika garoonka la dhigayaa Rooggii,  roogaasi  garoonka la dhigayo kharashkiisa waxaa bixisay wasaaradda Maaliyadda.”

(167)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com