Share this:

" />
07 November 2016 | News

Somaliland oo Laga Fuliyay Qalliinkii ugu horeeyay ee Wadnaha

Hargeysa (GNN)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa laga fuliyay qalliinka wadnaha, kaas oo noqonaya qalliinkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee la fuliyo mandaqada Geeska Afrika, waxaana arrintan ku guulaystay cisibtaalka Dr. Maxamed Aadan Sheekh ee magaalada Hargeysa, kaas oo camaliyad ku sameeyay wiil yar oo shan sanno jira.

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa cisbitaalka Dr. Maxamed Sheekh ku booqday wiilka yar ee loo sameeyay qalliinka wadnaha shalay, waxaanu ILLAAHAY uga beryey in uu caafimaad siiyo, sidoo kalena waxa uu bogaadiyay dhakhaatiirta qalliinkaasi fulisay
Cisbitaalka Dr. Maxamed Aadan Sheekh ayaa dalka dibadiisa u qaadi jiray caruurta wadnuhu daloolo, gaar ahaan dalka Talyaaniga oo muddooyinkii u dambeeyey uu cusbitalku xidhiidh dhinaca qaliinnada ah ka samaynayey, iyadoo sideed caruur ah lagu soo qalay.
Tallaabadan uu qaaday cisbitaalka Dr. Maxamed Sheekh ayaa noqonaysa mid lagaga maarmi doono qalliinadii dalka dibadiisa loo tagi jiray, kaas oo hadda wixii ka dambeeya dalka gudihiisa lagu samayn doono, ka dib markii dedaal laga sameeyey in dalka la keeno qalab casri ah oo dabooli kara baahidii jirtay.
Agabkan qaliinka ayaa dalka soo gaadhay ka dib markii qaadhaan ururin loo sameeyey Cusbitaalka Dr Maxamed Aadan Sheekh, qaadhaankaas oo ay hormuud ka ahayd marwada koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed jirde iyo Madaxweynaha, kuwaasi oo qaban qaabada iyo hirgelinteedaba lahaa, dhinaca dhaqaalahana qeyb ka ahaa.

Agaasimaha cisbitaalka Dr. Maxamed Sheekh, Dr. Khadra Jaamac ayaa ka hadashay madashaasi, waxaanay faahfaahisay qalabka cusub ee lagu soo kordhiyay cisbitaalka iyo sida uu u daboolay baahidii jirtay, waxaanay tidhi “Dalku in uu yeesho qalab u gaar ah oo lagaga maarmo dalalka dibada iyo dalalka shisheeye oo aanay shacbigeennu intooda badan awoodin, sidaa awgeedna loo tudho loona fudaydiyo si aynu u caawino caruurta yar yar ee daryeel la’aanta u geeriyoota ee wadnuhu daloolo.”

Dr. Khadra Jaamac waxa kale oo ay intaasi raacisay “Waxaa la qabtay kulamo qaadhaan loogu ururinayo sidii loo keeni lahaa qalabkan, kulamadaasi oo dhaqaalaha loogu ururinayay cusbitalka oo noqday mid najaxay waxaa lagu keenay mishiinadii qaliinka loo isticmaalayey, iyada oo intii ka qeyb qaadatay bixinta qaadhaankaasina ay ku amaanan yihiin ajar iyo xasanaadna ay u tahay qof walba oo qeyb ka ahaa.”

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu u mahad naqay dhakhaatiirta iyo hawlwadeenada fulinaya qalliinkan, waxaanu wiilka yar ee bukaanka ah ILLAAHAY u waydiiyay caafimaad sareecan ah, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu Mahadnaqayaa dhakhtarada iyo hawl-wadeenada ka shaqaynaaya arrintan , Illahay waxaan ka baryaayaa in uu hawshaa idinku guleeyo Illaahayna Ilmaha yar Caafimaad ha ka siiyo aad iyo aad ayaad u Mahadsan tihiin.”
Qaliinkan oo shalay kormeerka madaxweynaha ka dib la fuliyay ayaa lagu wadaa in warbixin laga soo saaro sida loogu guulaystay.

(29)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com