Share this:

" />
22 August 2016 | Articles

SOMALILAND SADDEX WAJI KA DIB MAXAA LA GUDBOON? CUMAR QAYIR

Markii u horaysay ee dowladii boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland yimaadeen geeska Africa ee dhulka Soomalida waa barbilowga

Magaca Somaliland waa laba erey oo is-saaran oo tilmaamaya qoomiyad magaceed iyo dhulkeed, noqonaysaana dhulkii Soomalida.

Somaliland ayaa hadda taagan bar kala guur oo waji cusub oo taariikhdeeda ah ay furmayso. Marxaladan cusub sida ay tahay in Somaliland ku waajahdo iyo waxa la gudboon ayaan qoraalkan ku falanqaynayaa. Intaas ka hor aan dib u jaleecno wejiyo saddex ah oo dalku soo maray laga soo bilaabo imaanshihii guumaysiga, soo maray dhaq-dhaqaaqyadii xoriyad doonka, midawgii labada Soomaali, halgankii SNM ,gooni isu taagii iyo waayihii ka danbeeyay. Dhugashada casharada marxaladaahas ayaa inoo saamaxaya in ay tilmaam ka qaadano waxa la gudboon dalka haatan. ee dowladii boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland yimaadeen geeska Africa ee dhulka Soomalida waa barbilowga taariikhda casriga ee somaliland.

1887: Dadkii Soomalida ahaa ee ku dhaqnaa Geeska Africa gaar ahaan dhulka hada loo yaqaan Somaliland ay si buuxda u hoos tagtay maamulkii boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland taasi oo xarunteedu ahayd magaalada Cadan ee koonfurta Yaman

1897: waxaa la sameeyey xuduudaha hadda jira ee wadamada qaarada Afirica waana xilliga xuduudaha somaliland la wadaagto wadamada jaarka la sameeyay.

1954: Waxaa la samaynayey calaamadinta u dhaxaysa Somaliland iyo Soomalida Kilalka Shanaad ee Itoobiya hada raacsan oo xiligao loo yaqaanay Reserve Area. Dadka Soomaalida waxay ka war heleen dadkoodii kala qaybiyey.

1895: Bilawgii halgankii daraawiishta:

Waxaa magaalada berbera ka soo degey Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ka soo laabtay soo gudoshada waajibaadka xajka ee magaalada barakaysan Makka halkaas oo uu xiligaasi culuumta diinta ka soo bartay, Dariiqada Saalixiya uu kasoo qaatay macalinkiisi Maxamed Saalax. Waxaa xusid mudan in culida dhinaca diinta ee dalka sii joogtay ay haysteen Dariiqada Qadiriya.

Sayid maxamed waxaa uu bilaabay kacdoon diini ah kaasi oo hal ku dhigiisu uu ahaa in laga soo horjeesto xukunka shisheeye ee gaalada. Dad badani waxay u guuxeen fekerka shiikha, waxa aanu uu hormood ka noqday dhisidii ciidamadii daraawiishta oo noqotay kacdoonkii koobaad ee hubaysanaa ee kala horyimaada dagaal xukunkii gumaystayaashii shisheeye.

Daraawiish marka laga yimaado dawladaha shisheeye ay dalkooda rabeen in ay ka xoreeyaan waxaa kale oo dagaalo dhex mareen qaar kamid ah qabiiladii dhulka degenaa. Inkasta oo ay guulo ka gaadheen dagaalo ay la galeen ciidamada Ciidamada gumaystaha hadana 21 sano oo ay ku jireen halgan qadhaadh naf iyo maalba leh, Daraawiishtu hadana kumay guulaysan in ay dalka ka kiciyaan xukunkii shisheeye wallow ay ka tageen raad xornimo doon iyo dhaqaaq wadaniyadeed. Halgankaasi Daraawiishta waxaa ku naf waayey kumaanan dad rayid ah oo diyaaradihii ciidamadii Ingiriisku ku duqeeyeen deegaamada Taleex, Xudun, iyo meelo kale oo ka tirsan gobolada Sool, Sanaag, iyo Togdheer.

Raadkii xornimo doon ee ay Daraawiishtii ka tagtay ayaa halkii ka sii socday waxaana jiray dhadhaqaayo kacdoon oo ay kala hogaaminayeen Shiikh Bashiir oo waxbarsho ku soo qaatay xeryihii Daraawiista iyo Faarax Oomaar. Ugu dambayna dhaqdhaqaaydaas waxay isugu soo biyo shubateen in Somaliland xoriyadeeda hesho, waxaanay gashay wajjigii koobaad oo aan ku eegi doono xariyadii 1960 kii

WAJIGA KOOBAAD 1960

Neecowdii xornimada doonka umadaha la gumaystey ee qaarada Africa waxaa ay soo gaadhay Soomaalidii dadkuna waxaa ay bilaabeen cadaadis ku saarayeen ingriiska in uu siiyo xoriyadooda. Markii dowladii Ingiriiska siiysay xoriyad buuxda 26 june 1960 qabaaiilka Somaliland waxay lahaayeen qaab saami qaybsi oo Ingiriisku u jaangooyey kaasi oo aanay ka taagnayn doodi marka in u cadaalad ku salaysan yahay iyo in aanu ku salaysnayn, balse dadku waxay ka midaysnaayeen helitaanka wadankooda oo xora.

Shacabku waxay sacabka u tumayeen niman siyaasiyiin ahaa xiligaas kuwaasi oo gebi ahaan dusha u ritay jaan goynta iyo ka go’aan qaadashada masiirka iyo mustaqbalka umada. Nimankaas habo yaraatee dadka ku may soo celin wax afti iyo aragti toona marka laga reebo shirar ay la yeesheen qaar ka mida madax dhaqameeyada beelaha Somaliland oo iyana la aragti ahaa siyaasiyiinta ay madax martay midnimo shanta Soomaaliyeed oo la raadiyo.

Shanta Soomaaliyeed oo marka looga jeeday sidatan 1-britian somaliland 2-italian somaliland 3-Waqooyi bari Kenya 4-Somali galbeed Itoobiya 5-Jabuuti.

Qiiirada shanta Somaliyeed ee Reer Waqooyi ku riyoodeen ama u jibaysnaayeen lagama hadal ahayn gobolada kale marka laga reebo Soomaalida Jabuuti oo guux Soomaali wayn ku jirtay balse candhuuftooda dib u liqeen ka dib markii ay arkeen waaqicii ka dhashay midowgii labada gobol.

WAJIGA LABAAD,30 SANO MIDNIMO AH.

Shacabka ka soo jeeda Waqooyigu waxaa u cadaatay mudo ayaamo ah ka dib in ay ku hungoobeen midowgii Koonfur, waxaa kale oo ay yaqiinsadeen in ay si fudud farahooda uga baxday dawladnimo curdin ah.

Dhowr isku day oo saraakiisha ka soo jeeday dhalasho ahaan Waqooyiga isku dayeen in ay la soo noqdaan xuquuqdooda waxay ku dhamaatay guuldaro iyada isku day kasta wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

Xukunkii Milatariga (1969-1991)

Dawladii uu hogaaminayey Jeneraal Maxamed Siyaad Bare u muuqatay mid kala tabashadii bulshooyinka warqooyi iyo koonfur u dhaxaysay ku sii shiday dab iyo gaas walow dawlada ay dalka dhisidiisa wax la taaban karo ka qabatay hadana may noqon mid shacabkeeda kasbata. Xukuumada uu hogaaminayey jeneralka ciidanka ahi ee marka horeba dalka xukunkiisa awooda militari kula wareegey waxay u eekaatay mid aanay cidnaba mahadin.

Dawlada milatariga ahi qabiilna uma roonayn, balse qabiil kasta waxaa uu arkayey in ay la jirto qabiilka la ood wadaagta ah, waxaana ka dhalatay taas kala shaki iyo kala fogaansho ka dhex abuurma beelaha soomaaliyeed.

Halgankii SNM

Magacay jabhadani oo luuqada Soomaliga ku noqonaysay Ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed waxa ay ka bilaabantay gobolada Waqooyi, waxaana hogaaminayay saraakiil sarsare oo ka tirsana dawladii kacaanka militariga ahayd ee hogaanka u hayey general siyad bare. Saraakiisha dowlada ka soo horjeestay oo xiliga waxa ay andacoonayeen in ay dowladu bartilmaameed ka dhigaynayso dadka ka soojeeda deegaanada waqooyi

Sagaal sano oo ay socdeen dagaalo qadhaaadh oo u dhaxeeya ciidamada kacaanka Somaaliyeed iyo jabhada SNM, waxaa naftooda ku waayey kumanan dada oo rayid ah, waxaana ku barakacay dadkii intii ka badbaaday xasuuqii ka dhashay dagaaladaas. Dagaaladaaasi may galaafan kaliya naftii aadamaha waxaase sidoo kale ku burburay gabi ahaanba hantidii dalka mood iyo noolba

WAJIGA SADEXAAD-1991

SNM waxaa u sooro gashay in ay ka itaal roonaadaan dawladii sii liicaysay ee ay aafeeyeen dagaalkii jabahadii kala duwana ee Soomaalidu lahayd.Badhtamihii. sanadkii 1991 waxaa duntay oo gabi ahaanba meesha ka baxday dowladii kacaanka soomaaliyeed .Xoogagii hubaysnaa ee SNM waxaa ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Hargeisa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Boorama.

Waxaa dalkii galay marxalad kala guur; maamulkii Waqooyiga wuxuu gacanta u galay xoogagii SNM,halka Koonfurtii Soomaaliya Wajahday Dagaalo Sokeeye oo hor leh.

Xaalada kala guurka waxaa door wax ku ool ah ka qaatay salaadiinta beelaha Somaliland bari ilaa galbeed. Waxa shirkii Burco ee horaantii sanadkii 1991 ku go’aamiyeen in lal soo nodqo xoriyadii luntay 1960 kii.

25 SANO SOMALILAND DOWLADNIMO IYO XASILOONI

Shirkii ay isugu yimaadeen hogaankii jabhadii SNM ee laga dhawaaqay madax banaanida somaliland waxaa lagu dhisay labada aqal baarlamaan iyo xukuumada iyada awood buuxda xukuumada loo siiyey hirgelinta kala dambaynta ,hubka dhigista shacab taasi oo darbi adag ahayd. Xiligaas dalku wuxuu ku sugnaa xaalad dhaqaale xumo dadkuna waxa ay u badnaayeen wax barakacay iyo wax musalafay. Taasi waxa ay caqabad ku noqotay in dawladu hesho ilo dhaqaale iyo mid cashuureed oo ay ku maalgeliso geliso adeegyada dawladnimo.

MAXAA LA GUDBOON 2016

Hanaanka dustuuriga ah ee dalka lagu maamulaa waa qoraal dastuuri la waafajiyey shareecada islamka, dastuurkani oo dadka afti looga qaaday waxa xukuumadu sheegtay in ay u codeeyeen hal millyan oo qof.

Dastuurka dalka waxaa dhacda in dowlad iyo shiciba lagu xad gudbo lana jabiyo taasi oo lagu salaynayo maslaxada xaalada marba taagan laguna xaliyo xeer jajab isku dhafan oo ka koobaan qaybo dastuurka ah shareecada islamka iyo xeer dhaqameed qabiilooyinka dabada ku haya

Somaliland shacabkeedu isku aragti kama aha habka saami qaybsiga talada dalka iyo heerka cadaaladeed iyada oo qabiilada dega galbeedka sida Samaroon iyo Ciise ay saluug mudoba ka muujinayeen xukuumadihii Somaliland soo maray iyo ta hada joogtaba. Dhinaca bariga Somaliland waxaa cabasho taasi la mid ah qaba beelaha Harti iyo Faqashini. Dhamaan beelahani waxa ay saluug ka muujinayaan haykalka dawladeed oo ay u arkaan in ay isku koobeen beelaha Isaaq.

Shirki magaalada Burco ee laga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland qodobadii lagu heshiiyey waxaa ka mida ahaa qodob laf dhabar u ah dalka, qodobkaasi oo ahaa ” IN SI CADAALAD AH LOOGU QAYBIYO GOLAYAASHA QARANKA IYO XUKUUMADA BEELAHA SOMALLAND.”

Mudadii ay Somaliland soo jirtay waxaa u suuro galay in ay Hogaamiyaashii soo maray midba sii kobciyo hanaanka maamul iyo midka dhaqaale balse dhamaantood ku waxa ay guul daraysteen saami qaybsiga beelaha iyo xal u helida tabashooyinka

Aniga oo ka duulayaa shirarka u socda khaatumo iyo Somaliland waxay ila tahay somaliland waxaa la gudboon arrin dhaxal gal taasi u sahlidoonta in ay kaga gudubto dhibaatooyinka ka haysta tabashooyinka waxaanan ku soo koobayaa dhowr qodob oo ah sidatan .

Xalinta Tabashooyinka Beelaha ee dhinaca Saamiqaybsiga awoodaha dalka.

Abuurida somaliland cusub oo lawada leeyahay, loona siman yahay dhamaan xuquuqaha iyo waajibaadka, iyada la tixgelinayo dastuurka dalka.

Abuurida taariikh lawada leeyahay iyada lagu duulayo halganadii la soo maray sida Daraawiishtii iyo SNM loona sameeyo xus maalmo qaran.

Samaynta hanaan guud oo umada lagu hago laguna jiheeyo hab qaran iyada laga guurinayo hab qabiil.

Maalinta madaxbanaanida Somaliland loo aqoonsado 26 june 1960

Cumar Qayir

Dhaka ,Bangladesh

Email selemiqayir@gmail.com

(108)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com