Share this:

" />
04 May 2017 | News

War Degdeg Ah: Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Caawa Is Casilay –

Hargeisa(WNN):-Guddoomiyihii Hay’adda Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Xukuumadda Kulmiye Axmed Muxumed Madar ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu xukuumadda Ka Hayay.
Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa ahaa kaadiriintii Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi isla markaana uu banaanka uga baxay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay hadda u hadhsan tahay muddo kooban.

is-casilaadda guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaagga ayaa ka dambaysay ka dib markii ay maalmo uun ka hor uu madaxweynaha somaliland kulan la yeeshay hanti dhawrka guud, xeer ilaalinta iyo komishanka maamul wanaaga kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay hantida qaranka u suggi lahaayeen wakhtiga kala guurka

(103)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com