Share this:

" />
21 October 2016 | News

Wargeyska Dawan Oo Boggiisa Hore Ku Soo Daabacay Warbixin Shabakada Gabiley News Hore U Soo Bandhigtay iyo Lafagurka Dood Ka Dhalatay.

Hargeisa(WNN):- Kadib Markii Ay Shacabka U Gudbisay Shabakada Gabiley News Network Qadar Saacado ah uu Khalkhal Ku Yimid Adeeg Zaadka iyo Dhibaatada Shacabka Kasoo gaadhi Karta, Isu Socodkii Ganacsiga Iyo Adeegyada Bulshada Ayaa Sababtay In Shirkada Telesom oo Ka Damqatay Dhaliishaasi Ay Shabakadu Ka Qortay Islamarkaana Shacab Farabadani Soo Bandhigeen Dhibaatada Iyo tabashada Ay Shirkadan U Hayaan
Hadaba Wargeyska Dawan oo hoos Taga Wasaarada Warfaafinta Qaranka Somaliland, Ayaa Si Faahfaahsan Dhacadaasi Iyo Khalkhalka Ku Keentay Shacabka Somaliland iyo Ganacsatada Bogiisa Hore Ku qaadaa Dhigay,
Wargeyska Ayaa Si Cilmiyeysan Uga Waramay Adeega Zaadka iyo Dhibta Bulshadu ka Dhaxli Karaan Haddii aan Si Degdega Xukuumada Somaliland Iyo Laamaha Dawladu Talaabo Ka Qaadin.
Sidoo Kale Aqoonyahanka Iyo Bulshada Ku Shaqaysa Cilmiga Dhaqaalaha Ayaa Dood Furan Ku Lafaguray Saameyta Uu Adeega Zaadku Ku Leeyahay Qiimaha Shilinka Somaliland, Iyo Sixir Bararka sida uu qayb weyn uga yahay, Waxaana Doodaasi Iftiimisay islamarkaana Meel Cad Iska taagtay i Adeegani yahay Mid aan Shicib Iyo wadan Toona U Danayneyn, Islamarkaana Koox Gaara Oo aan kala jeclayn Horumarka iyo Dib U Dhaca Dhaqaalaha Dalka Somaliland Ku Manaafacaad Sadaan.

Sikastaba ha Ahaatee Arrintan Ayaa Marag Madoon u Noqonaysa Warbixintaasi hore Shabakadu Uga Qortay iyo Saameyta Shacabka Ay Ku Yeelanayso,
Waxaana Talaabooyinka Noocan Ahi Noqon Doonaan Kuwo Ka Duulaya Ilaalinta iyo Faafinta Waxkasta Oo Dib u dhac Ku Keenaya Shacabka Iyo Qaranka Somaliland, Taas Oo aaney Maamulka Iyo Shacabka Gabiley News Oo Isku Duubani Cidna Uga Habran Doonin.

Ku Xidhnow Oo Isha Ku Hay Goor Kasta Iyo Goob kasta Gabiley News Network

(70)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com