Share this:

" />
08 August 2016 | News

Wasiir Cadami Oo Ka Warbixiyay Daminta Shaqaaqo Laba Beelood Oo Ku Dhex Martay Gobolka Sanaag

Waxaanu wasiirku sheegay in shaqaaqada labada beelood markii ay dhacday in ciidamada qaranku ku gurmaday isla markaana uu kala dhex galay labadaa beelood ee dirirtu dhex martay.

Waxa kale oo uu wasiirka difaaca Somaliland sheegay in inta dunidu jirto aanay dhibaatadu iyo shaqaaqooyinku aanay ka dhamaanayn laakiin arintu ay tahay sida wax looga qabtay ee looga hawl galay.

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu intaa raaciyay inay socdaal ugu baxayaan deegaanka xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay isla markaana ay labada beeloodba la kulmi doonaan.

Waxaana uu wasiirku sidaa ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyay wargeyska Dawan

Ugu horeyn wasiir Cadami oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyay  shaqaaqada labada beelood iyo siday ciidanka qaranku ugu gurmadeen ayaa waxa uu yidhi.

“ Markii shaqaaqadu meesha ka dhacday ee labada beelood wax ka dhex dhaceenba waxa gaadhay oo ka hor tagey in dhibaatadu halkaa dhaafto ciidanka qaranka oo ka hawl galay, taasina waxay baajisay in dhiig badan iyo khasaare badan halkaa ka dhaco,ilaa iminkana ciidanka qaranka ayaa gacanta ku haya kuna hawlan si ay u kala badbaadiyaan nafaha walaalaha ah ee shaydaanku isku direy,wax danbe oo dhacayana ma jirto laakiin xaalad colaadeed ayaa wali ka taagan deegaanka,waxaana ka hawl galay saraakiisha ciidanka iyo waxgaradka deegaanka oo labada dhinacba nabad ugu baaqay,horena way iskugu dhaceen labadan beelood laakiin intaa may socon jirin oo waxgaradka iyo madax-dhaqameedka labada dhinac ayaa ka shaqayn jiray nabada iminkana way ku hawlan yihiin insha alllah guulna waan ka rajaynaynaa iyo wanaag in ay ku dhamaato.”

Wasiirka oo aanu waydiinay ujeedka socdaalkooda iyo xubnaha ay ka kooban yihiin ayaa ku jawaabay.

“Aniga oo wasiirka gaashaandhiga ah iyo wasiirka arimaha gudaha ayaa socdaal ugu baxayna maanta  si aan arinta nabad galiyo ugu soo dhamayno una xoojino waxgaradka iyo madax-dhaqameedka iminka ku hawlan nabadaynta labada beelood,waajib ayaana naga saaran in aanu dadkayaga kala badbaadino oo marka ay wax dhacaan u gurmano oo kala bogsiino,dalkana dawlad ayaa ka jirta  kana hawl galaysa meel kaste oo dhibaato ka dhacdo iyo cid kaste oo ay wax kala gaadhaanba,waanu u tagaynaa waxaanu u jeedinaynaa labada beeloodba inay nabada xoojiyaan oo aanay dhiig danbe iska daadin waa camal shaydaan dilka qof muslim ah,wax fududna maaha dhiiga dadka islaamku markaa waxaan leeyahay alle ka baqa oo nabad kuwada noolaada dad aan kala tagayn oo aan kala go’ayn ayaa tihiine”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Xaaji Cali Cadami

(20)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com