Share this:

" />
05 February 2017 | News

Wasiirka Caddaalada oo ku Baaqay Inaan la Siyaasadeyn Himilooyinka Horumarinta Dalka

Hargeysa(WNN)-Wasiirka Wasaarada Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in aan loo baahnan in qaar ka mida culimada Somaliland ay dadka kiciyaan.

Axmed Faarax Cadare oo shalay u waramayay telefishanka Star Tv, ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo, loo doortay in uu dalka hoggaamiyo,waxaana uu u soo jeediyay dadka wax dhaliila in ay wixii tallo ah ee ay hayaan u soo gudbiyaan madaxweynaha, isla markaana aanay munaasib ahayn in la aflaagaadeeyo madaxda qaranka.

“Looma baahna in dalka khal-khal la geliyo, waxaana uga digayaa culimada qaarkood ee aflagaadeeya masuuliyiiinta qarankana karaamo ayay leeyihiin, waa in laga ilaaliyo aflagaadada. annaga waa nala igmaday,culimadu amniga ayay nagala shaqeeyaan. culimada Somaliland waxa ay kaga duwanaadeen culimada kale horumarka iyo wanaaga dalka ayay ka shaqeeyaan. markaa culimada qaar waxa ay ku mashquulsan yihiin in dadka ay kiciyaan waxaan leeyahay dadka ha kicinina masuuliyada qaranka madaxweyne ayaa loo doortay haddii aad tallo u haysaan u keena,”ayuu yidhi Wasiirka Caddaalladdu, waxaanu intaas ku daray, “Horta waa ayaan darro in dadku ay isku keenan laba arrin oo aan is lahayn, marka horumarka wadanka laga fikirayo ee madaxweynaha qaranka hoggaamminayaa uu horumar la rabo, ma aha wax la isku khilaafo, horumarka wadanka iyo masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha qaranka shacab, xukuumad iyo xisbiyo waa loo siman yahay halkaasi meel siyaasad laga raadiyo ma gaydo.”

Wasiirku waxa uu soo jeediyay in aan siyaasad laga dayin wixii horumarka wadanka ku wajahan, waxaanuyidhi “Madaarka iyo dekedda Berbera Maraynkan baa yimi wuu dhisay oo waddankeena wax badan ayuu taray markii uu tegayey ma maraakiib ayuu qaatay? Wuu inooga tegay , ruusha ayaa yimid wuu dhisay maalintii aynu is garan wayn iska tag ayeynu nidhi miyuu qaatay war yaan caqliga dadka lagu ciyaarin , dhaska iyo boodhka ayaa ku dhaca ee dawladda carabta ayaa intaa yar inagu aammintay.”

Wasiir Cadarre waxa uu iftiimiyey doorka ay ka qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha haddii saldhig milatari ku ooli lahaa Berbera, waxaanu yidhi,“Maanta haddii ay diyaarado fadhiyaan oo saldhigaasi ii joogo abaaraha dhacaya diyaaradahaas ayaa raashinka u qaadi lahaa oo dadkeenna u guri lahaa. abaartii daba dheer ee dhacday xilligii Soomaaliya waxa u soo gurmaday diyaaradihii Ruushka ee fadhiyey Madaarka Berbera.”

(16)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com