Share this:

" />
26 August 2016 | News

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Diidday Inuu Sii Daayo Muwaadin U Xidhan Maalintii Toddobaad

Hargaysa(GNN):-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku gacan-saydhay Xubno odayaal ah oo ka dalbadday inuu iska cafiyo Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo maalintii toddobaad sifo sharci-darro ah ugu xidhan Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa.

Odayaashan oo ay isku beel ka soo jeeddaan Qorraa Siciid Maxamuud Gahayr ayaa Wasiirka Madaxtooyada ka codsadday innuu Xorriyadiisa u soo celiyo Halabuur Siciid Maxamuud Gahayr, maaddaama aannu wax danbiya ka gelin qaranka iyo adigaba (Wasiir Maxamuud), isla markaanna uu Muwaadinku xor u yahay aragtidiisa shaqsiga ah.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dalabka odayaasha ganafka ku dhuftay, isla markaanna si cad u diidday innuu aqbalo ergadda ay Odayaashu ugu yimaaddeen, waxaannu Wasiirku sheegay inuu Abwaan  Siciid Maxamuud Gahayr uu danbi ka galay, isla markaanna uu ku xidhiidhiyay Qoraalo taxane ah oo daaha ka rogaaya Musuq-maasuq iyo Qabyaalad.

Si kastaba ha ahaatee Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mida haldoorka dhalinyaradda reer Hargaysa, isla markaanna ah Barre wax ka dhiga Dugsiyadda sarre ee dalka, ayaa maalintii toddobaad sifo sharci-daro ah ugu xidhan Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa, iyaddoo aan wax Maxkamadda la hor gayn.

 

(26)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com