Share this:

" />
23 January 2017 | News

Wasiirka Waxbarashada oo Abaalmarin Guddoonsiiyay Muwaaddin Dugsi Hirgaliyay

Hargeysa (WNN)– Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane ayaa abaalmarin guddoonsiiyay Muwaaddin Cabdixakiin Axmed Xirsi oo Dugsi sare ka hirgaliyay deegaanka Carrooley ee gobolka Xaysimo.

Munaasibad loo sameeyay guddoonsiinta Abaalmarintan oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa khudbad uu ka jeediyay Wasiir Habbane waxa uu ku xusay inay abaalmarintan uga dan leeyihiin si ay u dhiirrigaliyaan muwaaddiniinta waxqabadka qiimaha badan ku soo kordhiya bulshada.

“Cabdixakiin Axmed Xirsi baa la yidhaa ninkan. Waa nin deggan UK. Banker buu ahaan jiray berigii hore, iminkana waa ragga iskood u shaqaysta. Cabdixakiin Iskuul buu ka dhisay deegaanka la yidhaa Carroolay oo qiyaastii 60 Km Taleex u jira, 70 Km wax u dhowna Laascaanood u jira. Meel Holhol iyo Carroolay u dhexaysana dugsi kale ayuu saaka ka bilaabay” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane.

“Munaasibaddan waxaannu u qabannay in aannu Cabdixakiin halkan waxtarkiisa ka sheegno, oo aannu abaalmarin ku guddoonsiinno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Habbane.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane waxa uu xusay in ay munaasibad tan oo kale ah u qaban doonaan Muwaaddinka Ganacsadaha ah ee Shirkadda ANCHOR Md. Idiris Cumar Cunaaye “Idiris-Anchor” oo isaguna afar fasal ku kordhiyay dhismaha dugsiga sare ee Sul. Maxamed Sul. Faarax ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in la xuso muwaaddiniinta waxtarka cuddoon ku soo kordhiya bulshada.
Cabdixakiin Axmed Xirsi
Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-Koore oo ka tirsan golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Indho-Indho oo ka tirsan mudanayaasha aqalka Guurtida ayaa iyaguna Wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay sida ay ugu heellan dhiirrigalinta dadka waxtarka muuqda ku soo kordhiyay mujtamaca, iyaga oo bogaadiyay kaalinta waxqabad ee muwaaddin Cabdixakiin Axmed Xirsi.

Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye Md. Xuseen Aadan Cadde ayaa isaguna bogaadiyay waxqabadka qiimaha badan ee uu deegaanka Carrooley ka hirgaliyay muwaaddin Cabdixakiim Axmed Xirsi.

Muwaaddin Cabdixakiim Axmed Xirsi oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu u mahadceliyay guud ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo si gaar ah Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane, isaga oo xusay in tallaabadani ku dhiirrigalin doonto inuu sii labanlaabo dedaalladiisii waxqabad.

“Maanta sharaf weyn waxa ii ah, dhiirrigalin weynna ii ah runtii, sida aanan filayn ee runtii la ii soo dhoweeyay, taariikhdaydana baal dahab ah ayay ka galaysaa Inshaa Allaah,” ayuu yidhi Muwaaddin Cabdixakiin Xirsi, waxaanu intaa raaciyay: “Tani waxay siyaadin doontaa xawligii aan markii hore ku socday.”

(91)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com