Share this:

" />
03 October 2016 | Community / News

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha SL iyo Badhasaabka Gobolka Awdal oo casho sharaf lagu qaabiley,kulan ka dhacay London + Sawiro

Kulan xalay ka dhacay Hotel Nomad ee galbeedka London ayaa akhyaar reer London ahi kusoo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Somaliland oo uu ka mid ahaa  Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil iyo Badhasaabka gobolka Awdal Mustafa Cabdi Ciise Shiine ,Kulanka casho sharafta ahaa oo aad la isugu waraystay waxa ugu horeyn kulanka soo dhaweynta ka hadlay akhyaartii soo dhaweyey, oo ay ka mid ahaayeen ururada Bulshada Somaliland ee dalka Ingiriiska,dhalinyaro,aqoonyahano aadna ugu mahadceliyey inay kasoo qayb galaan kulankooda si ay uga warbixiyaan horumarka dalka Somaliland ka socda.

img_1395

Ugu danbeyntii waxa labada masuul ay ugu horeyn aad ugu mahadceliyeen dhamaan akhyaarta cashada soo dhaweynta ah ku qaabilay,waxa ay warbixino kaga warameen xaaladda guud ee Somaliland,Doorashada inagu soo fool leh,arimaha Bulshada,waxbarashada iyo arimo badan oo ku saabsan muhiimadda ay qurba-joogtu ugu fadhido Somaliland.img_1400

Waxa kale oo ay kula taliyeen dhamaan bulshada weynta reer Somaliland ee qurbaha ku nool inay sii laban-labaan dedaalka ay ugu jiraan  horumarka dalka.

Kulankii casho sahrafta ahaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad u qurux badan.


img_1396

img_1405
img_1414img_1416img_1422
img_1436
img_1437img_1439img_1443img_1445img_1447

 

 

(38)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com