Share this:

" />
07 September 2016 | Community / News

Weftigii Somaliland eeKu Sugnaa Dalka Imaaraadka oo La Kulmay Jaaliyadda SL ee Imaaraadka Carabta

Dubai(WNN)Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Safiirka Somaliland u fadhiya safaaradda Imaaraadka aynu ku leenahay ayaa xaflad balaadhan oo sagootis iyo xog kala qaadasho ah u sameeyey weftigii isugu jiray guddida Heshiiska Dekadda Berbera oo ay wehelinayaan Maayarka Magaalada Berbera, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, iyo gudoomiyaha xisbiga UCID.

Munaasibadaas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay kana soo shaqeeyeen jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan oo kaashanaysa safiirka Somaliland, ayaa waxay xogwaran ka dhegeysteen xubnihii guddidii heshiiska Dekadda Berbera ee taariikhda galay ee ay la saxeexdeen shirkadda caalamiga ah ee DP World, waxaanay xubnaha wasiirada ahi faahfaahin ka siiyeen qiimaha, horumarka, iyo shaqo abuurka ku lamaan heshiiskaasi iyo xaalada guud ee dalku halka ay marayso. Waxa kale oo ay jaaliyada uga warameen muhiimada ay qaranka Somaliland ugu fadhido inay Caalamka la sameeyeen xidhiidh ganacsi oo la mid ah kan DP World iyo kuwo kaleba, taasi oo bay yidhaahdeen ku xidhan dedaalka aynu kolba la nimaadno haddii aynu nahay dawlad iyo shicib-ba.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu yidhi “Salaan ka dib waxaan idinka mahad-celinayaa sida diiran ee sharafta leh eed noo soo dhawayseen, waxaan jeclahay in aan halkan ka xuso safiirka iyo jaaliyadii munaasibadan innoo soo agaasintay, waxaana xusid mudan kaalintii uu ka qaatay mashruuca. waxa kale oon halkan uga mahadcelinayaa kooxdii wasiirrada, kooxdii farsamo yaqaaan-ka iyo kooxdii garyaqaanada ee arrinkan ka soo shaqaynaayey shantii bilood ee u dambeeyey, waxa mudan in aan iyadana u mahad-celiyo shirkada Dubai World iyo madaxdeeda sidii wanaagsanayd ee ay noo soo dhaweeyeen wada hadalkiina uu noogu dhammaaday sida wanaagsan, waxaan is-dul taagayaa dhawr su’aalood oo laga yaabo inaad is waydiinaysaan oo aan si kooban uga jawaabo.

Waxaad maqasheen heshiis baa la kala saxeexday, heshiisku muxuu yahay? Heshiisku waxa weeye heshiis maalgashi, Maxaa la maalgashanayaa? Waxa la maalgashanayaa dekadda Berbera. Maxaa markaa maalgashigaasi natiijadiisu ay noqonaysaa? Waxa ay noqonaysaa dekadda oo aynu balaadhino. Maxaynu uga jeednaa balaadhin? Maanta dekadeenna Berbera waxa ka soo dega soddon kun oo koontiiner sannadkii qiyaastii. soddonkaa haddaynu rarno kuwa ka soo dega iyo kuwa la raro waxay noqonayaan 60,000. Mashruucan labadiisa weji markay dhammaadaan Insha Allaah, muddada 30-ka sanno ah, waxay innoo suurto gelinaysaa marka loo eego halka ay imika 60-ka koontiiner laga raro lana dejiyo, in aynu gaadhsiin karno 1milyan iyo laba boqol oo koontiiner, markaa balaadhintiisa waad garan kartaan farqiga weyn ee u dhexeeya.

Su’aasha kale waxa weeye sidee baa loo balaadhinayaa? Imisa weji ayuuse leeyahay mashruucu. saddex weji ayuu leeyahay, wejiga hore dekad cusub ayaa lagu dhisayaa, tii horena waa la qalabaynayaa, wejiga labaad tii hore ayaa la dayactirayaa, wejiga saddexaadna mid cusub ayaa lagu darayaa. Wejiga Koowaad, iyo ka saddexaad mid walba waxa lagu darayaa 400M oo dekad ah oo maraakiibtu ku soo xidhato iyo 25Higter oo meesha badeecada la dhigaayo ah.
jaaliyadii
Maxaynu uga baahanay dekeda inaynu balaadhino miyaanay inagu filnayn dekadan aynu haysano? Waxaynu uga baahanay dekadan laba jeer ayaa la sameeyey oo marna Ruushkii baa sameeyey marna 64-kiibaa la bilaabay, haddii aanan khaldanayn, ta dambena MaraykankaA sameeyey oo waxa la dhammeeyey 82-kii, muddo badan ayaa ka soo wareegtay oo waxa loogu tallo galay markaasi baahideennii markaasi taagnayd in la daboolo, baahideenu maanta way ka badan tahay dekedeenu intay qaadi karto, Somaliland ahaan adigoon cid kaleba gaadhin, waxa iyana inagu soo biiray Itoobiya oo dadkeedu imika ku dhaw dhaw yahay ama ka badan yahay 90Milyan, oo si xawliya u koraysa sanadka 2050kana lagu qiyaasay in dadkeedu gaadhi doonaan 250Milyan, dhaqaaleheedu aad u koraayo sanadkiiba oo runtii baahida ay u qabto in wax dibeda uga soo degaan iyo inay wax u dhoofisaaba ka badan yahay marka loo eego dekeda ku yaala gobolka, baahida aynu u qabnaa wuu ka badan tahay capacity-ga jira ama awooda ay leeyihiin dekedaha gobolku.
Berberi inay balaadhato oo ay korto wax badanina ay ka soo degaan, kana dhoofaan micneheedu maaha dekedaha kale ayey wax ka yaraanayaan, ka yaraan maayaan, ee kuwo kale oo ka badan ayeynu u baahanay.

Maxaynu ka faa’iidaynaa ee inoogu jirta?, midi waa dekedii oo la balaadhiyey oo allaab badani ka soo degi karto kana dhoofi karto, taasi waa qodob. maxaa kale faa’iido inoogu jirta? Waxa inoogu jira waxa la maalgelinayaa oo qorshuhu yahay waa 442Milyan, meesha 442M la geliyo, waxa ka abuurmaysa shaqo, shaqana waxa abuura maalgashiga, hadaan maalgashi jirin shaqona jiri mayso, shaqada dhismaha dekeda marka laga yimaado kuma eekaanayso magaalada iyo dekeda oo keliya ee Somaliland oo dhan ayaa ka faa’iidi doonta Insha Allaahu.

Waxa kale oo faa’iido inoogu jirta aqoon kororsi, shaqaalaha aqoontooda kor loo qaado, waxa inoogu jirta hawaayi siyaasadeed baa inoogu jira, haddii la doonayo in layna ictiraafo, waxa laysku qadariyaa ee la isku ictiraafaa waa dano, waxaynu u baahanay in aynu abuurno dano siyaasadeed, dane dhaqaale, ictiraaf doonka laynala yeesho, waxa kale oo faa’iido inoogu jirtaa caalamkii oo inna baranaaya, maantaba Somaliland waa la yaqaanaa intii hadalkaasi socday, intii ka dambaysay markii la kala saxeexday, magaca Somaliland caalamka oo dhan ayuu gaadhay, waxa kale oo aynu rajaynaynaa in mashruucani uu noqdo hordhac oo ay mashaariic kale oo badani ay ka daba yimaadaan oo ku soo dhiiradaan, kuwo maalgashi iyo kuwo kaleba.
Mashruuca sideebaa loo maamulayaa? Heshiiska waxa kala saxeexday inaga iyo shirkada la yidhaahdo Dp world, waxaana loo maamulayaa wada jir shirkad aynu wada leenahay ayaa maamuli doonta Insha Allaahu.

Goorma ayuu dhismaha iyo wereejintu uu bilaabmi doonaa? Wuxuu ku bilaabmi doonaa weji-weji lixda bilood ee soo socda waa diyaar garaw 12ka bilood ee ku xiga waxay noqonaysa nashqadayntii (Design)kii Injineerankii iyo farsamo ayuu noqonayaa, 24ka bilood ee ku xiga wuxuu noqonayaa dhismihii qaybta hore, markaa sidaasi ayey balaadhintu isu daba joogi doontaa.

Maxaa inaga laynooga baahan yahay hadaynu nahay shicibka Somaliland oo dhan? Waxa laynooga baahan yahay hadaynu nahay shicibka Somaliland, inaynu mashruuca taageerno soo dhawayno, waa khayr Ilaahay sumxaana wata-caala uu inoo keenay ilaahay aynu ku mahadnaqno, runtii laynoogama baahna inaynu cayno ceebayno balse waxa uu geyaa in aynu soo dhawayno gudo iyo dibedba, waxaanu ganacsigan aad iyo aad isugu soo keen dhawaynayaa inaga iyo imaaraadka, hadii aad tihiin idinku jaaliyadii imaaraadka dee faa’iidadiisu way idin taabanaysaa, dadka dalka joogana way taabaynaysaa insha Allaahu, halkan waxa inala fadhiya madax ka socota shirkado danaya inay wadankeena yimaadaan oo maalgashadaan iyagana waynu soo dhawaynaynaa.
thumbnail_orma0497

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) waxaanu yidhi “Marka hore dalkaygii iyo dadkaygii waxan bushaaro weyn iyo farxad aan kula guryo noqonayaa in nolosha aad halkan ku wada nooshihiin eed ku wada qanacsan tihiin reer imaraad iyo inta qurba-joogta ah ee qurbaha joogta in aanu anaguna kula noqon doono dalkii insha Allaahu tacaala oo dalku noqon doono dal horumar, sida hilaaca insha Allaahu, waxaynu nahay dad hide u leh oo wax abuuri kara ayeynu nahay, waxanan rajaynayaa in dalkeenu degdeg horumar u gaadhi doono, qodobka labaad ee aan jecelay in aan halkan uga faa’iidaystaa waxa weeye, waxa la yidhaahdo fursadu marka jaaniska qofku helo, jaanisku qofka ma sugo, waxan aad ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo xukuumadda uu daadihiyo inay ka faa’iidaysay jaaniskii ay heshay oo ay u dhabar adaygtay in waxa ay dadku fahmin ay iyagu fahmaan, dadkana ay fahan siyaan, aad baan ugu hambalyeynayaa, qodobka saddexaad ayaan ku darayaa oon jeclahay in aan bulshadaydii uga faa’iidaysto waxaanu noqonayaa nac-naca waxa la yidhaahdo waa macaan ama dadkeenu ama reer Somalilandba, ma muudmuudsadaan ee way burburiyaan, nac-nacuna wuxuu ku wacan yahay in la muudmuudsado, si aad dhadhankiisa u hesho, Waxan leeyahay reer Somaliland, nac-naca yaan la burburinine ha la muudmuudsado si uu macno inoogu yeesho oo aynu u dhadhamino nolosha ay dadka kale ku nool yihiin ”

lOGADA WNN

(27)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com