Share this:

" />
27 August 2016 | News

Wiil ka Tahriibay Somaliland oo Qoomameeyey Nolosha Adag Ee Yurub

Hargeysa(GNN)- “Waan ka murugoodaa wakhtigii iyo dhaqaalahii aan ku bixiyey socdaalkii halista ahaan ee u maray tahriibkaygii qaarada Yurub, maadaama aan wakhtigan ku jiro xero qaxoonti oo ku taalla Austria,” sidaa waxa sheegay Axmed-nuur Cali Maxamed

Warbixin lagu baahiyey shabakada SomalilandPress ayaa lagu bilaabay: “Axmed-nuur oo dukaan ku haysan jiray magaalada Buuhoodle ee gobolka Buuhoodle, sannadkii hore ayaa sheegay inuu tahriibkiisii ku kharash-gareeyey hanti gaadhaysa 10 kun doollar, kuna khasaariyey wakhti badan socdaal hadimo iyo murugo ka haysto xilligan.

Ninkan oo murugada soo martay uga waramay idaacada Ergo ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Nimanka dadka u tahriibiya Yurub oo jooga xuduudaha u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya, markii aan gacmahooda galay aniga iyo saaxiibaday waxaanu lugayn jirnay saacado si aan uga baxsano ciidamada ilaaliya xuduudaha.
Halistii ugu darnayd waxaan kala kulanay ciidan-beeleedyo Liibiya ah, oo Soomaalidu ku naanaysto Magafe-yaal.Waxay noola dhaqmeen qaab bani’aadminimada ka baxsan, haddii qof amarkooda diido, dhammaan dadka way wada ciqaabi jireen, hanjabaad iyo garaacid ayaa noo dheerayd.”
Axmed-nuur oo 27 jir ah, ayaa sheegay inuu ku bixiyey dhaqaale gaadhaya shan kun siduu uga bixi lahaa gacmaha magafe-yaasha Liibiya, si uu socdaalkiisii Yurub u sii wato. “Haddii aan fikrad ka haysan lahaa halista magafeyaasha iyo dhibaatada aan kala kulmayo tahriibka, weligay kama soo tageen Somaliland,” ayuu u sheegay idaacada Ergo, oo khadka internet-ka ku wareysatay.
“Tahriibayaashii doonta Yurub way I garaaceen ilaa aan ka suuxay, ka dib markaan isku dayey fursad aanu helo raacitaanka doon rakaab muggeedii in ka badan la saaray Waxaan ku bixiyey laba kun raacitaanka doontaas. “Ka hor intii aanu safarkii doontu bilaabmin, waan ka murugooday noloshayda, kuna tiraabay ‘Ilaahoow-noloshaydii waan haligay, yaa dib iigu celiya wadankaygii.”
Axmed ayaa ka digay u soo tahriibka Yurub, oo u sheegay inaanay u qalmin halista loo soo marayo, waxaanu kula taliyay dhalinyarrada u soo hiyi kacsan Yurub inay dhulkooda aaminaan.

(132)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com