Share this:

" />
16 August 2016 | News

Xildhibaan Dheeg Oo Isku-Shaadhaynta Uu Sameeyay Madaxwaynaha Somaliland Tilmaamay In Beeshiisu Faro Madhnaan Ka Taagan Tahay.

Hargeysa (WJL) – Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay isku shaandhaynta uu madaxweyne Siilaanyo shalay ku sameeyay xukuumaddiisa – isagoo xidlhibaanku uu soo dhaweeyay isku shaandhaynta madaxweynaha.

Xildhibaan Dheeg, ayaa isku shaandhaynta uu  madaxweyne Siilaanyo sameeyay ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh wallow uu sheeay in dhankiisa ama deegaankiisa uu fara madow ka taaganyahay isku shaandhaynta.

“Waxaan u arkaa tallaabo geesinimo leh, inkastoo anigu xaggayga aan faro madow ka taaganahay oo aanan ka la badalay iyo ka la eryay iyo ka cusuba aanan midna waxba ku lahayn, haddana waxaan u arkaa isku shaandhayntii ugu geesisanayd intii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu joogay, waxaana ay la

mid tahay tii ina Cigaal ee aan ka gabyay.”

Dhanka kale, Xildhibaan Dheeg ayaa waxa uu ka hadlay wada-hadallada Khaatumo iyo xukuumadda Somaliland – isagoo ku tilmaamay guul.

“Waa guul (Wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo), waayo dadku wuu guur guuraa laakiin dalku ma guuro.” Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg

 

(18)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com