Share this:

" />
09 October 2016 | News

Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Dhawaan Hargeysa Timi Oo Ingiriisku Ku Haysto Lacagtii Ay Ku Safartay Oo Tuhun Galay Iyo 

Mss Diane Abbott oo markaasi ay hargeysa timid ahayd xoghayaha ururinta caalamiga ah ee Xisbiga shaqaalaha ingiriiska,hadana ah xoghayaha arimaha gudaha ee xisbigaasi ayaa waxa uu wargeyska Telegraph ee dalkaasi kasoo baxa uu baahiyay in haweenaydan lagu haysto inay lacag ka qaadatay si ay ugu safarto ururada samo falka ee islaamiga ah ee dalkaasi ingiriiska oo laga joojiyay inay wax lacaga ka qaataan dawlada ingiriiska,kadib markii baadhitaano la sameeyey lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin ururada Xamaas iyo Ikhwaanul Muslimiinka masar iyo waliba inaanay si wanaagsan u gudan shaqooyinka lagula heshiiyay inay qabtaan.Mss Abbott ayaa wargeyska Telegraph u sheegtay inay ururadani ka qaadatay lacag dhan 5000 oo lah lacagta ingiriiska oo iskugu jirtay kharashaadkii ay diyaarada kusoo raacday iyo arimo kale.

Mss Abbott waxa ay iyadoo arintan uga waramaysa wargeyskan ay tidhi sida tan

“Bishii April ee sanadkan waxaan booqday Somaliland anoo ah xoghayaha horumarinta caalamiga ah si aan indhahayga ugu soo arko saamaynta abaarta.Muu ahayn urur kaliya waxaase ay ahayd dalad ay ku midoobeen 10 urur oo muslim ah oo ka shaqeeya 71 dal oo dunida ah,iskuna geeyay lacag dhan 150 Milyan oo lacagta ingiriiska ah”ayay tidh waxaanay intaasi raacisay “waligay lama shaqayn ururada xagjirka ah”.

Ururada samafalka ingiriiska ee islaamiga ah ayaa iyaguna iska difaacay eeda losoo jeediyay waxay sheegeen inaanay ahayn xag jir ee ay u hogaansan yihiin shuruucda iyo mabaa’diida dimuqraadiyadeed.

Afhayeen u hadlay ururkaas oo isna wargeyska u waramay ayaa waxa uu yidhi.

“Diane Abbott waxay noo raacday booqasho aan xubnahayagu ku tageen Somaliland,si aanu wacyigalin uga samayno saamaynta ay abaartu ku yeelatay Somaliland iyo somaliyaX”

Xildhibaanadan iyo ururada ay horkacaysay ayaa waxa markii ay hargeysa yimaadeen kulamo la yeesheen madaxwayne Siilaanyo iyo wasiiradiisa.

(44)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com