Share this:

" />
19 December 2016 | News

Xukuumada oo hadda garwaaqsatay in xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd beesha caalamku uu si wayn hoos ugu dhacey

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay wargeyska Foore ayaa daaha ka rogey in madaxtooyaddu u yeedhay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland ee xukuumadii Daahir Riyaale Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo aad loogu amaano inuu meel fog gaadhsiiyay xiidhiidhka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ay la lahayd beesha caalamka,waxaanay tibaaxo aanu helnay noo xaqiijiyeen in Maxamed Cabdilaahi Ducaale ku sugan yahay magaalada Hargeysa isla markaana uu wada hadal u socdo isaga iyo xukuumadda oo sida la sheegay aad loo raajicinayo in loo dhiibo xilka wasaaradda arrimaha dibada oo mudooyinkan danbe Fadhiid noqotay isla markaana tahli wayday inay gacanta ku hayso saaxiibadii ay dawladii Riyaale ku lahayd Beesha Caalamka.

Wararkan ayaa intaa ku daray in madaxwayne Siilaanyo uu hadda garwaaqsaday in dawladiisu aad uga liidato arrimihii dibada isla markaana uu isaga laftiisu u yeedhay Cabdilaahi Maxamed Ducaale si uu  talo uga waydiiyo qaabkii ay dawladii Riyaale kula macaamili jirtay beesha caalamka isla markaana uu doonayo in marka hore uu ka dhigo la taliye,inyar kadibna uu ka dhigo wasiir buuxa,warar kale ayaa sheegay in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ugu yeedhay Maxamed Cabdilaahi Ducaale si ay ugu magacawdo wasaaradda arrimaha dibada isla markaana uu isaga laftiisu u yimi arrinkaasi ka hor intii aanu iman xidhiidh lala sameeyey oo loosii sheegay arrintaas isla markaana la isla gartay oo la sugayo uun wakhtiga ay madaxtooyaddu qorshaynayso inay booskaasi u magacawdo.

Gabagabadiina xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa intii ay hogaanka dalka haysay waxa si tartiib ah hoos ugu dhacay xidhiidhkii caalamiga ahaa ay Somaliland la lahayd beesha caalamka ,waxaana gabi ahaanba soo oodmay oo albaabada la iskugu soo dhuftay xafiisyo badan oo dibloomasiyadeed oo dawladii Daahir Riyaale ka furtay wadamo badan oo caalamka ka tirsan.

(434)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com