Share this:

" />
28 August 2016 | News

Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Xasan Sheekh Xadhkaha U Gooyey Raadkii Walaaltinimo Ee Labada Dal Caalamkana Fariin Cod Dheer Ugu Diray

Afhayeenka Xukuumada Somaliland ahna Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid (Cadaani) ayaa markii u horaysay ka hadlay hadal dafiraad iyo xaqiraad ah oo ka soo yeedhay Hogaamiya Maamulka Xamar oo uu ku sheegay in Dhagarqabihii Shacabka Somaliland xasuuqay Cali Samatar aanu cidna danbi ka galin Ugu Horan wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Mr. Cadaani ayaa sharaxay Cali Samatar iyo kiiskii lagu haystay waxaana uu yidhi. “Arin ugub ah ayaa ka dhacday Somaliya dalka aynu jaarka nahay arin aan aduun yada lagu arag ayaa ka dhacday arintaasi waxay leedahay waxaa dhacday nin danbiile ah oo ay Maxkamadi xukuntay oo isagu qirtay oo sugaya xukunkaasi ayaa geeryooday Maxamed Cali Samatar Madaxweyne ku xigeenkii Somaliya ee Gaashaandhigana haystay ee sheegay in uu isagu amray baabiinta Magaalada Hargaysa ee kumanaanka qof ku dhinteen maanta wuu dhintee wuu inaga hooseeya waxba ku tiiq tiiqsan mayno ILLAAHII ina abuuray ee xaakimka ah ayuu isaga ayaa abaalkiisa marin doona”.
Wasiir Cadaani isaga oo ku hadlayey afka Xukuumada Somaliland waxa uu dhayda ka cadeeyey in Somaliya galka ka saartay wajigeeda dhabta ah isla markaana aanay arxan iyo walaaltinimo u ahayn Shacabka Somaliland. ” Dowlada Somaliya ee sida indha la’aanta ah inoo sheekata ee maanta samaysay inay Muunayso ama inay qiimayso ama in ay qadariso nin gacan ku dhiigle ah oo xasuuq maxkamadi ku xukuntay oo ilaa madaxweyne ilaa dawlad ilaa madaxdhaqmeed aanay u kala hadhin waxaad tusteen shacabka Somaliland iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo midabkiina dhabta ah waxa uu yahay si kastood jir jiroole iska dhigtaan inkasta oo aad marba midabo yeelataan maanta waxaad tusteen in aad tihiin niman daalimiin ah oo u adeega xasuuqa oo u adeega gardarada oo aan naxariis binu Aadam aqoon”.
Wasiir Cadaani isaga oo hadalkiisa sii wata sidoo kale waxa u sheegay in tani aanay Somaliland waxba yeelin balse ay tahay dib u xasuusin Somaliya waxay tahay. “Tani waxay umada Jamhuuriyada Somaliland u cadaynaysaa oo ay xaqiijin u tahay kii lahaa waxbaa jira iyo mid kale toona inaanay umada Jamhuuriyada Somaliland caalamkay u sheegaysaa in aan umada noocaas ah iyo Dowlada noocaas ah in aan wax alaala wax ay la qabsan kartaa jirin iskadaa in aynu la mid noqono ama Somaliya la dhaho aynu ku biirnee wax alla waxaynu la qabsan karno ayaaban jirin”.
Ugu Danbayn Afhayeenka Xukuumada Somaliland waxa uu sheegay in Somaliland yahay dal markasta sharaftiisa ilaashanaya isla markaana noqonayo dal umadiisu is raacsan yahay. “Dadka qiimaynaya ama qadarinaya nin xasuuq qaran lagu haysto aniga oo ku hadlaya afka Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland waxaanu leenahay waxaa ka go’an umada Jamhuuriyada Somaliland in umadani ay adkaysato magaceeda Sharafteeda iyo cisigeeda iyo xornimada aynu ku nool nahay Somaliya ay kuu birayso ama ay wax la qayb sanaysaana aanu jirin waxaan amaan iyo bogaadin u diryaa Abtiyaaladay anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirkii Awr-boogayseed adhi-cadeeye iyo maanta labadii shir ee midna Madaxweynuhu jogay midna Wasiirada ku joognay waxaan bogaadin u diryaa Sool iyo Buuhoodle ee Diiwaangalintu meel walba ka socoto tanaa dhamaystirmaysa tanaa is raacaysa”.
Hadalka Wasiir Cadaani ayaa ka danbeeyey ka dib markii dawladda Somaliya si wayn u maamuustay Aaska Maxamed Cali Samatar oo ahaa ninkii bixiyey Amarkii lagu rusheeyey Magalada Hargeysa isla markaana dawladda Somaliya waxay sheegtay in aanu wax danbi ah iyo wax xasuuq ah gaysan Marxuumkii dadka dhibay.
lOGADA WNN

(17)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com