Share this:

" />
07 December 2016 | Featured / News

Xukuumadda Somaliland Oo Amaro Adag Kasoo Saartay Siyaasiyiinta Iyo Xubnaha Dhalasho Ahaan Kasoo Jeeda Somaliland Ee Xilalka U Doontay Somaliya

Maxamed Muuse Diiriye Wasiiru dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland ayaa ka dhawaajiyay in dadkaasi ay yihiin dambilayaal qaran talaabona ay ka qaadi doonaan hadii ay dalka kusoo noqdaan,waxaana uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu maanta siiyay Idaacadda BBC-da qaybteeda somaliga gaar ahaana xafiiskeeda magaalada Hargeysa.Waxaana wasiiru dawlaha oo arrimahaasi ka hadlay uu yidhi sida tan

“Baadi iska tagta halkaa waanu leenahay oo waan arki jirney awalba hadana awal waabay iska qoran jireene hada waabay ururinayaan sidii xoolaha waxaan filayaa talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa cid allaale cidii isku dayda in ay ka qayb gasho hawshaa ee rabta in ay soo noqoto,anaga waxa nooga yaala xeerkii hore berigaa waxa la yidhaa xeerkii waxbaa laga saaray,berigaana xeerku wuxuu ahaa in la wada hadlo ayuunbaa la keenay meesha laakiin ciddii Soomaliya xil ka qabata ee u doonata in ay dambiile qaran tahay waa ay qoran tahay,”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya bal waxa ay dawlada Somaliland u aqoonsanayso dadkeeda xilka u doonta Dalka Somaliya ayaa yidhi.

“Wax allaale wixii reer Somaliland ah xil ka donatana waa dambiile qaran xagayaga way ka qoran yihiin xeerkaasi wuu yaalaa dadka qaarbaa yidhaa xeerkiibaa la tuurey lama tuurine kaliya in labada dhinac ay mustaqbalkooda ka wada hadlaan ayuun baa laga wad hadlay lagama wada hadal in ay dad dambiilayaal kale oon ahayn kuwii hore qortaan,”

Wasiiru dawlaha amniga ayaa sido kale waxa uu ka hadlay Shaqsiyaad uu sheegay in ay halkaasi ku matalaan inay yihiin madax dhaqameed Reer Somaliland ah ayaa sheegay in aanay jirin wax madax-dhaqameed rasmi ah oo Dalkaa jooga isla markaana ay aqoonsan yihiin waxaana uu yidhi

“Ma hebel in la yidhaahdo madax dhaqmeed ah oon garanayo anigu halkaa kuma ogi haa waa la shegaa magacyo ayaa lagu sheegaa ciddi tagtaa madax dhaqameedna nooma aha nin reer Somaliland ahna maaha halkan markuu yimaadana talaabo ayaanu ka qaadaynaa halkaa intuu jooogana waa shaqaale oo Si caadiyaba aduunka waa loogu shaqo tagaa,Hay’adahaba waa loo shaqo tagaa markaa anaga waxay noo qoran yihiin waa kuwaas oo dambiilayaal ah oo xil ka yaalo kuwa haayadaha oo kale,Anaga xagayagana waa dambiilayaal oo dambiile yaal qaran ayay ka yihiin xeerkii hore ee jiray ayuunbaa hadana jira oo hadana jooga ,”

Ugu dambayn waxa uu Maxamed Muuse Diiriye Fariin digniin ah u direy cid kasta oo Somaliland dhexdeeda ka wada arintan oo ay ku jiraan haayaduhu wuxuuna yidhi.

“Aduun-waynaha ayaanu u sheegaynaa hawsha sida qaldan loo galaayo ee qoladaa reer Somaliya qaldayaan ayaan u sheegaynaa in ayna dadkaasi na matalin aanay shaqo nagu lahayn,Somaliland tahay dal madax banaan halkeediina taagan tahay kana noqonaynin go,aankeedii hore,Bulshada caalamkuna iyadu magacii Somaliya ayay haystaa oo namay aqoonsan anaga ayaa is aqoonsanay go,aankayaguna waa kii aduunkuna aakhiro taanka wuu noo soo noqonayaa oo wuu na aqbalayaa ,Haa Haayadaha waan u sheegaynaa cida halkan wax ka abaabusha in aanaan aqbali Karin cidii reer Somaliland ee halkaas isku day daana ha ogaato in aanay cid matalin ee ay yihiin dad shaqo tagay oo dibada tagay “sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiiru dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye.

(517)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com